Muxuu jacaylka ugu horreeya u noqdaa mid aan la ilaawi karin?

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Dad badan, jacaylka ugu horreeya waa mid ka mid ah waayo-aragnimada ugu xusuusta badan noloshooda. Hase yeeshee, maxay xiriirrada ugu horreeya ugu sii jiraan maskaxda si aad u cad xitaa tobanaan sano ka dib? Maxaa ka dhigaya xusuusta xilligaas mid aad u cad, qoto dheer, oo aan la ilaawi karin?

Maskaxdu waxay samaysataa xusuus waarta, gaar ahaan xilliga qaangaarnimada.

Dad badan, waayo-aragnimadoodii ugu horreysay ee xiriirka jacaylka waxay dhacdaa xilliga qaangaarnimada, waqtigaas oo maskaxdu ay ku jirto heerka ugu sarreeya ee awoodda ay ku kaydiso kuna hayso xusuusta. "Da'dan, waxaan leenahay awood sare oo aan ku kaydin karno kuna hayn karno xusuusta si sax ah," ayay tiri Catherine Lovey, oo ah borofisar ku takhasustay cilmiga neerfaha iyo maskaxda (neuropsychology) ee Jaamacadda Westminster.

Waxay sidoo kale sharraxaysaa in maskaxdu ay si ka wanaagsan oo waarta u hayso macluumaadka la xiriira dareenka iyo shucuurta. Marka dhacdo ay markii ugu horreysay dhacdo, oo ay saameyn weyn ku yeelato nolosha, ama xitaa ay keento xanuun ama raaxo-darro qoto dheer, waxay u badan tahay in lagu kaydiyo xusuusta oo ay halkaas ku sii jirto muddo dheer, ayay tiri.

Intaas waxaa dheer, mar kasta oo dib loo xasuusto wax la soo maray, ayaa sii dheeraanaya muddada ay xusuustaasi jirayso. Taasi waa sababta waayo-aragnimada shucuureed ay u sameeyaan qaar ka mid ah xusuusaha waara ee maskaxda bini'aadamka. "Mar kasta oo aan dib u xasuusanno waayo-aragnimadaas iyo xusuustaas, waxaan xoojinnaa xiriirka neerfaha ee la xiriira arrimahaas ee maskaxdeenna ku jira," ayay tiri Lovey.

Maxay hormoonnada da'da qaan-gaarnimadu saameyn qoto-dheer ugu yeeshaan jacaylka ugu horreeya?

Haddii ay tahay farxad iyo raynrayn aad u sarreysa ama qalbi-jab daran, dareenka la xiriira jacaylka ugu horreeya waa mid aad u xooggan oo qoto dheer. Catherine Loveday waxay sheegtay in, gaar ahaan xilliga qaangaarka, ay jirka iyo maskaxda ka shaqeeyaan isku-darka kiimikooyin kala duwan, kuwaas oo dhaliya dareen qoto dheer.

Marka hore, kororka hormoonnada galmada—sida estrogen-ka iyo testosterone-ka—waxay abuuraan soo-jiidasho shucuureed. Kadib, marka xiriirku billowdo, waxaa maskaxda laga sii daayaa hormoonno iyo kiimikooyin kale oo gudbiya farriimaha neerfayaasha (neurotransmitters), kuwaas oo ay ka mid yihiin serotonin, dopamine, iyo oxytocin; kuwani waa walxo la xiriira dareenka abaal-marinta, isu-dhawaanshaha, farxadda, iyo ku-xirnaanshaha qofka kale.

Jacaylka ugu horreeya waa tallaabo muhiim ah oo ku saabsan dhisidda xiriirrada shucuureed.

Marka ay ugu yar tahay, xiriirka dadka dhexdooda ah waxaa ku jira badbaadadeenna iyo sii-socoshada nolosheenna.

Dhanka dhalinyarada, xiriirkooda ugu horreeya ee jacaylka waa marxalad aad muhiim u ah, maadaama ay la kulmayaan nooc cusub oo xiriir shucuur ah oo ay la yeelanayaan qof ka baxsan qoyskooda iyo dadka ay sida aadka ah u yaqaanaan.

Catherine Loveday waxay jacaylka ugu horreeya ku tilmaamtaa "mid ka mid ah waaya-aragnimada ugu muhiimsan nolosha qof kasta marka la eego xiriirka dadka dhexdooda." "Waa inaan barannaa sida loo aamino qof ka baxsan dadka aan sida aadka ah u naqaanno," ayay tiri. "Waa inaan tallaabo u qaadnaa dhinaca cusub."

Sida ay sheegtay, jacaylka koowaad ma aha oo kaliya waayo-aragnimo shucuureed, laakiin waa qayb ka mid ah habka barashada ee dhisidda xiriirka; waayo-aragnimo dadka bara sida loo aamino qofka kale, loo helo xiriir dhow, loona sameeyo nooc cusub oo xiriir aadane ah.

Sannadkii 1993, cilmu-nafsiga Mareykanka Dr. Nancy Kalish waxay samaysay daraasad ku saabsan boqolaal qof oo adduunka ah oo dib ula xiriiray jacaylkoodii hore sannado ka dib.

Muhiimadda, duruufaha nololeed ee shakhsiyaadkan ayaa door muhiim ah ka ciyaaray natiijada xiriirkan. Inta badan kuwa dib ula xiriiray jacaylkoodii hore waxay ahaayeen kuwo keligood ah ama way waayeen xaasaskoodii waqtigaas.

Dadkan dhexdooda, lammaane badan ayaa dib u bilaabay xiriirkooda dhowr toddobaad gudahood, xitaa si ka sii yaab badan, 72 boqolkiiba iyaga ayaa ugu dambeyntii is guursaday.

Kobaca internetka ayaa ka dhigay mid aad u fudud oo aan xanuun lahayn in la helo oo dib loogu xiro jacaylkii hore. Xiriirradani waxay markii hore ku lug lahaayeen ballanqaad yar, laakiin waxay sidoo kale lahaayeen cawaaqibyo kala duwan.

Jacayllada qaarkood ee ugu horreeya weligood lama iloobo.

Kate iyo Gunther waxay is-barteen sanadkii 1989-kii iyagoo labadooduba fasax ku jooga Devon. Isla markiiba way is-jeclaadeen. Gunther waxaa ku qasbanaaday inuu ku laabto Jarmalka, laakiin way sii wadeen booqashooyinka iyo is-dhaafsiga warqadaha, inkastoo aysan heli karin hab ay ku midoobaan.

Kate waxay sheegtay in u sheegista Gunther ee ah inaysan la degi karin ay ahayd "go'aankii ugu adkaa ee noloshayda." Sidaas darteed, iyagoo qalbi-jabsan ayay xiriirkoodii soo afjareen ka dib laba sano oo ay shukaansanayeen.

Soddon sano ka dib, Kate waxay mar kale armaajada ka dhex heshay warqadihii Gunther, dhammaan xusuusihiina way soo noqdeen.

"Waan ooyay, waanan ooyay," ayay xasuusatay, "waxaanan naftayda ku iri, 'Waxaan jabiyay qalbiga nin aad u wanaagsan iyadoo uusan runtii ogeyn sababta.'" Waxay heshay cinwaanka ganacsiga qoyska Gunther, waxayna u qortay warqad iyadoo aan filayn wax jawaab ah.

Gunther-na wuu ka jawaabay. "Telefoonku wuxuu dhacay saacadu markay ahayd 12:36-kii duhurnimo ee 22-kii Nofembar," ayay xasuusatay Kate, "wadnahayguna wuu boodayay markaan arkay inuu ka imaanayo Jarmalka." Saacado badan ayay wada hadleen, dhowr toddobaad ka dibna Gunther ayaa diyaarad ku tagay Manchester si uu ula kulmo Kate. "Markaan arkay, waxay ahayd sidii aanan waligeen kala fogaan," ayay tiri.

Way is-guursadeen ka dib markii Gunther uu u soo jeediyay guur iyagoo jooga buurtii ay wada fuuleen 30 sano ka hor. "Badanaa ma heshid fursad labaad," ayay tiri Kate, "laakiin hadda maalin kasta oo aan arko, waxba kama qoomameeyo." Gunther ayaa ku raacay: "Mar dambe ma lumin doono iyada."