Bisad madow oo naadir ah oo laga helo Africa kaliya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Weligaa ma la kulantay bisad madow, ha ahaato habeen ama maalin?
Haddii aad u malaynayso inay tahay bisadda caadiga ah ee waddooyinka ama guriga dhexdiisa ku wareegta, hubaal ma aha tii aad u baratay.
Halkan waxaan uga hadlaynaa "serval" mukalaasha madow oo ah bisad duurjoog ah oo laga helo Afrika, lehna lugo dhaadheer, dhego waaweyn iyo dhogor gebi ahaanba madow ah.
Serval-ku waa bisad duurjoog ah oo cabbirkeedu dhexdhexaad yahay, laga-na helo Afrika. Bisadaan nuuceeda caadiga ah waa xayawaan aad u cajiib ah. Waxay leedahay lugo aad u dhaadheer, qoor dheer, dhego waaweyn, iyo dhibco ka dhigaya mid u eg shabeelka loo yaqaan "cheetah".
Laakiin teeda madow waa bisad gebi ahaanba ka duwan sidaas.
Dhogorteedu aad bay u madowdahay, waxayna u egtahay mid la rinjiyeeyay. Mararka qaarkood, haddii aad si dhow u eegto, waxaad arki kartaa dhibco daciif ah oo ka dhex muuqda midabka madow.
Midabkan aan caadiga ahayn waxaa sabab u ah isbeddel ku yimid hidde-sidaha kaas oo saameeya habka uu jirkeedu u sameeyo midabka dhogorta. Saynisyahannadu weli ma aysan awoodin inay si buuxda u ogaadaan isbeddellada ka dhacaya hidde-sidaha xayawaankan.
Ha u malaynina inaysan awoodo waaweyn lahayn, sababtoo waxay u eg tahay bisad caadi ah.
Bisadda Serval-ka ayaa leh lugaha ugu dhaadheer marka loo eego cabbirka jirkeeda marka la barbar dhigo dhammaan noocyada kale ee bisadaha. Waxay ku ordi kartaa xawaare gaaraya ilaa 64 kiiloomitir saacaddii, waxayna boodi kartaa ilaa saddex mitir oo dherer ah. Awooddani waxay aad ugu anfacdaa marka ay ugaarsanayso.
Serval-ku wuxuu ku quutaa xayawaanka yaryar sida jiirka iyo naasleyda kale ee yaryar, iyo sidoo kale xamaaratada iyo xayawaanka labada nololood ku nool, sida raha. Lugaha dhaadheer ayaa sidoo kale ka caawiya inay ka baxsato ugaarsatada sida shabeellada, waraabaha iyo eyda duurjoogta ah ee Afrika.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhegaheedu waa kuwo cajiib ah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhegaha xayawaanka Serval-ka ayaa aad u waaweyn marka loo eego cabbirka madaxdeeda. Haddii dhegaha dadkuna ay lahaan lahaayeen saamigaas cabbirka ah, waxay noqon lahaayeen kuwo la mid ah cabbirka saxamada cuntada ee waaweyn.
Serval-ku wuxuu dhagaha ku leeyahay 22 muruq, kuwaas oo u oggolaanaya inuu dheg kasta si madax-bannaan u wareejiyo ilaa 180 darajo.
Waxaa intaas ka sii yaab badan inuu hal dheg u dhaqaajin karo dhinac, tan kalena dhinaca kale.
Tani waxay aad u anfacdaa marka uu ku dhex ugaarsanayo cawska dhaadheer. Inta badan, ugaartu gabi ahaanba ma muuqato. Hase yeeshee, Serval-ku wuxuu maqli karaa dhawaaqooda xitaa haddii ay ku dhuumanayaan caleemaha hoostooda ama dhulka dushiisa.
Isagoo dhegihiisa u isticmaalaya sida aaladda raadaarka, wuxuu ogaan karaa halka ay ugaartiisu ku sugan tahay.
Taasi waa sababta Serval-ku uu u yahay ugaarsade aad u wanaagsan. Halka libaaxyada iyo shabeelladu ay ku guuleystaan qiyaastii hal ugaarsi saddexdii jeer ee ay isku dayaan, Serval-ku wuxuu ku guuleystaa in ka badan kala-bar inta jeer ee uu isku dayo inuu ugaarsado.
Maxay bisadahan madow uga soo muuqdaan Tsavo?
Muddo dheer, bisadaha duurjoogta ah ee loo yaqaan "serval" ee midabkoodu madow yahay waxaa si weyn looga yaqaanay meelaha ay ka jiraan kaymo cufan oo qabow, gaar ahaan dhulalka jooggoodu ka sarreeyo 2,000 oo mitir badda.
Tusaale ahaan, waxaa lagu arkay Buuraha Aberdare ee dalka Kenya iyo Buuraleyda Itoobiya.
Waxaa la aaminsanaa in dhogortooda madow ay ka caawinaysay inay ku dhuuntaan kaymaha dhexdooda, gaar ahaan meelaha uu hoosku ku badan yahay. Hase yeeshee, waxaa soo ifbaxay arrin aan caadi ahayn.
Bisadaha serval-ka ee madow ayaa lagu arkay Tsavo, oo ah dhul ballaaran, kulul, isla markaana qalalan oo ku yaalla Kenya.
Cilmi-baaris ay sameeyeen hay'adaha Sheldrick Wildlife Trust iyo Wildlife Works intii u dhaxaysay sannadihii 2011 iyo 2016 ayaa daaha ka qaadday xaqiiqo la yaab leh.
Qiyaastii 47 boqolkiiba bisadaha serval-ka ee lagu arkay Tsavo waxay ahaayeen kuwo madow. Taasi waa boqolkiiba in ka badan intq lagu arkay dhulalka kaymaha ah ee jooggoodu sarreeyo.
Maxaa Tsavo loogu arkaa serval-yo madow?
Waxaa jira dhowr sharraxaad oo suurtagal ah oo ku saabsan sababta loogu arko servals-ka madow meelo badan.
Hal aragti ayaa ah in midabkooda madow uu ka dhigi karo kuwo aad u muuqda oo si fudud loogu ishu u qaban karto marka ay joogaan aaggaan. Taas macnaheedu waxa weeye, waxaa laga yaabaa inaysan tiro ahaan badanayn, laakiin ay tahay in cilmi-baarayaashu ay fursad weyn u heleen inay arkaan bisadda si ka abdan kaymaha.
Laakiin waxaa jira fikir kale. Hidde-sidayaasha qaabeeya maqaarkooda madow waxay sidoo kale siin karaan sifooyin kale oo aan caddayn, sida awood wanaagsan oo lagu xakameeyo heerkulka jirka ama iska caabbinta cudurrada. Haddii ay sidaas tahay, sifooyinkaasi waxay ka caawin karaan inay sii noolaadaan oo ay wax badan tarmaan, sidaas darteedna hidde-sidayaashaas loogu gudbiyo jiilka xiga.
Hadda, ma jirto jawaab cad oo ku saabsan sababta looga helo deegaannada diiran.
Laakiin sabab kasta ha ahaatee, serval-ka madow wali waa xayawaan naadir ah, soo jiidasho leh oo indhaha soo jiidanaya marka aad nasiib u yeelato inaad ku aragto duurka.

























