You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Putin oo sanad-guurada dhalashadiisa loo siiyay cagaf iyo hadiyado kale
Gaari cagaf ah ayaa kamid ahaa hadiyadaha la siiyay Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, oo 70 jirsaday.
Waxaa hadiyadaas xuska dhalashadiisa ugu hibeeyay Madaxweynaha Belarus, Alexander Lukashenko, oo ay saaxiibo dhaw yihiin Putin.
Cagafta ayaa astaan u ah dalkaas deriska la ah Ruushka, isla markaana ku taageeray duullaanka Ukraine.
Lukashenko ayaa cagafta hadiyadda ah geeyay munaasabadda oo ka dhacday magaalada uu ka soo jeedo Putin ee St Petersburg.
Madaxweynaha Ruushka ayaa goobtaas kulan kula qaatay hogaamiyayaasha dalalkii ka tirsanaa Midowgii Soofiyeet, xilli uu meel adag marayo dagaalka Ukraine.
Saaxibadiisa ayaa bogaadiyay Putin oo muddo ka badan labaatan sano hogaaminayay dalweynaha Ruushka.
Lukashenko oo lagu tilmaamo “keligii taliyaha” ugu dambeeyay Yurub, isla markaana dalkiisa xukumayay tan iyo 1994, ayaa sidoo kale Putin gudoonsiiyay shahaado muujinaysa in gaariga cagafta ah lagu sameeyay Belarus.
Madaxweynaha Tajikistan, Emomali Rahmon ayaa isna Putin hadiyad ahaan u siiyay buuro laga sameeyay qare ama xab-xab.
Madaxweynaha Ruushka ayaa marar badan lagu arkay isagoo saaran gaari cagaf ah.
Baadariga kaniisadda ugu weyn Ruushka, Patriarch Kirill, oo munaasabadda ka hadlay ayaa ku amaanay Putin inuu “bedalay sawirkii Ruushka, isla markaana uu xoojiyay madax bannaanida dalkiisa, awoodda difaac iyo danaha qaranka.”
Hogaamiyaha Chechnya, Ramzan Kadyrov, oo munaasabadda ka hadlay ayaa isna Putin ku tilmaamay “wadaniga koobaad ee caalamka”.
Dadka kale ee u soo hambalyeeyay Putin waxaa kamid ah hogaamiyaha Kuuriyada Koonfureed, Kim Jong-un oo tilmaamay in Madaxweynaha Ruushka uu “jebiyay caqabadaha iyo hanjabaadda Maraykanka”.
Cadowga Putin ayaa fursadda uga faa’iideystay inay ku tilmaamaan dembiile dagaal, isla markaana doonaya inuu burburiyo dalka uu weeraray iyo weliba dalkiisa.
Wasiirka gaashaandhigga ee Ukraine, Oleksii Reznikov, ayaa ugu baaqay ciidamada Ruushka inay iska diidaan amarrada Putin, ayna joojiyaan dagaalka. “Putin waxa uu ku dhuumanayaa qalcad, halkii uu la safan lahaa ciidamadiisa,” ayuu yiri wasiirka.
Caasimadda Prague ee dalka Czech, dad ku mudaharaaday hogaamiyaha Ruushka ayaa soo bandhigay muuqaal loo ekeysiiyay Putin oo ah boqor qaawan, kuna fadhiya suuli dahab ah.