Maxay ka dhigan tahay in Trump uu ku dhex dhuunto gaariga cuntada uuna ku baxsado diyaarad sir ah?

    • Author, Anthony Zurcher
    • Role, Weriyaha Waqooyiga Ameerika
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo

"Aniga ayaa ka horreeyay intii uusan isagu iiga horreyn. Laba jeer ayay isku dayeen. Aniguna marka hore ayaan isaga helay."

Taasi waxay ahayd hadalka Madaxweyne Donald Trump, kaas oo uu u sheegay wariyaha ABC Jonathan Karl, xilli ay telefoon ku wada hadleen maalin kadib markii uu bishii Febraayo bilaabay duqeynta militari ee Mareykanka uu ka fulinayo Iiraan.

Duqeyn cirka ah oo ay Israa'iil fulisay, iyadoo oggolaansho iyo isku-duwid ka heshay Mareykanka, ayaa markaas dishay Aaytullaah Cali Khamenei iyo hoggaamiyeyaal kale oo sarsare oo Iiraaniyiin ah. Trump ayaa si toos ah weerarkaas ugu xiray hanjabaado iyo qorshayaal dil oo uu sheegay in isaga loola dan leeyahay ay Iiraaniyiintu sanadihii hore sameeyeen.

Trump lixdii bilood ee xigay ee dagaalka kama uusan hadlin arrintan si la mid ah, balse Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth ayaa aragtidaas ku celiyay.

"Iiraan waxay isku dayday inay disho Madaxweyne Trump, Madaxweyne Trump-na isagaa qosolkii ugu dambeeyay qoslay," ayuu yiri bishii Maarso, isaga oo xusay in nin Iiraani ah oo aan magaciisa la shaacin, kaas oo uu sheegay inuu hoggaaminayay koox dilal qorshaysan, lagu dilay weerarrada Mareykanka.

Hadalladan waxay muujinayaan dabeecadda shakhsiyadeed ee dagaalkan, iyo welwelka madaxweynaha iyo kooxdiisa amniga ee ku saabsan khatarta ay Iiraan weli ku hayso ammaankiisa.

Welwelkaas ayaa si weyn loo muujiyay kadib markii toddobaadkan la shaaciyay in Trump uu si qarsoodi ah ugu wareegay diyaarad kale oo beddel ah xilli uu kasoo laabanayay shirkii NATO ee ka dhacay Turkiga bishii hore.

Trump ayaa warbaahinta iyo inta badan shaqaalaha Aqalka Cad uga tagay inay ku safraan diyaaradda madaxweynaha ee Air Force One 747, taas oo si dhab ah u noqotay diyaarad marin-habaabineed.

Waxay ahayd qorshe sir ah oo si weyn loo diyaariyey, kaas oo madaxweynaha lagu gelinayay laguna soo saarayay diyaaradda isagoo saaran gaari xamuul ah oo cuntooyinka diyaariya, taas oo ka dhalatay xog sirdoon oo ay saraakiisha Mareykanku sheegeen inay aaminsanaayeen inay tahay mid la isku hallayn karo, oo ku saabsan khatar gantaallo Iiraan ay ku beegsan karto Air Force One.

Aqalka Cad faahfaahin badan kama uusan bixin khatartan, balse arrintani waxay haddana noqotay dhacdo kale oo xasaasi ah oo ka mid ah taariikhda qallafsan ee xiriirka Trump iyo Iiraan.

Khabiirrada amniga ee dowladda ayaa sheegay in tallaabooyinka noocan oo kale ahi aysan ahayn wax aan caadi ahayn marka madaxweyne uu u safrayo goob dagaal ama meel u dhow goob dagaal.

Madaxweynayaashii hore ee Mareykanka waxay si qarsoodi ah ugu safreen dalal ay ka mid yihiin Afgaanistaan, Ciraaq iyo Ukraine, balse weligood safarradaas lagama qarin warbaahinta gebi ahaanba. Warbaahinta ayaa ugu yaraan hore loogu sii wargelin jiray, iyadoo heshiis lala galay in aysan shaacin safarka ilaa uu madaxweynuhu gaaro goobta ama uu safarku dhammaado.

Sawirka Trump oo gaari xamuul ah oo cunto lagu qaado ku dhex dhuumanaya, si looga badbaado khatar la sheegay inay Iiraan ka imaanayso, ma ahayn muuqaal ku habboon madaxweyne si joogto ah u muujin jiray awooddiisa iyo xooggiisa, isla markaana carrabka ku adkeyn jiray tabardarrida milatari ee Iiraan kadib bilo dagaal ah.

Siraha ku xeernaa maalmaha iyo toddobaadyadii ka dambeeyay howlgalkii Sirdoonka Ilaalada Qaranka ee Ankara ayaa laga yaabaa inuu qayb ahaan ka dhashay rabitaanka ah inaan la wiiqin sawirka Trump ee ah hoggaamiye awood badan.

Howlgalkan, oo in ka badan bil kadib uun bannaanka soo baxay, wuxuu sidoo kale muujinayaa khatarta muuqata ee Iiraan ay weli ku hayso danaha Mareykanka, xilli uu madaxweynuhu ku doodayo in dagaalku ku dhow yahay inuu soo dhammaado, isla markaana uu sheegayo in cadowgiisa si buuxda looga adkaaday goobta dagaalka.

Si kastaba ha ahaatee, hanjabaadaha Iiraan ee ka dhanka ah Trump ma ahayn wax cusub.

Kadib markii Trump, xilligii uu xilka hayay muddadiisii koowaad, uu amray duqeyntii gantaalaha ee Janaayo 2020 ee lagu dilay hoggaamiyihii Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC), Qasem Soleimani, hoggaamiyeyaasha Iiraan waxay ballanqaadeen inay ka aargoosan doonaan madaxweynaha Mareykanka iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan maamulkiisa.

Hal dhacdo, waxaa jiray sawir derbi ah oo Iiraan lagu sameeyay, kaas oo muujinayay diyaarad aan duuliye lahayn oo bartilmaameedsanaysa Trump xilli uu golf ku ciyaarayay gobolka Florida.

Waxay hadda u muuqataa in hanjabaadaha Iiraan ay ka badnaayeen hadallo iyo ismuujin keliya.

Maamulka Biden ayaa Iiraan uga digay sannadkii 2022 inaysan bartilmaameedsan wax muwaadiniin Mareykan ah, kadib markii la ogaaday qorshe lagu beegsanayay John Bolton, oo hore u ahaa la-taliyihii amniga qaranka ee Trump.

Bishii Luulyo 2024, ciidamada ammaanka Mareykanka waxay xireen nin Pakistani ah oo lagu magacaabo Asif Merchant, kaas oo lagu eedeeyay inuu xiriir la lahaa Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC), isla markaana qorsheynayay inuu dilo Trump. Afar bilood kadib, muwaadin Afgaanistaan ah oo lagu magacaabo Farhad Shakeri ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta qorshe kale oo lagu dilayay Trump.

Merchant ayaa bishii Maarso 2026 lagu helay dambi, balse Shakeri, oo dacwad-oogayaasha Mareykanku ku eedeeyeen in sarkaal ka tirsan IRGC uu amar siiyay, ayaa weli baxsad ah.

Inkasta oo isku dayadan lagu fashiliyey marxaladihii qorsheynta, haddana khatarta jireed ee Trump wajahayay xilli uu doonayay inuu dib ugu laabto Aqalka Cad ayaa ahayd mid si cad loo arkayay.

Bishii Luulyo 2024, Trump ayaa dhiig ka yimid kadib markii nin hubeysan uu rasaas ka furay isu-soo-bax uu ka qeybgalayay oo ka dhacay Butler, gobolka Pennsylvania. Laba bilood kadib, nin hubeysan ayaa lagu xiray Florida, kadib markii wakiillo ka tirsan Sirdoonka Ilaalada Qaranka Mareykanka ay arkeen isaga oo ku dhuumanaya geedaha u dhow goob uu Trump ciyaarta golf-ka ku ciyaarayay.

"Waxay isaga u ahayd dhacdo si weyn u xoojisay dareenkiisa," ayay tiri Maggie Haberman, oo ah wariye ka tirsan Aqalka Cad oo u shaqaysa New York Times, xilli ay wareysi dhowaan bixisay kaga hadlaysay qorshayaashii Iiraan iyo isku dayadii dil ee 2024.

"Dhammaan arrimahaas maskaxdiisa waxay ugu dambayn isu beddelaan hal dhacdo oo weyn oo isku dhex milantay," ayay tiri.

"Trump laftiisa, Iiraan iyo dareenka ah inuu mar walba khatar ku jiro waa wax joogto ah," ayay raacisay.

Madaxweynaha, sida ay qortay mareegta wararka ee Semafor, ayaa inta badan ka fikira—mararka qaarna kaftan ka dhigta—suurtagalnimada inuu noqdo bartilmaameed dil loo geysto.

"Qofna iima sheegin sida ay u khatar badan tahay inuu madaxweyne noqdo, haddii la ii sheegi lahaa, malaha ma tartameen," ayuu sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ku soo xigtay Trump inuu yiri.

"Wuxuuna hadallada noocaas ah mararka qaar u yiraahdaa kaftan ahaan, balse xaqiiqo ayaa ka dambaysa," ayuu sarkaalku sheegay.

Duqeyntii Trump uu 2025-kii ku qaaday xarumaha cilmi-baarista nukliyeerka Iiraan, iyo duqeymaha ballaaran iyo xannibaadda ciidamada badda ee uu sanadkan sameeyay, ayaa sababtay in Iiraan ay mar kale hanjabaado cusub u jeediso Trump. Arrintan ayaa sidoo kale keentay digniin toos ah oo madaxweynaha Mareykanku ugu jawaabay.

Bishii Luulyo, Trump ayaa bartiisa Truth Social ku qoray in Iiraan ay sameysay hanjabaado ah inay "dili doonto ama isku dayi doonto inay disho" isaga. Wuxuuna sheegay in 1,000 gantaal ay diyaar yihiin oo si toos ah loogu bartilmaameedsaday Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, iyadoo kumannaan kale ay isla markiiba xigi doonaan haddii dowladda Iiraan ay fuliso hanjabaaddeeda.

Farriinta madaxweynuhu u diray Iiraan waxay ahayd mid aan gabasho lahayn. Sidoo kale, qaar badan oo ka mid ah hanjabaadihii ugu dambeeyay ee isaga loo jeediyay waxay ahaayeen kuwo cad oo aan mugdi ku jirin.

Xafladdii aaska Khamenei, oo la qabtay maalin ka hor inta uusan Trump ka bixin Turkiga, dadkii ka qeybgalayay ayaa watay boorar ay ku qornaayeen "#KillTrump" (Dila Trump).

Toddobaadkii xigay, fagaaraha ku yaalla bartamaha Tehran, waxaa dhisme lagu dhejiyay sawir weyn oo muujinayay madaxweynaha Mareykanka oo jiifa naxash madow, waxaana hoostiisa lagu qoray erayada: "Trump waan dili doonnaa" iyo "Dhiig dhiig ayaa lagu aargudanayaa."

Iiraan ayaa hore u beenisay inay ku lug lahayd qorshayaal kasta oo lagu doonayay in Trump lagu dilo, balse farriinta la gudbiyay—kadib geeridii Khamenei iyo wararka sheegaya in dad rayid ah oo Iiraaniyiin ah lagu dilay duqeymaha Mareykanka iyo Israa'iil—waxay ahayd mid cad.

Iiraaniyiintu waxay sheegayaan in dagaalku uusan weli dhammaan. Trump-na wuxuu noqday bartilmaameed aargoosi.

Qaybtii ugu dambaysay ee safarka uu Trump Turkiga uga soo laabanayay Mareykanka, markii Trump iyo wariyeyaashii la socday lagu soo celiyay isla diyaaraddii, madaxweynaha ayaa u yimid qeybta saxaafadda si uu ula hadlo weriyeyaasha.

Waxay wax ka weydiiyeen safarkii aan caadiga ahayn, oo ay ku jirtay amar ay Sirdoonka Ilaalada Qaranka bixiyeen oo ahaa in daahyada daaqadaha diyaaraddii marin-habaabinta ahayd la xiro xilli ay diyaaradda ka duuleysay Ankara.

"Mar walba waxaan akhriyaa inaan lambarka koowaad kaga jiro liiskooda," ayuu u sheegay.

"Laakiin haddii aan anigu tago, idinkuna waad tagaysaan, sax?"