You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Warbixin: Haween Soomaali kamid yihiin oo taageersan inuu ninka garaaco xaaskiisa
Daraasad ay samaysay Hay'adda Tirakoobka Itoobiya ayaa muujisay in in ka badan kala bar haweenka dalkaasi ay aaminsan yihiin in ay jiraan sababo badan oo uu ninku xaaskiisa u garaaci karo.
Inkasta oo tirada ragga qaba aragtidan ay ka yar tahay tan haweenka, haddana waxay korodhay boqolkiiba 11 marka loo eego daraasaddii hore loo sameeyey.
Natiijadan ayaa lagu soo bandhigay cilmi baaris baallaran oo dhinaca tirakoobka dadka iyo caafimaadka ah oo ay sameysay Hay'adda Tirakoobka Itoobiya. Ku dhowaad 30,000 oo qof ayaa ka qeyb qaatay sahanka, kaas oo la daabacay bishii Luulyo 2025.
Daraasaddan waxaa sidoo kale ka qayb qaatay hay'ado kala duwan oo Qaramada Midoobay ah iyo Wasaaradaha Qorsheynta iyo Horumarinta iyo Caafimaadka ee Itoobiya.
Warbixinta oo ka kooban 767 bog ayaa lagu qiimeeyey heerarka waxbarashada iyo shaqada muwaadiniinta, helitaanka biyaha la cabbo, adeegyada fayadhowrka iyo nolosha ay dadka ku noolyihiin guryahooda.
Xad-gudubyada ka dhanka ah haweenka ee ka dhaca qoysaska ayaa sidoo kale ka mid ahaa arrimaha lagu daraaseeyey. Ragga iyo haweenka ka qaybgalay sahanka ayaa la weydiiyey aragtidooda ku saabsan in ninka uu garaaci karo xaaskiisa.
Cilmi-baarayaashu waxay weydiiyeen: "Ma jiraan sababo ninka u banneyn kara inuu garaaco xaaska?, waxaana la siiyey doorashooyin kala ah
haddii ay cuntada gubto,
haddii ay muranto,
haddii ay guriga ka baxdo iyada oo aan ninkeeda u sheegin,
haddii ay dayacdo carruurta,
ama haddii ay diido galmada.
Markii la weydiiyey in ugu yaraan hal ka mid ah sababahan uu ku filan yahay in xaaska la garaaco, boqolkiiba 55 haweenka ayaa ku jawaabay "haa." Warbixintu waxay muujisay in boqolkiiba 39 ragga ay iyaguna sidaas aaminsan yihiin.
Inta badan ragga iyo haweenka jawaabta bixiyey waxay sheegeen in dayaca carruurta uu yahay sabab ay u arkaan mid lagu garaaci karo xaaska.
Sida ay muujineyso natiijada daraasadda haweenku waa ay ka badan yihiin ragga, haddana tiradoodu way hoos u dhacday marka loo eego sannadihii hore.
Toban sano ka hor, markii Hay'adda Tirakoobka Itoobiya ay samaysay daraasad la mid ah, boqolkiiba 63 haweenka ayaa qabay aragtidan. Daraasaddu waxay sheegtay in boqolleydaasi ay si tartiib tartiib ah hoos ugu sii dhacaysay muddo 25 sano ah, iyadoo 25 sano ka hor ay gaadhaysay boqolkiiba 85.
Dhanka kale, tirada ragga qaba aragtidan ayaa korodhay boqolkiiba 11, iyada oo toban sano ka hor boqolkiiba 28 ragga ayaa aaminsanaa inuu jiro sabab lagu garaaci karo xaaska.
Dr. Sena Tefera oo ah agaasimaha ururka bulshada rayidka ah ee Setawit, kaas oo u ololeeya xuquuqda haweenka, ayaa walaac ka muujisay in haweenka rumaysan in rabshadaha qoyska la cudurdaari karo ay ka badan yihiin ragga.
Waxay sheegtay in dumarka badankood ay la kulmaan garaacitaan ay nimankooda u gaaracaan mar ay ka hadleesay ayey tiri: "Marar badan marka ragga la weydiiyo waxay yiraahdaan, 'Ma habboona in xaaska la garaaco', haddii ay sidaas tahay, yaa haddaba garaacaya haweenka"?
Sida lagu sheegay daraasadda hay'adda tirakoobka Itoobiya, boqolkiiba 30 haweenka guursaday ama yeeshay lammaane ayaa la kulmay ugu yaraan mid ka mid ah noocyada xad-gudubka jirka sida kufsiga ama tacaddiyada nafsiyeed.
Boqolkiiba 58 haweenkii la kulmay rabshadahaas ma aysan raadsan wax gargaar ah mana aysan u sheegin qof wixii ku dhacay.
Dr. Sena Tefera waxay sheegtay in ay jiraan sababo kala duwan oo haweenka ku kallifi kara inay u arkaan caddiyada qoyska kuwo la aqbali karo, iyada oo tusaale u soo qaadatay guurka yaraanta lagu guursado, ku soo barbaaridda qoysaska tacaddiyadu ka jiraan, iyo dakhli-yaraanta ama ku tiirsanaanta dhaqaale dad kale iyo saboolnimada.
Waxay sidoo kale tilmaamtay in deegaanno badan aan garaacista iyo tacaddiyada nafsiyeedba loo arkin tacaddi.
Daraasaddu waxay sheegtay in heerka waxbarashada iyo dakhliga qoyska marka ay kordhaan ay yaraato suurtagalnimada in qofku u arko garaacidda xaaska wax la aqbali karo.
Boqolkiiba 63 dadka aan waxbarashada helin ayaa aaminsan inuu jiro sabab lagu garaaci karo xaaska. Hase yeeshee, haweenka waxbarashadoodu ka sarreyso dugsiga sare, boqolkiiba 29 oo keliya ayaa qabta aragtidan.
Haweenka ku nool miyiga ayaa uga badan kuwa magaalooyinka aaminsanaanta ah inuu jiro sabab uu ninku xaaskiisa u garaaci karo.
Gobolladii daraasadda lagu sameeyey, gobolka Sidama ayey ka timid tirada ugu badan ee haweenka qaba aragtidan, iyadoo boqolkiiba 74 haweenka gobolkaasi ayaa aamisan.
Waxaa ku xigay gobolka Koonfur-galbeed ee Itoobiya, halkaas oo boqolkiiba 71 haweenka ay sidaas aaminsanaayeen.
Dhanka kale, Soomaalida Itoobiya ayaa noqotay gobolka ay ugu yar yihiin haweenka qaba aragtidan, iyadoo boqolkiiba 23 oo keliya ay rumaysnaayeen inuu jiro sabab lagu garaaci karo xaaska.
Daraasaddu waxay sheegtay in si loo beddelo fikirka dadka u arkaan in tacaddiyada qoyska kuwo la cudurdaari karo loo baahan yahay in la xoojiyo barnaamijyada awood-siinta dhaqaale ee haweenka.
Waxay sidoo kale ku talisay in la ballaariyo wacyigelinta bulshada, isla markaana haweenka la kulma tacaddiyada loo fududeeyo helitaanka adeegyada sharciga, caafimaadka iyo taageerada nafsiyeed.