Xukuumadda Mustafe Cumar oo farriin u dirtay TPLF oo magaalo hor leh qabsatay

Published

Dagaal ayaa weli laga soo sheegayaa inuu ka socdo waqooyiga gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya oo xuduud la leh Tigray-kadib shan bilood oo ay socotay xabbad joojin bini’aadannimo oo hadda u muuqato inay burburtay.

Dagaalkan soo cusboonaaday ayaa billowday todobaadkii hore.

Ciidamada Tigreega ayaa Sabtidii qabsaday magaalada Kobo ka dib markii ay ciidammada dowladda u riixeen dhanka koonfureed ee u dhow xadka.

Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa goor sii horeysay sheegay in ay isaga baxayaan magaalada si ay uga fogaadaan khatarta ah in dad badan ay ku waxyeeloobaan.

Dadka deggan magaalooyinka iyo tuulooyinka u dhow oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in dagaalku uu weli ka socdo buuraha ku dhow dhow magaalada xaaladuna ay cakiran tahay.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo aan si cad u hadlin tan iyo markii ay dagaalladu soo cusboonaadeen, ayaa safar shaqo oo rasmi ah ugu ambabaxay dalka Algeria.

Dhanka kale, maamulka Woldia iyo Dessie- labada magaalo ee ugu waaweyn Amxaarada- ayaa soo rogay bandow habeenkii ah.

Maamul goboleedyada kale ee Itoobiya oo ay ku jiraan kuwa Oromada iyo Soomaalida ayaa soo saaray bayaan ay ku muujinayaan sida ay u garab taagan yihiin ciidamada dowladda iyo sidoo kale gobollada Amxaarada iyo Canfarta oo ah goobaha ay ka soo cusboonaadeen iska horimaadyada.

Xilligii uu taagnaa dagaalkii ugu xumaa ee sannadkii hore ayaa maamul gobolleeydo kala duwan waxay ciidamo u direen furimaha hore ee dagaalka.

War saxaafadeed ay soo saartay Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa si kulul u cambaaraysay dagaalka soo cusboonaaday ee uu “dhiiga badan ku daatay” kaa soo u dhaxeeya kooxda TPLF iyo ciidamada dowladda Itoobiya.

Waxay sidoo kale war saxaafadeedka ku sheegeen in dagaalkan ka soo cusbonaaday gobolada Amxaarada iyo Canfarta, uu khatar ku yahay nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.

“Marka laga soo tago xadgudubyada ka baxsan bini’aadannimada ee kooxda TPLF ay ku kacaysay 27-kii sano oo ay gacanta ku haysay talada dowladda dhexe ee dalka, waxay xanuun iyo dhibaato badan mar kale u geysteen dad badan,” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka oo lagu daabacay wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA.

“Kooxdan ayaa waxay dil, barakac iyo kufsi u geysatay haween badan, waxayna gayiga Soomaalida ka geysteen falal arxan darro ah oo aan la qiyaasi karin.”

“Haddaba xukuumada deegaanka Soomaalida iyo shacabka oo garowsaday in hadafka xun ee kooxdani ee lidka ku ah nabadgalyada guud iyo horumarka dalkeena, waxay sii xoojin doonaan taageerada ciidamada dowladda isla markaana ay burburinayaan shirqoollada ay maleegayaan xulafayoonka TPLF sida Al- Shabab,” ayaa sidoo kale lagu yiri war saxaafadkeedka.

Dowlada deegaanka Soomaalida ayaa sidoo kale war-saxaafadeedka beesha caalamka kaga codsaday inay inay cadaadis ku saaraan TPLF inay joojiso dagaalka ayna ogolaadaan nabadda ay u fidisay dowladda Itoobiya.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka u dhaxeeya Tigreega iyo Xukumadda Abiy Axmed?

Tani iyo inta uu dalka Itoobiya majaraha u qabtay Abiy Axmed waxaa soo taagnaa khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeyey isaga iyo Mas'uuliyiinta sare ee deegaanka Tigreega iyo xisbiga talada deegaankaasi hayay ee TPLF.

TPLF waa xisbi ay leeyihiin qowmiyadda Tigreeda oo ka mid ahaa afarta xisbi ee ku bahoobay xisbiga PP oo horay loo odhan jiray EPRDF, waxaana TPLF lagu xusuustaa iney talada dalka Itoobiya ay soo hayeen ku dhawaad 26 sano, hogaamiyaha xisbiga TPLF wuxuu ahaa Ra'isal wasaarihii hore ee dalka Itoobiya ee geeriyooday Meles Zeenaawii.

Abiy Axmed markii xilka loo dhaariyey tallaabbooyinka ugu horreeyey ee uu qaaday waxaa ka mid ahaa inuu maxabiista siyaasadeed uu sii daayo, cadaadiska shacabka lagu hayey la joojiyo, mucaaradka gudaha iyo dibadda ka dhaqdhaqaaqayey oo uu cafis u fidiyey kaddibna uu heshiis la galay iyo siyaasadda dalka inuu furfuro.

Tallaabbooyinkaasi oo dhan ayey ka biya diideen xisbiga iyo deegaanka Tigreega intaba sababahan soo socdo awgood:

- Heshiiska Eritrea uu la galay oo lagu soo afjaray colaaddii mudddada dheer u dhaxeysay Itoobiya iyo Eritrea ay u arkaan iney qowmiyadda Tigreega ku tahay halis siyaasadeed maadaamaa ay colaadda Addis Ababa iyo Asmara ay iyagu abuureen.

- Xisbiyada siyaasadeed qaar oo ay u arkaan iney yihiin argagaxiso oo ay mudneyn in heshiis lala galo.

- Sii deynta maxabiista siyaasadeed oo ay u arkeen iney madaxdii Tigreega ee siyaasiyiintaasi badankood gacantooda ku xiray iney colaad u abuureyso.