Maxaan ilaa iyo hadda ka ognahay dagaalkii ka dhacay xadka Shabeellaha Hoose iyo Bay?

Qoraalka Codka,
Published
Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo

Khasaare xoog leh ayaa laga soo werinayaa dagaal ba'an oo shalay galinkii dambe ka dhacay xadka gobollada Shabeellaha Hoose iyo Bay ee Koonfurta Soomaaliya. Dagaalka ayaa qarxay kadib markii kolonyo ciidamada milatariga ah ee Soomaaliya oo ku safarayay waddada laamiga ah ee isku xirta Leego iyo Buur Hakaba ay jidka u galeen dagaalamayaal ka tirsan ururka al-Shabaab, halkaasna uu ka qarxay dagaal saacado badan socday.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in halkaas lagu dilay dhawr iyo todobaatan dagaalame oo ka tirsan al-Shabaab, halka shabaabku sheegay in ciidamada dawladda ay ka dileen askar ka badan sedex boqol.

Warar kala duwan oo laga soo weriyay aagga dagaalku ka dhacay ayaa u sheegay BBC-da in dhinacyada dagaalku dhexmaray uu gaaray "qasaare xoog leh"

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dhankeeda qirtay in qasaare uu soo gaaray qaar ka mid ah gaadiidka ay wateen ciidamada dowladda Soomaaliya.

wasaaraddu waxa kale oo ay qirtay in ay jiraan gaadiid laga buuxiyey walxaha qarxa oo A lshabaab u adeegsadeen weerarka, kuwaas oo ay ka dhasheen "waxyeello soo gaartay gaadiidka ciidanka qaarkii".

Dowladda Soomaaliya ayaa 24-kii bisha ku dhawaaqday in ay qaadayso howlgalka loogu magac-daray Banooda, kaas oo sida ay sheegtay ay ku beegsanayso ururka al Shabaab.

Hadaba waxa aan ka ognahay dagaalkaan ilaa iyo haatan waxaa ka waramaya wariyaha BBC-da Ibraahim Maxamed Aadan oo u waramay Fardowso Cabdullaahi.

Qaybta kore ka dhagayso.