Israa’iil iyo Lubnaan oo sameeyay arrin lagu baajiyay dagaal laga cabsanayay oo ay ku gooddisay Xisbullaah

Taangi ay Israa'iil leedahay oo calankeeda uu ka lulanayo

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Taangi ay Israa'iil leedahay oo calankeeda uu ka lulanayo (sawir hore)
Published

Israa’iil iyo Lubnaan ayaa waxa ay saxiixdeen heshiis taariikhi ah oo ay ku xariiqayaan xadkooda dhinaca badda Mediterranean-ka.

Labadan dal ee dariska ah, kuwaas oo farsamo ahaan ku jiray dagaal tan iyo markii Israa’iil la aasaasay 1948, ayaa ku jiray muran la xiriira cidda leh xaqa gaas loogaga soo saari karo ceel shidaal oo halkaas ku yaal.

Ururka Xisbullaah oo ka dhisan waddanka Lubnaan, ahna maleeshiyo xoog badan balse leh garab siyaasadeed, ayaa ku gooddiyay inuu weerrari doono Israa’iil haddii ay gaaska ka soo saarto barta lagu muransan yahay kahor inta aanan heshiis la gaarin.

Labada dalba, waxa ay dhaqaale ahaan ka faa’iidi doonaan ceelkaasi shidaalka.

Heshiiska ayaa waxa uu taabanayaa 330 oo km oo iskuwareeg ah oo ah xeebaha badda labada dal. Illaa iyo haatanna, labada dalba waxaa u suuragalaysa inay khayraadka dabiiciga ah la soo baxaan maadaama xal laga gaaray is-afgaranwaagii la xiriiray halka xadka uu maro.

Aaggan lagu muransan yahay ayaa qeyb kamid ah waxa hoos tagaa deegaanka Karish, halkaas oo la xaqiijiyay in ceel shidaal uu ku yaal, iyo qeyb kamid ah Qana oo la saadaalinayo in ceel shidaal uu ku yaal.

Heshiiskan oo ay garwadeen ka aheyd dowladda Mareykanka, ayaa Israa’iil waxa uu ogolaanayaa inay si buuxdo ula wareegto lahaanshiyaha Karish, halka Lubnaan loo aqoonsaday inay xaq u leedahay deegaanka Qana. Lubnaan ayaa ogolaatay in Israa'iil ay qaadato qeyb kamid ah dakhliga ka soo baxa gaaska ay suuragalka tahay in Qana laga soo saaro, deegaankaas oo qeyb kamid ah ku yaal biyaha Israa’iil.

Shirkadda gaaska soo saarta ee Energean ee uu fadhigeedu yahay London ayaa sheegtay inay Karish ka bilowday soo saarista gaaska

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Shirkadda gaaska soo saarta ee Energean ee uu fadhigeedu yahay London ayaa sheegtay inay Karish ka bilowday soo saarista gaaska

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Yair Lapid, kaas oo ku jira loollanka doorashada guud ee la qaban doono todobaadka soo socda, ayaa heshiiska ku tilmaamay inuu yahay guul diblumaasiyadeed.

“Maalin-walba lama helo in dal cadaw ah uu heshiis qoraal ah ku aqoonsado qaranka Israa’iil, weliba iyadoo bulshada caalamka oo dhan ay eegayso,” ayuu yiri.

Sikasta oo uu xaalku ahaadaba, madaxweynaha Lubnaan, Michel Aoun, ayaanan wax wayn ka soo qaadin heshiiska isagoo ku sheegay inuu yahay “mid farsamo oo aanan la xiriirin wax siyaasad ah”.

Ninka ay Mr Lapid sida adag ugu loollamaan siyaasadda ee Benjamin Netanyahu, kaas oo rajaynaya inuu dib ugu soo laabto awoodda, ayaa heshiiska ku tilmaamay mid sharci-darra ah waxaana uu ballanqaaday inuusan ku shaqeyn doonin sida uu hadda u dhigan yahay.