You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ciraaqiga qaxootinnimada ku tagay UK ee wasiirka ka noqday
Nadhim Zahawi, wasiirkii hore ee waxbarashada ee xukuumada Boris Johnson, ayaa loo magacaabay wasiirka cusub ee maaliyadda.
Arintan ayaa timid kaddib markii uu iscasilay wasiirkii hore Rishi Sunak, kaas oo xilka ka degay markii uu kalsoonidii kala noqday Johnson.
Zahawi oo 55 jir ah ayaa laga yaabaa in marka uu qabto mid ka mid ah jagooyinka ugu muhiimsan dowladda Ingiriiska ay ku noqoto wax aanu xitaa ku riyoon yaraantiisii.
"Waxay u badan tahay inaan ahaa mid ka mid ah dadka ugu nasiibka badan," ayuu yiri Sahawi oo ah xildhibaan laga soo doorto Stratford-upon-Avon ee bartamaha England.
Zahawi wuxuu ku dhashay dalka Ciraaq sanadkii 1967. Wuxuu ka mid noqon dadkii lagu qasbay in ay galaan dagaalkii lala galay Iran sanadihii 1980-aadkii.
"Askari baa la iga dhigi lahaa ka mid ah ciidamada Ciraaq ee ka dagaallamayay furimaha hore. Waxaa dhici kari lahayd in halkaa la igu dilo,” ayuu u sheegay saxafiga Nick Robinson mar uu waraysi siinaayay sanadkii hore.
Hase yeeshee, Nadhim iyo waalidkii ayaa ka qaxay Ciraaq, waxayna galeen Ingiriiska halkaas oo uu ku koray. Qoyskiisu aad bay saamayn ugu lahaayeen Ciraaq. Awowgii wuxuu ahaan jiray guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Ciraaq oo wuxuu sixiixiisu ku yaallay lacagta Ciraaq.
Laakiin, markii uu Sadaam Xuseen xukunka qabtay 1979-kii qoyska Sahawi waxay dareemeen khatar.
Nadhim aabbihii oo ahaa nin ganacsade ah ayaa ogaaday in maamulku doonayay inuu xiro, si degdeg ah ayuuna u baxsaday.
“Xusuus xanuun badan"
Nadhim Zahawi wuxuu xasuustaa walaaca xubnaha qoyska markii ay sugayeen diyaaraddii kala duushay garoonka diyaaradaha ee Baqdaad.
Markii ay wada fuuleen dhammaan dadkii rakaabka ahaa ayaa waxaa diyaaradda ku soo dhawaaday gaari ciidan ah. Hooyadii ayaa ilmeysay markii ay arkeen ciidamada oo xiraya qof rakaab ah oo ka soo dejinaya diyaaradda.
Nadhim wuxuu dhacdadaas ku tilmaamay "dhacdadii ugu xanuunka badnayd carruurnimadiisii," oo aanu waligii taas oo kale arag.
Nadhim wuxuu ku koray gobolka Ingiriiska ee Sussex. Wuxuu wax ku bartay dugsiyo gaar loo leeyahay oo uu ka ahaa arday aad u wanaagsan.
Laakiin, musiibo kale ayaa qoyska la soo deristay markii Nadhim uu gaaray xilligii uu geli lahaa jaamacadda, taas oo ka dhalatay ganacsigii aabbihii oo burburay, waxaana u soo haray oo keliya baabuur uu midabkiisu bunni yahay oo Vauxhall uu ahaa.
“Hiboobiyinkii uu ku dashay”
Markii ay taasi dhacday ayaa Nadhim oo yar wuxuu go’aansaday in uu gaarigaas duugga ahaa u isticmaalo taksi ahaan, si uu qoyskiisa ugu maareeyo.
Balse hooyadiis waxay ku adkaysanaysay in uu helo waxbarasho jaamacadeed, markaas ayay dahabkeedii rahantay si aanu uga welwelin xaaladda dhaqaale ee qoyska.
Nadhim wuxuu galay University College London halkaas oo uu ka bartay injineernimada kiimikada. Dabadeed isagoo raacaya waddadii aabbihii ayuu galay dunida ganacsiga iyo maaliyadda, halkaas oo uu ka aasaasay shirkad ku takhasustay iibinta agabka la xiriira barnaamijka Teletubbies ee carruurta - oo caan ku ahaa sideetamaadkii qarnigii hore - shirkad uu lahaa Geoffrey Archer (oo haatan la yiraahdo Lord Archer) oo ka mid ahaa siyaasiyiinta hormuudka ka ah xisbiga Conservative-ka ayaa maalgashaday berigaa.
Lord Archer ayaa u sheegay barnaamijka Profile ee BBC-da ka baxa in uu xusuusto in Nadhim yaraantiisii uu ahaa qof “hibo dabiici ah leh oo wax isku xiri kara, "markaa haddii aad u sheegto in aan u baahannahay lix taksi saddex diyaarad iyo bas labo dabaq ah, dhammaan 30 daqiiqo gudahood ayuu ku diyaarin lahaa.”
Sanadkii 1994 Nadhim wuxuu xubin ka noqday xisbiga Conservative-ka ee deegaanka Wandsworth ee koonfurta London. Saddex sano kaddib wuxuu u tartamay doorashadii baarlamaanka ee deegaanka Erith iyo Timesmead, laakiin kuma guulaysan oo looma dooran aqalka baarlamaanka.
Markii Lord Archer uu billaabay ololihiisa duqa magaalada London Nadhim Zahawi wuxuu ku biiray kooxdii u ololaynaysay.
Laakiin, Archer ayaa ka baxay tartankii, sidaas darteed Zahawi wuxuu raadsaday shaqo kale.
Fadeexad maaliyadeed
Zahawi oo uu weheliyo xubin kale oo horay uga tirsanaa kooxdii Archer, Stephen Shakespeare, ayaa billaabay shirkad lagu magacaabo YouGov oo ka shaqaysa ra’yi ururinta dhanka internet-ka ah.
Wuxuu ahaa mashruuc lagu guulaystay sida laga soo xigtay wargeyska London Evening Standard. Zahawi wuxuu ku iibiyay saamiyadii uu ku lahaa shirkaddaa 1.2 milyan oo gini.
Markii dambe wuxuu bartay dhaqaalaha, dhowaanna Zahawi wuxu diiday inuu sheego hantidiisa, balse waxaa la rumeysan yahay inuu ka mid yahay siyaasiyiinta ugu qanisan Aqalka Hoose. Wuxuu mar kale u jeestay inuu isku dayo inuu ku guuleysto kursiga baarlamaanka.
Ugu dambeyntii 2010-kii ayay riyadiisii rumowday. Wuxuu ku guuleystay kursiga baarlamaanka ee Stretford-upon-Avon oo ah deegaan-doorasho Conservative-ku ay haysteen in ka badan boqol sano.
Aqalka baarlamaanka ayaa xilligaasi waxaa ka socday fadeexad ku aaddan kharashaadkii faraha badnaa ee ay xildhibaannada qaar dalbanayeen, waxaana Zahawi uu si degdeg ah u soo galay fadeexadaas, kaddib markii ay soo baxday inuu dalbaday kharashaad uu ku bixinayo koronto.
Nadhim Zahawi ayaa sheegay in uu "ka qoomameeyo qaladkaas" waanu soo celiyay lacagihii la siiyay. Laakiin, fadeexaddaas saameyn weyn kuma yeelan horumarka uu ka sameeyay dhanka siyaasadda. Bishii Janaayo ee sanadkii 2018 ayay raysul wasaare Theresa May u magacowday inuu noqdo wasiirka waxbarashada oo u xil-saaran arrimaha carruurta iyo qoyska.
Laakiin, wuxuu isla markiiba la kulmay dhibaato kale kaddib markii uu ka qayb galay xaflad lagu qabtay naadiga lagu magacaabo (Madaxweynayaasha).
Weriye ka tirsan Financial Times oo xafladda ka qayb galay ayaa sheegay in hablihii xafladda ka shaqaynayay ay erayo fool xun oo anshaxa baal-marsan ay nimankaa xafladda joogay ku lahaayeen.
Wasiirka tallaalka
Zahawi ayuu raysul wasaaruhu ku canaantay ka qayb galka xafladaas.
Si kastaba ha ahaatee in kasta oo raysul wasaaraha hadda Boris Johnson uu dhacdadaas ku tilmaamay "maalmo ay fadeexadi dhacday oo la soo dhaafay", haddana Nadhim wuxuu sii xajistay jagadiisa golaha wasiiradda. Markii Johnson uu xilka la wareegay bishii July 2019-kii, markaas oo laga wareejiyay wasaaradda waxbarashada oo loo beddelay wasaaradda ganacsiga.
Bishii Noofembar 2020-kii markii cudurka Korona uu halkii ugu xumayd marayay waxaa loo dhiibay shaqo uu ku tilmaamay "shaqada ugu muhiimsan ee aan qaban karo," taas oo ah wasiirka u xilsaaran tallaalka Korona.
Ku dhowaad 11 bil ayuu Nadhim Zahawi maamulayay barnaamijka faafinta iyo qaybinta tallaalka, wuxuuna sheegan karaa inuu guulo la taaban karo gaaray, gaar ahaan markii Britain ay dhaaftay dalal badan oo kale dhanka tallaalka.
Xukuumada Johnson waxay si joogta ah ugu qeexdaa barnaamijka tallaalka mid ka mid ah guulaheeda ugu waaweyn.
Dhankiisa Zahawi isaga oo ka faalloonaya kartidiisa wuxuu sheegay in uu "jecel yahay howlaha caqabadaha leh".
Nadhim oo markii dambe loo arkayay inuu yahay "qof la isku halleyn karo", ayaa loo magacaabay wasiirka waxbarashada kaddib markii xilka laga qaaday wasiirkii hore ee Gavin Williamson.
Zahawi oo mas'uul ka ah waaxda waxbarashada ayaa la kulmay caqabad aan hore loo arag oo ah in jiil dhan oo arday ah uu u sahlo in ay la qabsadaan waxbarashada, kaddib markii ay khasab noqotay in ay dugsiyada ka maqnaadaan muddo bilo ah Korona awgii.
Muddadii uu ku jiray qaybta waxbarashada wuxuu dallacsiiyay shahaadooyinka waxbarashada farsamada gacanta, iyadoo ay ujeedadiisu ahayd in shahaadooyinkan uu la mid dhigo shahaadooyinka dugsiga sare (A-levels).
Wuxuu isku dayay in uu ansixiyo sharci ay diyaarisay xukuumadda Johnson, laakiin, wuu ka noqday kaddib markii qaar ka tirsan qodobbadiis aad looga soo horjeestay.
Sanad ka hor Nadhim Zahawi ma uusan ahayn oo keliya xubin golaha wasiirrada ah ee waxaa muuqatay in uu gaari doono darajo aad u sarraysa.