Matxafka ay yaallaan qorigii Osama Bin Ladin iyo jaakaddii Sadaam Xuseen

Xigashada Sawirka, POOL/GETTY IMAGES
Waa matxaf aan caadi ahayn - oo noociisa oo kale aan laga helin dunida oo ay ka buuxaan farshaxanno taariikhi ah. Laakiin albaabada matxafkan ma ahan mid u furuan dadka caadiga ah.
Waa goobta kaliya ee qofka booqasho ku tagaa uu ku arki karo qorigii uu watay Osama Bin Ladin markii la dilayay, waxaa qorigaas dhiniciisa yaalla jaakadda maqaarka ka sameysan ee uu lahaan jiray madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Saddaam Xuseen.
Madxafka siraha ee CIA-da
Wuxuu ku yaallaa gudaha xarunta dhexe ee hay’adda sirdoonka Maraykanka ee magaalada Langley, ee gobolka Virginia, hadda ayaana la dayactiray si loogu xuso sannad-guurada 75-aad ee hay’adda. Koox yar warbaahinta ka socta , oo ay ku jirto BBC-da, ayaa la siiyay fursad naadir ah.
Waxyaabaha Madxafkana yaalla waxaa ka mid ah lix boqol oo ah agab taariikhi ah sida nooca qalabka basaaska ee dagaalkii qaboobaa - 'jiir ama dooli dhintay' oo fariimaha lagu qarin karo, kamarad qarsoon oo ku dhex jirta baakadka sigaarka iyo waxyabao kale oo loo isticmaalo basaasnimada.

Xigashada Sawirka, CENTRAL INTELLIGENCE AGENCY
Laakiin waxaa kale oo jira faah-faahin ku saabsan qaar ka mid ah hawlgalladii CIA-da ee caanka ahaa iyo xitaa kuwii dhawaan dhacay.
Waxaa la soo bandhigay qaabka cabbirka dhismahii Osama Bin Laden laga helay ee dalka Pakistan. Madaxweyne Obama ayaa la la tusiyay tusaale ka hor inta uusan ansixin weerarkii lagu dilay hogaamiyihii Al-Qaacida sanadkii 2011-ka.
"Inaad awood u yeelatid inaad wax ku aragto 3D dhab ahaantii waxay caawisay siyaasad-dejiyeyaasha… sidoo kale waxay caawisaa hawl-wadeenadayada inay qorsheeyaan howlgalka," ayuu yiri Robert Z Byer, maamulaha madxafkan.
30-kii bishii Juulay ee sanadkan gantaal Mareykanku leeyahay ayaa ku dhacay xarun kale, markan oo ku taalla caasimadda Afgaanistaan ee Kabul. Bartilmaameedka ayaa ahaa hogaamiyihii badalay Bin Ladin ee al-Qaacida Ayman al-Zawahiri.

Xigashada Sawirka, CENTRAL INTELLIGENCE AGENCY
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mid ka mid ah bandhigyadii ugu dambeeyay, wuxuu ku saabsanaa xarunta loo adeegsaday in lagu wargeliyo Madaxweyne Biden July kowdeedii 2022-ka. Zawahiri ayaa laga garaacay dhanka balakoonka gurigiisa ka dib markii sirdoonka Maraykanku ay muddo bilo ah darsayeen dhaqdhaqaaqiisa.
"Wuxuu ka hadlayaa sida saraakiisha ka hortagga argagixisada ay u eegaan qaabka ay nool yihiin shikhsiyaadka bartilmaameedku yahay," ayuu yiri Mr Byer.
Qaybta hore ee madxafku waa hab taariikhi ah oo soo tixnaa laga soo billaabo aasaaskii CIA-da ee 1947 ilaa dagaalkii qaboobaa, iyadoo 11 Sebtembar 2001 werararkii dhacay uu ahaa mid cad oo diiradda saaraya la dagaalanka argagixisada, iyada oo agabka lagu soo bandhigay madxafka ay ku deeqeen qaar ka mid ah qaraabada dadkii ku dhintay weeraradii dhacay.
"Madxafkan ma aha oo kaliya mid taariikheed. Hase yeeshee waa madxaf shaqeynaya. Waxaan qaadanaa saraakiisha CIA-da iyada oo la marayo, sahaminta taariikhdeena, wanaag iyo xumaan labadaba," ayuu yiri Mr Byer. "Waxaan hubineynaa in saraakiishayadu ay fahmaan taariikhdooda, si ay mustaqbalka u qabtaan shaqo wanaagsan, waa inaan wax ka baranaa guulaheenna, iyo guuldarrooyinkayaga si aan u wanaajino mustaqbalka."
Qaar ka mid ah dhinacyada ugu muranka badan ee shaqada CIA-da ayaa ah kuwa aan muuqanin - tusaale waxaa k amid ah waxyaabahaas aan muuqan 1953-kii hawlgalkii wadajirka ahaa ee MI6, si loo afgembiyo dawladii sida dimoqraadiga ah loo soo doortay ee Iran iyo ku lug lahaanshahii jirdilka tuhmanayaasha argagixisada ka dib weerarkii 2001-dii.
'Ma xaqiijin karno mana diidi karno'
Qaybta labaad ee madxafku waxay si faahfaahsan diiradda u saaraysaa hawlgallo gaar ah.
Kalmadda "Ma xaqiijin karno mana diidi karno" waa mid caan ah oo loogu talagalay dadka ka warrama hay'adaha sirdoonka asal ahaanna waxay ku jirtaa oraahdaani sheeko ku faahfaahsan madxafka iyada oo la adeegsanayo waxyaabo aan horay loo arag.
Dabayaaqadii sanadihii lixdamaadkii ayaa markab nooca quusa oo uu lahaa Midowga Suufiyeet waxaa lagu waayay gunta hoose ee badda. Markii uu Mareykanka helay haraadigii markabkaasi ayaa CIA-da waxay kala shaqeysay maalqabeen Haward Hughes sidii loo soo saari lahaa markabkaasi iyo qalabkii ku rakibnaa.
Sheeko been abuur ah ayaa la diyaariyay oo sheegeysay in ninkan taajirka ah uu macdan ka raadinayay gunta hoose ee badda isagoo isticmaalaya markab la oran jiray Glomar Explorer.

Xigashada Sawirka, CENTRAL INTELLIGENCE AGENCY

Xigashada Sawirka, CENTRAL INTELLIGENCE AGENCY
Agabka arrintaasi la xiriira ee Matxafka yaalla wuxuu ka kooban yahay noocyo ka mid ah walxa laga hela badda hoosteeda, qalabkii Soofiyeedka iyo sidoo kale dharka, saxarada dambaska iyo boorsooyinka loo sameeyay si loo ilaaliyo daboolka Glomar. Xitaa waxaa goobta lagu soo bandhigay timo macmal ah uu xirtay agaasime ku xigeenkii CIA-da si uu isu qariyo markii uu booqanayay markabka.
Hawlgalku wuxuu ahaa qayb keliya oo lagu guulaystay sababtoo ah markabka ayaa kala go'ay iyadoo Glomar ay isku dayeen inay soo qaadaan haraadiga markabka.
"Inta badan wixii laga helay markabka hoostiisa waa la kala saaray ilaa maanta," ayuu yiri Mr Byer.
Markii uu soo baxay warka ku saabsan qorshihii lagu soo saarayay markabkan ayaa mas'uuliyiinta loo sheegay in ay yiraahdaan "ma xaqiijin karno mana diidi karno" wixii dhacay - kalmadaas loo yaqaan "Jawaabta Glomar" ayaa weli si ballaaran loo isticmaalaa ilaa iyo hadda.

Xigashada Sawirka, CENTRAL INTELLIGENCE AGENCY
Waxa kale oo jira waxyaabo loo isticmaalay in lagu dhiso Riwaayadaha been abuurka ah oo la yiraahdo Argo. Tani waxay suuragelisay samatabbixinta dublamaasiyiintii lagu hayay Iran ka dib kacdoonkii 1979, taasoo markii dmabe isu rogtay filim Hollywood ah.
Waxaa la soo bandhigay farshaxan fikradeed loogu talagalay filimka been abuurka ah ee kooxda samatabbixintu ay iska dhigeen inay jilayeen. Farshaxanka waxa loo dejiyay inuu si ula kac ah u adag yahay in la qeexo ama la fahmo weedhaha maldahan ee la adgeesaday. Marka ay timaaddo furista, saqafka matxafka cusub sidoo kale waxaa ku jira farriimo kale oo qarsoon oo kala duwan.

Xigashada Sawirka, CENTRAL INTELLIGENCE AGENCY
Hadafka matxafkan ayaa ah, sida ay sheegeen saraakiisha CIA-da in sawirrada agabka yaalla madxafka lagula wadaaago dadweynaha baraha bulshada si ay u arkaan.
Qaar agabka ka mid ah ayaa sidoo kale laga yaabaa in la soo dhigo boggaga internetka. Waa sida ugu dhaw ee dadku ula socon karaa waxyaabaha yaalla matxafkan.













