Wasiir Israa'iili ah oo ku tukaday Masaajidka Al-Aqsa iyo cadho ka dhalatay

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Wasiirka amniga qaranka Israa'iil ee midig-fog, Itamar Ben-Gvir ayaacibaado ahaan u booqday Masjidka Al-Aqsa ee magaalada Quddus. Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay ku xad-gudb nidaam tobannaan sano jirsaday oo ku khuseeya mid ka mid ah goobaha ugu xasaasisan ee Bariga Dhexe.

Sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday booqashadiisa ayaa muujinaya Ben-Gvir oo salaad ku tujinaya xarunta ay Yuhuuddu u yaqaannaan Temple Mount oo ku taalla Bariga Quddus ee la haysto.

Ku tukashada goobtani waxay jebisay qorshe wakhti dheer ah oo u oggolaanaya Yuhuuda in ay soo booqdaan goobta laakiin aanay ku tukan.

Xafiiska raysalwsaaraha Israa'iil ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in aanay waxba iska beddelin siyaasadda Israa'iil ee ku aaddan ilaalinta heshiiska hadda jira ee dhigaya in Muslimiinta oo keliya ay ku cibaadaystaan halkaas.

Urdun oo ah ilaaliyaha aaggaasi, ayaa ugu yeedhay booqashadii ugu dambeysay ee Ben-Gvir "daandaansi aan la aqbali karin".

Xamaas waxa ay ku tilmaantay "mid mid ah gardarrada joogtada ah ee ka dhanka ah dadka Falastiiniyiinta", halka afhayeen u hadlay madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabbaas uu sheegay in booqashadu "ay ka gudubtay dhammaan khadadka cas".

Goobtu waa meesha ugu quduusan Yuhuudda sababtoo ah waxay ahayd goobta laba macbadyo Kitaabka Quduuska ah. Waa meesha saddexaad ee ugu barakada badan Muslimiinta, kuwaas oo aaminsan inay ahayd meeshii Nebi Muxamed samada u baxay.

Israa'iil ayaa aaggan ka qabsatay Urdun dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967-kii. Laakiin markaas kaddib, Urdun ayaa loo oggolaaday in ay sii waddo doorkeeda taariikhiga ah ee ilaalinta goobtan, halka Israa'iil ay la wareegtay gacan ku haynta ammaanka iyo gelitaanka aaggaasi.

Falastiiniyiin badan ayaa Israa'iil ku eedaynaya in ay qaadday tallaabooyin ay ku wiiqayso is-afgaradyadaasi, waxayna ka cabanayaan in sannadihii u dambeeyay dadka Yuhuuda ah ee booqanaya inta badan la arkayay iyaga oo tukanaya deegaankaasi islamarkaana aanay joojinayn booliska Israa'iil.

Waqf, oo ah hay'adda Islaamka ee maamusha goobtan ayaa sheegtay in Ben-Gvir uu ka mid ahaa 1,250 Yuhuud ah oo koray xarunta subaxnimadii Axadda.

Ben-Gvir oo ah nin xagjir ah, islamarkaana ah wasiirka amniga qaranka ayaa hore u booqday goobta, laakiin Times of Israel ayaa sheegtay in tani ay ahayd markii ugu horraysay ee uu si furan ugu tukado goobta.

Waxaa hareero taagnaa ciidammo boolis ah xilliga uu gudaha u galayay dhismahan taariikhiga ah.

Bayaan uu ka soo saaray booqashada goobtaasi ayuu Ben-Gvir ku sheegay in muuqaalka lahaystayaashii Israa'iil ay dhawaan Xamaas sii daysay uu ahaa mid argagax leh oo wlaac ku abuuray dadka Israa'iil. Wuxuuna ku baaqay in la soo celiyo dhammaan la haystayaasha.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku celiyay baaqiisii ahaa in Israa'iil ay qabsato guud ahaan Marinka Qasa iyo in la dhiirrigaliyo waxa uu ku tilmaamay "in dadku ay si madax bannaan uga baxaan" dhulkaas.

Khubarrada ayaa sheegaya in tani ay noqon doonto barakicin qasab ah oo lagu hayo dadka rayidka ah, iyo dembi dagaal oo suurtagal ah.

Muxuu muhiim u yahay masaajidka Al-Aqsa?

Al-Aqsa waa magaca "qeybta sare ee qalinka ah" wuxuuna masaajidka ku yaallaa dhul ka kooban 35-hektar, Muslimiinta waxay u yaqaannaan masjidu al-Xaram al-Sharif, halka Yahuuddana ay u garanayaan Macbad.

Waxaa sidoo kale hay'adda dhaqanka ee Qaramada Midoobey ay u aqoonsatay goob dhaqan iyo hiddo leh oo muhiim ah.

Goobta uu misaajidka ku yaallo ee magaaalada Qudus waa meesha ugu muranka dheer caalamka tan iyo sannaddii 1967 xilligaas oo Israa'iil ay qabsatay bariga Qudus oo ay ka mid tahay qeybta qadiimiga ah ee magaalada.

Balse khilaafka ka taagan goobtan barakeysan ayaa muddo dheer soo jiray xitaa ka hor inta aan la asaasin Israa'iil.

Sanadkii 1947, Qaramada Midoobey ayaa soo saartay qaraar lagu kala goynayay Falastiin oo markaasi hoos imaanaysay gumeystihii Ingiriiska.

Qorshahaas ayaa soo jeediyay in Falastiin laba dal laga dhigo, oo kala ah Israa'iil iyo Falastiin.

Israa'iil ayaa la siiyay boqolkiiba 55% halka 45% hartay la siiyay Falastiiniyiinta.

Magaalada Qudus oo ah goobta uu ku yaallo Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa waxaa gacanta ku haysay beesha caalamka waxaana maamulaysay Qaramada Midoobey.

Waxaa meeqamkaas loo siiyay muhiimadda diimeed ee ay leedahay magaalada.

Dagaalkii cCarabta iyo Israa'iil ayaa qarxay sanadkii 1948 ka dib markii Israa'iil ay ku dhawaaqeen in ay dal yihiin isla markaana ay qabsadeen 78% dhulkaasi intii hartayna oo kala ah Daanta Galbeed, Bariga Qudus iyo Gaza waxay hoos imanayeen Masar iyo Urdun.

Israa'iil ayaa xoojisay boobka dhulkaasi sannadkii 1967, ka dib dagaalkii labaad ee Carabta iyo Israa'iil markaasi oo ay isku sii fidisay Bariga Qudus iyo waliba la wareegidda magaalada Qudus guud ahaan.

Muddo sanado ah, Israa'iil waxay qaadaysay tallaabooyin ay gacanta ugu dhigayso qeybta qadiimiga ah ee magaalada Qudus guud ahaan.

Sanadkii 1980, Israa'iil waxay ansixisay sharci lagu qeexay in magaalada Qudus ay tahay mid "gabi ahaanteedaba mideysan" ayna tahay caasimadda Israa'iill taasi oo ah mid jabinaysay shuruucda caalamiga ah.

Illaa maanta ma jiro dal Israa'iil u aqoonsan in ay Qudus leedahay, marka laga reebo Mareykanka oo madaxweynihii hore, Donald Trump uu u raray safaaradda dalkaas.

Dadka Falastiiniyiinta ee ku nool magaalada Qudus oo ay tiradooda gaareyso 400,000, waxay leeyihiin xuquuq dagganaashiyo ah isla markana looma aqoonsana inay muwaadiniin u dhashay yihiin.

Tan iyo sanadkii 1967, Israa'iil waxa ay wadday musaafurinta dadka Falastiiniyiinta magaalada Qudus waxayna ku haysay cadaadis.

Israa'iil sidoo kale waxay Qudus ka dhistay dhismooyin ay Qaramada Midoobey ku tilmaantay sharci darro a oo ay ku nool yihiin 200,000 oo Yahuud ah.