Dal Muslim ah oo aan haweenka xijaaban goobaha qaar loo oggolayn

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haweenka Muslimka ah ee xirta Xijaabka ee dalka Masar ayaa faquuq kala kulma shirkadaha ganacsi ee waddankaas, sida lagu ogaaday baaritaan ay samaysay BBC-da qeybteeda Carabiga.
Caddeymaha la helay ayaa muujinaya in faquuqaas uu meel ka dhac ku yahay dastuurka Masar oo mamnuuc ka dhigay in qof loo takooro diintiisa, jinsigiisa, isirkiisa ama dabaqada noolashiisa.
Tan iyo sanadkii 2015, dumarka Masar ee xijaaban ayaa baraha bulshada ku faafinayay cabasho ku aaddan faquuqa ay la kulmaan labiskooda awgii.
Mayar Cumar oo ah cilmi-baare 25 jir ah, ayaa sheegtay inay dhibaato badan kala kulantay qaar kamid aj maqaayadaha heerka sare ah ee ku yaalla caasimadda Qaahira.
Qaar kamid ah haweenkaas cabashadooda soo dhigay baraha bulshada ayaa sheegay in xijaabka ay xiran yihiin awgii loogu diiday inay galaan goobaha qaar.

Xigashada Sawirka, ,
“Inta badan dhibaatadu waa dabaqadaha noolasha,” ayay sheegtay Nada Nashat oo ah qareen u doodda xuquuqda dumarka, “Inta badan dumarka xijaaban ayaa faquuqa kala kulma goobaha ay joogaan dadka dabaqadda sare ah.”
Kooxda baaritaanka u samaysay BBC-da ayaa ballan ka qabsaday 15 goobood oo ku yaalla Qaahira ayna u badan yihiin dadka maalqabeenka ah, kuwaas oo ah goobaha lagu eedeeyay faquuqa ka dhanka ah dumarka xijaaban.
Inta badan goobahaas ayaa codsaday inay eegaan cinwaannada baraha bulshada ay ku leeyihiin martida, halka 11 kamid ah ay si cad u sheegeen in aanay oggoleyn xijaabka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kadib kooxda BBC ayaa diray lamaane ay haweeneydu xijaabtan tahay, waxaana ay tageen qaar kamid ah goobaha sheegay inay diiddan yihiin xijaabka.
Lamaanaha isqarinayay ayaa tegay maqaayadda L'Aubergine ee ku taalla degmada Zamalek, waxaana waardiyaha uu u sheegay in xijaab aan lala geli karin gudaha maqaayadda, maadaama uu ku yaalla baar khamri, ayna dhibsan karto haweeneyda.
Maamulaha maqaayadda ayaa ku adkeysanayay in “xijaabki mamnuuc yahay”.
Markii ay BBC-da caddeyntaas duuban u bandhigtay maamulka sare ee L'Aubergine, ayaa jawaabtoodu waxa ay ahayd in aanu jirin “xeer hoosaad macaamiishooda ka mamnuucaya soo dhaweynta dumarka xijaaban.”
Lamaanaha ayaa tegay goob kale oo lagu magacaabo Kazan, waxaana loo diiday inay gudaha u galaan. Waardiyaha ayaa tilmaamay in go’aanka lagu diiday dumarka xijaaban uu yahay mid ay horay u gaartay goobta.
Meesha saddexaad oo ay lamaanaha tageen ayaa ah Andiamo, oo markii hore loo diiday inay gudaha u galaan. Dood kooban kadib, waxaa loo oggolaaday inay meel gees ah faristaan. Maamulaha ayaa u sheegay “wasaaradda dalxiiska ayaa nagu amartay in dumarka xijaaban aan lagu arki karin goobaha khamriga lagu iibiyo, haddii ay taa dhacdana ay ganaax na saari doonaan”.
“Meel kale raadsada”
BBC qeybteeda Carabiga ayaa baaritaankeeda hordhigtay Caadil Al- Masri oo ah guddoomiyaha Rugtiga Dalxiiska iyo Maqaayadaha ee dalkaas.
“Ma jiro go’aan ay wasaaradda dalxiiska ku mamnuucday in dumarka xijaaban ay galaan goobaha loo damaashaad tago. Ma aha wax la aqbali karo, waa faquuq ka jira goobahaas aad sheegtay,” ayuu Caadil u sheegay BBC.
Baaritaanka BBC ayaa lagu ogaaday caddeymo muujinaya in dumarka xijaaban aan loo oggoleyn inay iibsadaan guryaha ku yaalla goobaha loo dalxiis tago ee ay iibiso shirkadda La Vista taasoo mashaariic dhismo ka wada Qaahira iyo deegaannada xeebaha ah.
Shirkadda ayaa xilliyadii hore guryaha noocaas ah ka iibin jirtay dumarka xijaaban, balse sida ku cad cabashooyinka la soo dhigay baraha bulshada, La Vista ayaa bedashay hannaankaas.
BBC qeybteeda Carabiga ayaa xiriir la samaysay 6 shirkadood uu guryaha iibiya, waxaana kooxda baaritaanka samaysay ay iska dhigeen dumar xijaaban oo doonaya inay iibsadaan guryo. Waxaa loo sheegay in aanay iibsan karin guryahaas.
Mid kamid ah shaqaalaha shirkadahaas ayaa u sheegay gabar weriye ah oo BBC ka tirsan “haddii aan si dhab ah kuugu warramo, raadsi meel kale.”












