You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Nin uu ka lumay Falaash uu ku hayay xogtii dadka magaalada oo dhan
Dad badan caadi ayay la tahay in ay meel cabitaan horay usii aadaan marka ay shaqada ka baxaan, gaar ahaan marka ay isbuuc shaqo adag ah soo wadeen.
Balse nin shaqaale ah oo ku nool dalka Japan waxaa laga yaabaa inuu ka qoomameeyay arrinta noocaas ah, kaddib markii uu ka lumay falaash xog badan ku jirtay xilli uu habeen ku maqnaa goob lagu caweeyo oo uu saaxiibbadiis u raacay.
Sababtu maxay tahay? Waayo xogta falaashka ku jirtay waxay ku saabsanayd macluumaadka ku dhawaad nus malyan ruux.
Ninkan oo aan magaciisa la shaacinin ayaa falaashka geliyay boorsadiisa ka hor inta uusan aadin baar khamriga lagu cabo oo ku yaalla magaalada Amagasaki ee ku taalla waqooyiga-galbeed ee gobolka Osaka.
Dhowr saacadood ayuu ku jiray makhaayadda maxalliga ah ka hor inta uusan ugu dambayn la miyir beelin waddada, cabitaanka uu iska badiyay awgiis, sida ay tabiyeen warbaahinta maxalliga ah.
Markii uu ugu dambayn soo kacay ayuu ogaaday in boorsadiisii iyo falaashkii xogtu ku jirtay labaduba ay maqan yihiin.
Telefishinka Japan ee NHK ayaa shaaciyay in ninka, oo la sheegay in uu yahay dhowr iyo afartan jir, uu ka shaqeynayay shirkad loo xil saaray inay faa'iidada canshuuraha siiso qoysaska.
Maalintii Isniinta waxa uu xogta shakhsiyaadka magaalada oo dhan ku shubay falaashka ka hor inta uusan la kulmin saaxiibbadiis oo ay magaalada isku raaceen.
Saraakiisha maamulka magaalada ayaa sheegay in falaashka ay ku jireen magacyada, waqtiga dhalashada iyo tilmaamaha guryaha ee guud ahaan shacabka daggan magaalada.
Waxaa kale oo ku jiray macluumaad kuwaas kasii xasaasisan, oo ay ka mid yihiin kuwo ku saabsan xogta canshuuraha ee dadka, lambarrada akoonnada bangiyada iyo faahfaahinta la xiriirta qoysaska hela amniga dhinaca bulshada.
Nasiib wanaag, saraakiisha magaalada waxay sheegeen in xogta ku jirta falaashka ay ku xiran tahay khaanad lambar sireed leh.
Waxa ay intaas ku dareen inaysan ilaa hadda jirin wax caalamado ah oo muujinaya in uu jiro qof isku dayay inuu eego xogtaas.
Balse dhacdadan lagu ceeboobay ayaa sababtay in ay madaxda maamulka magaalada raalligelin ka bixiyaan arrinta, iyadoo duqa magaalada iyo hoggaamiyeyaasha kale ay madaxa hoos ugu dhigayeen dadka deegaanka, si ay ugu cudur daartaan.
"Waxaan si aad ah uga qoomamaynaynaa inaan si wayn u waxyeelleynay kalsoonida shacabka ay ku qabeen maamulka magaalada," ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha maamulka magaalada Amagasaki, oo qabtay shir jaraa'id.