Maxay tahay sababta uu hadda ka hor Shiinaha uu u laayay malaayiin shimbiro ah?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Intii u dhexeysay sanadihii 1958 iyo 1962, Shiinaha wuxuu bartanka u galay dhibaato baaxad leh oo sababtay macluul ay malayaiin ku dhinteen.
Taariikhyahanka u dhashay dalka Netherlands Frank Dikötter ayaa buug uu qoray ku sheegay in ‘macluushii weyneyd ee ka dillaacday Shiinaha’
Waxaa lagu kala aragti duwan yahay tirada dadka ku dhintay macluushii baahsaneyd ee saameysay Shiinaha xilliggaas.
Qoraa Frank Dikötter wuxuu ku qiyaasay dadkii ku dhintay macluushaas inay gaarayeen 15 ilaa 32 malyan oo qof balse wuxuu sheegay in ugu yaraan 45 milyan oo qof ay u dhinteen dhibaato laga hortagi karay intii u dhexeeysay 1958 iyo 1962.
Dhibaatooyinkii ugu waaweynaa ee xilliggaas saameeyay Shiinaha waxay ahaayeen ololaha ka dhanka ahaa afar masiibo, sida uu BBC Mundo u sheegay Kim Todd.
Maamulkii Mao ee shuuciga ahaa wuxuu bilaabay olole ka dhan ahaa waxa uu ku tilmaamay in uu kasoo horjeedo horumarka Shiinaha, waxaa lagu dhawaaqay in la laayo: Jiirka, kanecada, daqsiga iyo kutaanta iyo shimbiraha, wuxuu adeegsaday awoodda shacabka Shiinaha si loo ciribtiro xayawaanada”
Saddex kamid ah xayawaanadaas ayaa la xasuuqay iyadoo laga duulayo ilaalinta nadaafadda iyo caafimaadka dadweynaha.
Shimbiraha ayaa kamid ahaa nolaha la laaynayay sababta waxay cunaan galley fara badan. Maamulkii Mao ee Shiinaha wuxuu doonayay in galleyda loo daayo dadka oo kaliya ah” sida uu sheegayo Todd oo soo xiganayo sheekada qoraaga.
In la dilo malaayiin shimbiro ah waxay horseeday in wakhti badan la geliyo , markii la ciribtiray waxay ku khasabtay in shimbirahan uu soo dhoofsado.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxay qarka u saarantay in la dabar- gooyo
"Taariikhda waxaa ku xusan masiibooyinka deegaanka, laakiin in yar ayaa marka la barbar dhigo tii Shiinaha ka dhacday sanadkii 1958-dii. Taasi waxay ahayd sannadkii Mao Zedong, oo ahaa aabbihii aasaasay Jamhuuriyadda dadka Shiinaha, kaas oo go'aansaday in waddankiisu uu wax ka qaban karo masiibo la mid ah sida shimbiraha. Saamaynta go’aankan gurracan – oo ay la socdaan siyaasado kale oo badan oo uu meel dhigay – waxa ay sababeen saamayn burbur dhalisay.”
Waa sida uu qabo John Platt, oo ah weriye ka faalooda arrimaha deegaanka isla markaana tafatire ka ah warbaahinta The Revelator kaas oo sharraxayay waxa dhacay sanadahaas.
"Waa la laayay shimbiraha, dadku waxay burburiyeen jiil dhan oo shimbira ah iyo ukumahooda, laakiin habka ugu yaabka badan ee loo dabar gooyay shimbiraha wuxuu ahaa in la eryo oo buuq badan la sameeyo ilaa inta ay dhulka uga soo dhacayaan iyagoo meyd ah”.
Sida laga soo xigtay Platt, dadka waxay dileen shimbiro aad u badan oo ay jiraan sheekooyin wakhtigaa tilmaamayay in majarafta ku qaadayeen shimbiraha dhintay "laba sano gudahood, shimibirihii wey dabar-go’een."

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Dad aad u tiro badan ayaa burburiyay buulasha waxayna dileen shimbiraha, magaalooyinka sida Beijing oo kale dadku waxay sameeyeen buuq badan si ay uga hortagaan shimbiraha inay duulaan iyagoo argagaxsan, taas oo keentay in shimbirahan ay u dhintaan daal”
Sida saxafiga Shiinaha ah iyo isla markaana u dooda arrimaha deegaanka, Dai Qing uu qoray sanado ka hor, "Mao waxba kama garanayn xayawaanka, ma uusan dooneynin inuu ka hadlo qorshihiisa ama ma uusan dhageysan khubarada. Waxa uu si fudud u go'aansaday in 'afarta cayayaanka' ay tahay in la dilo."
Markii la laayay shimbirihii, dadka waxay garwaaqsadeen in shimbiraha ay ka hortaggi jireen cayayaanka.
“In dib loo soo celiyo shimbiraha waxay ku khasabtay in boqolaal kun oo shimbiro ah laga soo dhoofiyo Ruushka” ayuu raaciyay Platt.
“Iyadoo aysan jirin shimbiro quuto cayayaanka, waxaa soo ifbaxay ayax fara badan, waxaa meesha ka baxay dalagga, malaayiin qof ayaa u dhintay macluusha” ayuu yiri Tim Luard oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha koonfu bari Asia.














