You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ruushka oo malaayiin ku bixiyay si uusan Putin ugu dhicin cudur halis ah
Xilligii uu heerka ugu sarreeya marayay cudurka safmarka ah ee COVID-19, Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin waxa uu ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha caalamka ee sida ugu wayn loo ilaalinayay - walina sidaas ayaa loo ilaaliyaa, inkastoo xayiraadaha fayraska corona laga khafiifiyay dunida.
Qof walba oo masaafe dhan hal kiiloomitir usoo jirsanaya hoggaamiyaha Ruushka (oo ah tobannaan qof, sida dhakhaatiirta, shaqaalaha madaxtooyada, duuliyeyaasha iyo kuwo badan oo kale) waxaa khasab ku ahayd inay galaan karantiil labo isbuuc ah ugu yaraan afar jeerna laga baaro Covid, sidoo kalena la mariyo baaritaanno kale, oo ay ku jiraan mararka qaar baaritaanno dhanka saxarada ah.
Haddaba qaab sidee ah ayuu u shaqeeyaa nidaamka lagu ilaaliyo caafimaadka Vladimir Putin?
"Waxay ahayd markayga. Gacmaha ayaan isku salaannay waxaana u rajeeyay caafimaad wanaagsan isaga [Vladimir Putin] anigoo u gudbiyay farriin taas la mid ah oo uga timid dhammaan rugcaddaayada dagaalka ee Jamhuuriyaddeenna," ayuu yiri Janaraal howlgab ah,Akhat Yulashev, oo kasoo jeeda gobolka Tatarstan, isagoo la hadlayay warbaahinta maxalliga ah markii uu ku laabtay gurigiisa isagoo ka tagay Moscow.
"Wuu ii dhoollacaddeeyay. Sidaas ayuu dareenkiisa u muujiyay!"
Janaraalka 94 jirka ah ayaa u safray Moscow si uu uga qayb galo munaasabadda 9-ka May ee Maalinta Guusha, oo ka dhacday Fagaaraha caanka ka ah magaalada ee Red Square.
Balse maadaama uu ku dhawaanayay Mr Putin, ugu horrayn waxa uu ku khasbanaa in uu labo isbuuc soo galo karantiil uu ku qaatay hoteel ku yaalla Moscow, kaasoo uu ku tilmaamay mid "raaxo badan".
'Kharash garayn aan horay loo arag'
BBC-da uma aysan suurtagelin in ay si shakhsi ah ula hadasho Janaraal Yulashev, balse waxaa la aaminsan yahay inuu ka mid ahaa 400 oo ruux oo karantiil labo isbuuc ah ku galay hoteellada casriga ah ee Moscow ka hor inta aysan ka qayb galin xafladda ay maalintaas ugu dhawaadeen hoggaamiyaha Ruushka.
Waxay u muuqataa in xitaa markii uu hoos u dhacay cudurka safmarka ah, ayna yaraadeen tallaallada loo qaadanayo, ay wali sidooda ahaayeen shuruucda xanuunkan looga ilaalinayay Mr Putin.
Madaxweynaha ayaa hadda meesha uu daggan yahay ku sameeya dhaqdhaqaaqyo ka badan kuwii uu samayn jiray labadii sano ee lasoo dhaafay, si la mid ah sida ay sameeyaan shaqaalihiisa caafimaadka iyo qof walba oo kale oo xiriir toos ah la samaynaya.
Xogta sida caadiga ah looga heli karo ilaha dowladda Ruushka ayaa shaaca ka qaadday in qiyaastii 3.2 bilyan oo roubles (oo u dhiganta $54.6 milyan oo doolar) lagu bixiyay ilaalinta caafimaadka Putin.
Mikhail Fremderman, oo ah dhakhtar Israa'iili ah oo tan iyo 2014-kii uu fadhigiisu ahaa Ruushka, ayaa sheegay howshooda ku tilmaamay mid aan horay loo arkin.
"Qaabka loo ilaalinayo Madaxweynaha waxa uu sababay inaysan macquul noqon karin in la ogaado halka ay marayso xaaladda caafimaad ee madaxweynaha iyo in ay haystaan dhibaatooyin caafimaad oo halis ah. Waxay u badan tahay inay yihiin tallaabooyin loo qaadayo dhinaca taxaddarka."
Konstantin Balonov, oo ah dhakhtar uu fadhigiisu yahay Mareykanka, oo daweeya bukaannada sida daran ula xanuunsan Covid, ayaa Ruushka kusoo noolaa ilaa sanadihii 1990-meeyadii.
Waxa uu sheegay in tallaabooyinka xad dhaafka ah ay noqon karaan kuwo ay dhakhaatiirta Madaxtooyada Kremlin ugu talo galeen in sida ugu fiican loo badbaadiyo madaxweynaha.
'Baaritaanno xadhaaf ah'
Halka markii ugu horraysay ee uu cudurku soo shaac baxay ay jirtay sabab loo xoojiyo ilaalinta, haddana markii uu cudurka hoos u dhacay, kiisaskuna ay yaraadeen gudaha Ruushka, wali qorshaha madaxweynaha lagu difaacayay waxba lagama baddalin.
Xitaa iyadoo lasoo tebiyay in madaxweynaha laga tallaalay Covid, baaritaannada lagu samaynayay qof walba oo usoo dhawaada waxay ahaayeen sidoodii hore.
Sidoo kale waxaa lasoo kordhiyay baaritaanno cusub, sida kuwa loogu talogalay dadka uu horay u saameeyay cudurka Covid, hargabka, qabowga, bakteeriyada iyo tijaabada saxarada oo dadka looga baarayay in ay goormaanno ku jiraan.
Sida laga soo xigtay xogta dowladda, tan iyo billowgii 2021-kii waxaa baaritaanno lagu sameeyay 1,500 oo ruux.
Bishii February ee sanadkan 2022-ka, qaar ka mid ah warbaahinta Ruushka, oo soo xiganaya ilo la qariyay ayaa tebiyay in shaqaalaha madaxtooyada Kremlin qaarkood ee ka ag dhawaada madaxweynaha ay gudbiyeen tijaabooyin saxaro oo laga rabo isbuuciiba hal mar.
Xogta la heli karo ayaa sidoo kale muujinaysa in Madaxweynaha xitaa lagu sameeyo baaritaanno joogto ah oo isugu jira Covid-ka iyo saxarada.
Baaritaannada shaqalaha duullimaadyada ayaa lagu kharash gareeyay lacag dhan $2.1 milyan oo doolar labadii sano ee lasoo dhaafay gudahooda.
Bishii May ee sanadkan oo keliya, shaqaalaha duullimaadyada madaxweynaha waxay soo gudbiyeen 1,376 suuf oo looga baaray Covid iyo 98 caag oo kuwa saxarada lagu qaado ah. Waxay sidoo kale gudbiyeen 447 baaritaan oo dhiig ah.
Tiro badan oo iyaga ka mid ahna waxay isbuucyo karantiil ah ku qaateen hoteellada Moscow.
Bishii Maarso ee sanadkii 2021-kii, madaxtooyada Kremlin waxay shaacisay in Madaxweyne Putin la tallaalay.
Markii dmabena waxay shaacisay in tallaalka la siiyay uu ahaa kii lagu sameeyay Ruushka, oo la yiraahdo Sputnik V.
Qaabka baaritaannada loo samaynayay waxaa su'aalo geliyay khubaro badan oo ku sugan Ruushka.
Tallaalka kaddib, Vladimir Putin waxa uu dib ugu laabtay safarradiisii badnaa ee uu gudaha waddanka ku samaynayay, isagoo joogay guryihiisa ka baxsan magaakada Moscow.
Safarradaas waxaa mar walba ku wehlinayay dhakhaatiir.
BBC-da ayaa ilo wareedyada la heli karo ka ogaatay in ilaa afar dhakhtar ay raaceen Madaxweyne Putin markii uu tagay gurigiisa dalxiiska oo uu uga muuqdo sawirka harada Uzhyn, oo qiyaastii 400km dhinaca waqooyiga-galbeed ka xigta magaalada Moscow.
Tobannaan kun oo doolar ayaa lagu kharash gareeyay dhakhaatiirta meel walba u raacda.
Waa sidee arrintan marka dalalka kale lala barbar dhigo?
Dhakhtarka u dhashay Israa'iil, Mikhail Fremderman, waxa uu sheegay in shuruucda xakamadynta Covid ee hadda ka jirta Israa'iil ay isku mid yihiin hoggaamiyaha dowladda iyo dadka kale ee muwaadiniinta ah.
Ma jiraan waxyaabo khaas ah ama baaritaanno dheeri ah oo lasoo tebiyay in loogu talo galay qof gaar ah.
Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil waxaa wehliya dhakhaatiir, balse waxay u raacaan oo keliya meelaha ka baxsan dalka.
Dhakhtarka fadhigiisu yahay Mareykanka, Konstantin Balonov, ayaa sheegay in uusan waligiis maqlin qof baaritaan Covid lagu sameeyay isagoo saxaradiisa la eegayo, nooca baaritaanka ee uu garanayana uu yahay oo keliya kan loo yaqaanno PCR ee caadiga ah.
Balonov waxa uu sheegay in ilo wareedyadiisa dhinaca caafimaadka ee ka war qaba Aqalka Cad ay u xaqiijiyeen in uusan jirin wax baaritaan ah ama karantiil la geliyo saxafiyiinta ka diiwaan gaashan halkaas, inkastoo markii ugu horraysay ee uu cudurka safmarka ah soo baxay wariyeyaasha ka qayb galaya shirarka jaraa'id ee Aqalka Cad looga baahnaa in ay soo gudbiyaan warqado caddaynaya natiijada ku saabsan in aysan qabin Covid iyo in ay maaskarada xirtaan.
Shuruucdaas waxay ahaayeen kuwo xilligaas looga baahnaa guud ahaan dadka ku nool Mareykanka.