You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Gabar naafo noqotay oo ay dhakhaatiirta u sheegeen inaysan dhalayn oo riyadeedii ay u rumowday
2008-dii mar ay u safraysay halka ay reerkooda deggan yihiin si ay qoyskooda u soo aragto, ayey Muniba Mazari waxay dariishadda gaariga ay ku safraysay ka daawanaysay dhulka baadiyaha ee Pakistan.
Waxay ku faraxsaneyd inay markale arki doonto walaalaheed oo ay kula dabbaaldegi doonaan dhalashadeeda 21-aad. Hasayeeshee rajadaas ayaa meesha ka baxday markii gaarigii ay saarneyd uu qalibmay oo uu ka dhacay kanaal wadada dhinaceeda ka qodnaa.
Muniba ayaa markii ay indhaha kala qaadday waxa ay aragtay nin da’ ah oo si tartiib ah u haya madaxeeda. Miyirkeeda toos uma uusan joogin, dadka tuuladana waxa ay bilaabeen inay ka soo saaraan gaariga.
Waxay gadaal ka saareen gaari, markaas ayeyna xaqiiqsatay heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca soo gaaray. Xanuunka haya ayey la oysay oo waxa ay tiri: “Lugahaygii ma dareemayee, aaway lugahaygii?”
Markii la geeyay isbitaalka, ayey dhakhaatiirtii xaqiijiyeen wixii ay ka cabsanaysay, oo waxaa loo sheegay inay ka burburtay miskaha oo ay naafowday. Markaas kaddibna dhakhaatiirtu waxay Muniba ku sameeyeen dhowr qalliin.
Markii ay u sheegeen in aanay u suurageli doonin inay uur qaaddo oo ay canug dhasho, ayey dareentay inaysan u oollin wax rajo ah: “Markaas ayey aheyd markii aan niyadjabay… Aad baan u ooyay,” ayey tiri.
Hasayeeshee walaalaheed ayaa u keenay hadiyad badeshay nolosheeda: waa buug iyo qadda lagu dhigo farshaxanka.
Farshaxankii rajada galiyay
Muniba oo ka daashay eegmada darbiyada cad cad ee isbitaalka, ayaa bilowday inay sawirto waxkasta oo ay dareemaysay. Labadii sanadood ee markaas xigay ayey ku qaadatay sariirta isbitaalka, halkaas oo farshaxanku uu ahaa saaxiibka kaliya ee ay weheshanaysay.
Iyadoo la socota dunida ka baxsan qolkeeda, ayey bilowday inay sawirto waddooyin mugdi ah iyo haween kaligood lugaynaya, si ay u soo bandhigto dareenkeeda xanuunka iyo kalinimada ah. Waxa ay sheegtay “sida kaliya ee aan dareenkaas ku soo gudbin karay ayaa aheyd inaan wax sawiro uun.”
Kaddib laba sanadood oo ay saarneyd sariirta isbitaalka, ugu dambayntii waxay markeedii ugu horraysay ku fadhiisatay kursigeeda naafada. Waqti dheer ayey ku qaadatay inay aqbasho nolosheeda cusub hasayeeshee inay farshaxanka sii waddo ayaa rajo galisay.
Waxay bilowday inay sawirrada ay sameyso ay galiso sariirta hoosteeda, si uusan u arag qofkale oo aan iyada ahyan. Hasayeeshee qoyskeeda ayaanan joojin taageerada ay siinayeen, oo walaalkeed ayaa mar u sheegay “Sawirrada halkan hoose kuma qarinaysidee, waxaad samaynaysaa kayd aad maalin uun ku soo bandhigi doontid shaqadaada.”
Waxay aad u faraxday markii ay soo gaartay farriin ugu soo dhacday emailka oo lagu ogaysiinayo in la siin doono fursad ay ku soo bandhigi karto farshaxankeeda. Waxyar kaddib waxa ay bilowday inay sheegato shaqada ay qabato, iyadoo loollanka adag ee ay soo martay ku arkaysay sawirrada farshaxanka ah ee ay soo gudbiso.
Waxa ay tiri “Farshaxankeyga [laga soo bilaabo waqtigaas] waxa uu I xasuusiyaa xilliyadii adkaa ee aan soo maray, balse sidoo kale waxay isoo xasuusiyaan waqtigii aanan ka quusan nafteyda” waxaana ku xirnay dadka daawada sawirradeeda.
Gabadhii cajiibka aheyd ee Pakistan ee ay u rumowday rajadeedii
Waxyar kaddib mudadaas waxa ay bilowday in waxa ay soo martay ay uga hadasho fagaaraha ay dadka isugu yimaadaan, markii dambana waxa ay noqotay qofkii ugu horreeyay ee ku socda gawaarida dadka naafada ah ee daadihiya barnaamijyada ka baxa taleefishinnada qaranka.
Haatan dadku waxa ay ugu yeeraan gabadhii aan caadiga aheyn ee Pakistan, waxayna barnaamijyada ay qabato gaashaanka ugu daruurtaa waxyaabaha liddiga ku ah dadka naafada ah.
“Markii aan ku fadhiyo gaarigayga naafada ee aan qabanayo barnaamijkeyga dabayaaqada todobaadka, waxaan ka fakaraa gabadha iyo wiilka yar, ee jooga deegaannada fogfog ee Pakistan, ee ku fadhiya gawaaridooda naafada ee fakaraya, waxaan qiyaastaa ‘inay samayn karaan waxa aan samaynayo, marka waynu samayn karnaa.”
Muniba ayaa ugu dambeyntii waxaa u rumoowday rajadeedii aheyd inay hooyo noqoto, waa markii ay ku guulaysatay inay korsato wiilka ay soo qaadatay sanadkii 2011, kaas oo rajo wayn siinaya mustaqbalkeeda.
“Waxaa jirtay maalmo aanan waxba eegan jirin, maantase markaan arko isagoo I hor taagan, waxaa igu soo dhacdo inaan haysto wax wayn oo aan mustaqbalka eegan karo,” ayey tiri Muniba.