Weerar lagu dilay ilaa lix sarkaal oo booliska ah oo ka dhacay Xadka Kenya

Al Shabab

Xigashada Sawirka, AFP

Published
Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo

Lix askari oo ka tirsan booliska waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa la dilay ka dib markii koox hubaysani ay weerar ku qaadeen saldhigyo ku dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan maamulka gobolka.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, balse guddoomiyaha degmada Gaarisa, Maxamed Mwabudzo ayaa BBC-da u sheegay qaabka uu u dhacay weerarkaas in uu la mid yahay kuwii lagu yaqaanay kooxda Al-shabaab.

Wuxuu sheegay in askartan la weeraray maalinkii Axadda, 05:30 xilliga maxalliga ah, xilli ay isku diyaarinayeen salaadda subax.

Lixda sarkaal ee geeriyootay ka sokow, waxaa isbitaalka la dhigay afar askari oo dhaawac ah.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah ka geysta deegaanada ay ku sugan yihiin ciidamada Kenya iyo dadka rayidka ah.

Mwabudzo ayaa sheegay in qaabka weerarku u dhacay uu la mid yahay "qaabka weerarrada ay xudduudaha ka gaystaan Al-shabaab marka ay doonataan inay ku khalkhalgeliyaan xasilloonida gobolka".

"Maleeshiyaadkii la tuhansan yahay waxay adeegsadeen hub kala duwan si ay xerada oo dhan u daba gadiyaan," ayuu hadalkiisa ku daray gudoomiyahu.

Xerada weerarku ka dhacay waxa ay ahayd meel hoy u ahayd ciidamada kaydka ah – waxaana ay ahaayeen ciidamado si iskood u ah isu xilqaamay si ay booliska joogtada u howlgala uga caawiyaan ilaalinta nabadgalyada meelaha fog fog.

Al-Shabaab – oo xiriir la leh al-Qaacida – kana talisa qeybo badan oo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ayaa waxay weeraro ka gaystaan gudaha Kenya, iyaga oo dhaqdhaqaaqyo ciidan ka sameeya xadka ay wadaagaan labada dal.

Todobaadkii hore gu yaraan 100 dagaal-yahannada al-Shabaab ah ayaa galay tuulo ku taalla magaalo-xeebeedka Lamu, waxayna wacdi u qabteen dadka deegaanka.

Kooxdan ayaa muddo 20 sano ku dhow waday kacdoono arxan darro ah oo ka dhan ah dowladda iyo shacabka Soomaaliya.