You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Yaa mas’uul ka ah xasuuqa lagu hayo Muslimiinta Axmadiya ee Pakistan?
Bishii Agoosto 12, 2022, Naseer Axmed ayaa socod goor subax ah ku soo maray Rabwah, oo ah magaalo ku taal Bartamaha Punjab, Pakistan. Waxay ahayd maalin Jimce ah, markaas ayuu aaday qabuuro ay ku aasanyihiin dad ay ehel yihiin si uu qur’aan ugu soo aqriyo.
Markii uu ka soo laabtay xabaalaha, Naseer waxa uu dhowr daqiiqo ku hakaday qof ay is garanayeen. Naseer oo sheekada ku mashquulsan ayaa waxaa u yimid nin gar leh oo xiran kamiis cad.
Ninkii ayaa hadalka ka dhex galay oo ku yiri "Ma Axmadiye baad tahay?" Isla markiiba Naseer madaxa ayuu ruxay wuxuun raaciyay “Haa waan ahay” ninkii mindi ayuu ku weeraray markaa kadib.Intii u weerarku socday ninku wuu qaylinayay .
Xoogaa kadib waxaa isla goobta lagu qabtay ninkii weerarka geystay oo isna qirtay dambigiisa. Hadda waxaa ku socota maxkamad.
'Ma sheegi karno cidda aan nahay'
Dowladda ayaa magaca magaalada Rabwah u beddeshay Chenab Nagar. Magaaladan waxaa lagu tiriyaa inay tahay xarunta Jamaacada-Axmadiya.
Inta badan dadka halkan ku nool waa Axmadiyiinta. Wax ka bedel lagu smaeeyay dastuurka ayaa lagu sheegay in ay yihiin dad aan muslim ahayn.
Ilaa 4 milyan oo muslimiin ah ayaa ku nool Pakistan. 1889kii, bulshada Axmadiya waxaa laga aasaasay tuulo la yiraahdo Qaadaan. Tuuladan hadda waxay ku taal Punjab, dhanka Hindiya..
Sababtoo ah waxaa jira farqiga u dhexeeya dhanka caqiidada Muslimiinta Axmadiya, Muslimiinta Sunniga ah iyo Shiicada.
Sannadkii 1974kii, dawladdii Zulfikar Ali Bhutto ee Pakistan waxay soo bandhigtay isbeddel dastuuri ah oo ay ku sheegtay Axmadiya inay yihiin dad aan muslim ahayn. 10 sano ka dib, intii lagu jiray xukunkii Zia-ul-Haq, waxaa la hirgeliyay amar sharci ahaa oo sii xaddidaya bulshada Axmadiya.
Gabar uu dhalay Naseer Axmed oo lagu magacaabo Rabiya ( magacaas oo aan ahayn keeda runta ah) ayaa sheegtay in markii aabbaheed u baxay socodkiisii subaxnimo, ay xataa si fiican u macsalaamayn kari wayday.
Rabiya waxa ay tiri, “Habeen hore waxa aan siiyey buste cusub aabbahey ka hor inta aanu seexan aad buuna u farxay. Maalintii danbana waxaan arkay wajigiisa oo go’ cad ku daboollan oo cusbitaalka yaalla, waan niyad jabay. Wuxuu ahaa muuqaal aan xasuusan doono inta noloshayda ka hartay. Cabsidaanna way sii socon doontaa."
Rabiya ayaa baroor bilaawday iyadoo leh, "Ma lihin xorriyad aan ku dhaqanno oo diinteena ku haysanno, ma haysanno xorriyad aan ku muujinno waxa ana rabno, ma sheegi karno cidda aan nahay iyo waxa aan aaminsanahay, waan baqaynaa, cabsida ayaa sii kordhaysa. waana sababta ay bulshadeena oo dhami u walaacsan tahay."
Taariikhda xadgudubka
Waxaa jira cadaadis dheer oo lagu hayo Axmadiyiinta Pakistan. Waxaa dhacay weeraro lagu qaaday naftooda, hantidooda iyo goobaha ay ku cibaadeystaan. Waxay aaminsan yihiin in lagu dhibaateeyay sharciga. Waxaa la mamnuucay isu imaatinkooda, faafinta diinta.
Xataa in baraha bulshada lagu wadaago aayadaha qur’aanka kariimka ah ama ku qorista qoraallo Islaami ah ayay kala kulmi karaan dhibaato xagga sharciga ah.
Dalka Pakistan, laga bilaabo sanadka 2010 ilaa Abriil 2022, 28 dhacdo oo ah xabaalo ay ku aasanyihiin dad siyaabo kala duwan loo dilay ayaa laga diiwaan galiyay kuwasa ii ja tirsan bulshadan. Laga soo bilaabo sanadka 2021, waxaa dhacay 30 weerar oo lagu qaaday goobahooda cibaadada. Waxaa la diiwaan galiyay kiisas ka dhan ah Axmadiyiin badan oo aayado quraan ah ku wadaagay baraha bulshada.
Qamar Suleman waa wakiilka Jamaat-e-Ahmadiya ee Pakistan. Wuxuu qirayaa kororka weerarada ka dhanka ah xubnaha bulshada Axmadiya bilihii la soo dhaafay. Laakiin waxa uu arrintan ku eedeeynayaa kor u kaca weyn ee xagjirnimada.
Qamar Suleman ayaa yiri “Dareenka shacbigu naguma diidana, dadku si fiican ayay noola dhaqmaan oo si fiican ayay noo fahmeen, dadka halkan jooga waxa ay u halgamayaan jiritaankooda,”.
Waxa uu leeyahay, "Kuma haysano halkaan fursad siman, markaa si cad uma soo bandhigi karno fikraddayada, waxaa jira dad u arka Axmadiyiinta inay yihiin bidco sabab la'aan. iyadoo arrinta Khatm-e-Nubawwat ay noqotay mid aad u siyaasadeeysan."
Qamar Suleman wuxuu sheegay in Khatm-e-Nabuwat ay tahay dhaqdhaqaaq Islaami ah oo loo sameeyay ilaalinta qiyamka ugu dambeeyay ee Sunnadii Nebi Muxamed NNKH.
Dad badan oo Axmadiya ayaa dalka ka baxay tobanaankii sano ee la soo dhaafay sababtoo ah waxaa quusiyay dhibaatooyinka ay wajahaan.
Qamar ayaa sheegaya in siyaasiinta dalka ay mar walba sheegayaan hadal ah Axmadiya haddii aaney ku noolaan karin halkaan ha isaga baxana dalka oo meeshay doonaan ha aadaan. "Laakiin su’aashu waxay tahay sidee dadka tirada badan ee intaa le’eg ay u tahriibayaan, dhulkayaguna waa dhulkeennii, waa dalkeennii, halkan baanu ku dhalannay oo halkan ayaa ku soo koray, sidee qof noo oran karaa dalka ka baxa,”.
Qamar Suleman ayaa aaminsan in dawladu ay ka danbeyso niyad jabka Axmadiyiinta soo wajahay.
Ula dhaqan sidii Yuhuuddii Nazi-gii Jarmalka'
Yaasir Xamdaani waa qareen. Waxay aaminsan yihiin in Axmadiyiinta looo diiday xuquuqdooda asaasiga ah. Xuquuqdaas waxaa lagu qeexay Dastuurka Pakistan. Gaar ahaan ka dib wax-ka-beddelkii midab-takoorka iyo sharciyadii xigay, waxaa loo diiday xuquuqdooda caqiidada iyo ku dhaqanka xorriyadda.
Waxaana jira qaybo iyo kooxo kala duwan oo sii hurinaya nacaybka iyo rabshadaha ka dhanka ah Axmadiyiinta.
Yaasir wuxuu leeyahay, "Waxa loola dhaqmaa si la mid ah sidii dadka Yuhuudda ah ee Naziyiintii Jarmalka."
Yaasir wuxuu tilmaamay sharciyo isku xira muwaadiniinta Pakistan. Haddii ay sheeganayaan inay yihiin Muslim, waxay ku dhaartaan inay rumaysanyihiin Nebi Muxamed NNKH si ay u helaan xuquuqaha aasaasiga ah ee muwaadinimo.
Sida uu qabo taariikhyahan Cali Cusman Qasmi, arrimahaana sii kordhaya ee kooxaha sida Tehreek-e-Labbaik Pakistan ayaa qayb ka ah mowjadaha cusub ee weerarada ka dhanka ah Axmadiyiinta ee Pakistan. Inkastoo uu sheegay in dowladda ay iyaduna mas’uul ka tahay ilaa xad dhibaatooyinkaan.
Tan iyo 2017, Tehreek-e-Labbaik Pakistan waxa ay door muhiim ah ka ciyaaraysay dhaqdhaqaaqa ka soo horjeeda Axmadiya iyo siyaasadda ku xeeran dhaqdhaqaaqa Khatm-e-Nabuwat. Inkasta oo taariikh ahaan kooxo diimeedyo kale ay iyaguna qayb ka ahaayeen.
Qasmi waxa uu aaminsan yahay in sharciga Pakistan uu taageerayo oo uu qiil uga dhigayo dhaqamada ka soo horjeeda Axmediya.
Takoorid bulsho
Bishii Febraayo ee sanadkan, guddi xaqiiqo raadin ah oo uu hogaaminayo guddiga xuquuqul insaanka ee Pakistan ayaa sheegay in maamulka madaniga ah ee degmooyinka Gujranwala iyo Wazirabad ay si toos ah ugu lug lahaayeen burburinta minaaradada goobaha cibaadada Axmadiya kuwaas oo dhacay bilihii December iyo January.
Waxaa warbixinta lagu sheegay in arrintan ay ka dambeysay ka dib markii ay ka soo horjeesteen xubno ka tirsan urur diimeedyada deegaanka.
Iyadoo maamulka deegaanadaasi ay ku andacoonayaan in arrintan ay u sameeyeen sidii ay meesha uga saari lahaayeen dhibaato ay horey ugu gaysteen shacabka. Hay'adda HRCP ayaa sheegtay in qaabka loo maareeyay xaaladda ay sii hurisay cadaawadda loo qabo bulshadan.
"Howlgalku wuxuu fahamsan yahay in xafiisyada maxalliga ah, booliiska iyo garsoorka ay cabsi galiyeen koox diimeed, jawaabtoodu waxay ka tarjumaysaa awood la'aantooda inay maareeyaan sharciga iyo nidaamka iyagoo ixtiraamaya xuquuqda aasaasiga ah ee bulshada Axmadiya," ayaa lagu yiri warbixinta.