You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Faahfaahin kasoo baxeysa toogasho ka dhacday magaalada Qudus
Ugu yaraan toddobo qof ayaa ku dhaawacmay weerar ay dabley hubeysan ka geystay deegaanno kala duwan magaalada Qudus, sida laga soo xigtay saraakiisha Israa'iil.
Dableyda ayaa rasaas ku furtay bas iyo goob baabuurta la dhigto oo ku taalla meel u dhaw deegaanka taariikhiga ah ee 'Xaa'idul Buraaq' abbaare 01:24 wakhtiga Israa'iil, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta caafimaadka.
Booliska Israa'iil ayaa ku raad joogaa raggii hubeysnaa ee weerarka geystay kuwaas oo la rumeysan yahay inay goobta ka baxsadeen.
Afhayeen u hadlay booliska Israa'iil oo la hadlayay warbaahinta gudaha ayaa dhacdada ku tilmaamay 'weerar argagixiso'.
Waaxda adeegga gurmadka deg deg ah ee Magen David Adom ayaa sheegtay inay qaabileen dhowr qof oo ku dhaawacantay weerarka oo ay kamid yihiin labo qof oo ay xaaladdoodu cusleyd.
Waxay intaa ku dartay in lix qof oo rag ah iyo haweeney ku dhaawacmay weerarka loo qaaday isbitaallo ku yaalla magaalada Qudus.
Ilaa iyo hadda ma kala cadda tirada dableydii weerarka fulisay inkastoo warbaahinta Hebrew ay ku warrantay in booliska ay ku raad joogaan labo qof oo looga shakisan yahay inay toogashada geysteen.
Muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada wuxuu muujinayaa in boolis si weyn u hubeysan oo gaaray goobta iyo sidoo kale dad ku cibaadeysanayay goobta oo muddo kooban laga hor istaagay inay isaga baxaan deegaanka 'Xaa'idul Buraaq'.
Afhayeen u hadlay booliiska ayaa sheegay in ciidamada ay "bilaabeen in ay sugaan ammaanka goobta, baaritaanada kiiska iyo raadinta eedeysanayaasha, kuwaas oo baxsaday".
Wargeyska Times of Israel ayaa sheegay in ugu yaraan hal qof oo weerarka fuliyay uu sugayay baska si uu u joogsado, ka hor inta uusan rasaas ku furin markii rakaabka bilaabeen inay raacaan baska.
Deegaanka 'Xaa'idul Buraaq' ayaa ah mid ka mid ah goobaha barakeysan ee taariikhiga ah.
Weeraradan ayaa kusoo beegmaya todobaad kadib markii ay Israa'iil qaadday weerar ku bartilmaameedsatay dagaalyahannada Falastiiniyiinta ee ka dagaallama marinka Qaza, waxaana weerarkaas lagu dilay 44 qof.
Xabbad joojin ay garwadeen ka ahayd Masar ayaa soo afjaray dagaal muddo saddex maalmood ah ka socday halkaas.
Israa'iil waxay sheegtay inay isku dayayso inay ka hortagto khatar toos ah oo kaga timaada kooxda Islaamiga jihaad.
Ilaa 300 oo gantaalo iyo hoobiyeyaal isugu jira ayay falastiiniyiinta dhankooda ku garaaceen Israa’iil xilliggaas.