You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Israa'iil iyo Lubnaan oo galaya heshiis lagu tilmaamay middida afkeeda
Iyadoo Yurub ay daalaa dhaceyso qiimaha gaaska, ayay Israa’il iyo Lubnaan gaareen heshiis muhiim ah oo aan toos ahayn kaas oo la xiriira goobaha badda ee uu gaaska dabiiciga ah ku jiro ee ay labada dhinac isku haystaan.
Israa’iil iyo lubnaan oo midba mid kale u arka inuu yahay cadowgiisa ayaa la so werinayaa in markii ugu horreysay ay heshiiska dhanka gaaska si aad ah isugu soo dhowaandeen.
Haddii ay kaararkooda turubka safiican u baandheeyaan waxaa suurogal ah in la helo ilo dhanka tamarta oo cusub.
Balse haddii si khaldan loo qaado talaabada heshiiska waxaa laga yaabaa inuu dagaal ka dhasho iyadoo kooxda mintidka ah ee Lubnaan iyo xisbiga Xisbullah ay hanjabaado cusub u direen Israa’il.
Bishii July ahay ahayd markii kooxda Xisbullah, ay soo saartay muuqaal ay ugu hanjabayso Israa’iil kaas oo ay ku sheegtay inay qaadeyso tallaabo ka dhan ah maraakiibta shidaalka iyo gaaska ka baara xeebaha Israel ee badda Mediterranean-ka.
Muuqaalka ayaa waxaa laga sii daayay TV-ga ururka Al-Manar, waxa uu ka kooban yahay muuqaalo naadir ah oo ku saabsan hubka Xisbullaah, waxaana uu ka digayaa in goobaha Israa’iil ay ku sugan yihiin ay wax yar uun u jiraan gantaaladeeda.
Saddex xagal ka mid ah biyaha Mediterranean-ka ee turquoise ayaa udub dhexaad u ah dagaalka labada dhinac ee tartanka xuquuqda sahaminta tamarta.
Isagoo ka jawaabaya hanjabaddaas ayuu wasiirka difaaca Israa'iil Benny Gantz wuxuu uga digay Mr Nasrallah in weerar kasta "qiimuhu wuxuu noqon doonaa Lubnaan".
Soo-saarista gaaska Karish ayaa ah qayb ka mid ah qorshaha Israa'iil ee ah inay gaaska u dhoofiso Midowga Yurub, maadaama uu uruka raadinayo beddelka tamarta Ruushka. Israa’iil waxa ay hiigsanaysay in ay saarto 10% gaaskii uu Ruushku siinayay Yurub ka hor intii aanay duullaan ku qaadin Ukraine.
Dhanka kale, Lubnaan - oo ay curyaamisay koronto yaraan ba'an iyadoo ay jirto xiisad dhaqaale - waxay ayay rajaynaysaa inay gaas ka hesho kayd gaaska ee muhiimka ah ee Qana, kaasoo ku fidsan aagga lagu muransan yahay. Waxaana gaaskaasi sanadaha soo socda loo isticmaali karaa tamarta gudaha iyo dhoofinta dibadduba.
"Siyaasiyiinta Lubnaan waxay arrintan u arkaan waddada suurtagalka ah ee dib u soo kabashada dhaqaalahooda liita," ayuu yiri David Wood, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan kooxda xasaradaha caalamiga ah (ICG).
Isniintii, xafiiska madaxweynaha Lubnaan, Michel Aoun ayaa bartiisa twitter-ka ku soo qoray inuu "rajaynayo heshiis qoraal ah... oo ku saabsan calaamadaynta soohdinta badda ee Israa'iil dhammaadka toddobaadka".
Hadday sidaas dhaco, taasi waxay calaamad u tahay tallaabo aad muhiim ugu ah diblomaasiyadda dhexdhexaadiyaha Maraykanka Amos Hochstein.
Sarkaal ku sugan Washington ayaa BBC-da u sheegay in Mr Hochstein uu sii wadayo "ka-qaybgalkiisa uu ku doonayo in lagu soo afjaro wadahadalka soohdinta badda ee Israa’il iyo Lubnaan".
Hogaamiyayaasha labada dhinac ayaa doonaya in ay guul u soo hooyaan wadamadooda, saacadu waa ay sii socotaa.
Michel Aoun ayaa lagu wadaa in uu xafiiska ka tago 31-ka Oktoobar halka ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Yair Lapid, uu wajahayo doorashada baarlamaanka 1-da November.
"Israa'iil, heshiiska xuduud badeedku wuxuu runtii kaallin weyn ka yahay xallinta amniga iyo khatarta istaraatiijiyadeed," ayay ku doodday Orna Mizrahi, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Machadka Daraasaadka Amniga Isaraa’iil, oo fadhigiisu yahay Tel Aviv.
Waxay ku nuuxnuuxsatay sida heshiisku u qaboojin karo dagaalka laga yaabo inuu dhexmaro Israel iyo Xisbullaah, oo aad u hubaysan oo ay taageerto Iran, laakiin waxay sheegtay in taxadar weyn laga qabo in iska hor imaad militari dhexmaro.
Israa’iil iyo Lubnaan ayaa waxaa soo dhex maray dagaallo dhiig badan ku daatay. Israa'iil waxay ku soo duushay Lubnaan intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee dambe ee 1982. Sannadkii 2006-na, dagaal dhanka xuduudda ah oo bil socday ayaa dhexmaray labada dhinac.