Sudan: Siyaasi ka mid ahaa gudidii dabagalka shabakadihii siyaasadeed ee nidaamkii Al-Bashiir oo la xidhay

Maxamed Al-Faki Sulayman

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Maxamed Al-Faki Sulayman
Published

Siyaasi reer Sudan ah oo xubin ka ahaa golaha saree e dalka xukuma ayaa xabsiga loo taxaabay. Ehaladiisa ayaa sheegay in Maxamed Al-Faki Sulaymaan laga qabtay meel gurigiisa agtiisa ah oo ku yaal magaalo madaxda Kharduum.

Qabashadiisan ayaa daba socota laba siyaasi oo kale oo iyagana la xidhay todobaadkii hore. Saddexdaa siyaasi ba waxay muddo qiyaastii bil ah meel gaar ah lagu hayey markii uu dhacay af-gembigii Oktoobar. Waxaanay hore erayo kulkul isu waydaarsadeen hogaanka milatariga intii aanay talada la wareegin.

Xadhiga Maxamed Al-Faki Sulaymaan waxa la moodaa in uu caddayn u yahay in milatariga ay keligood gacanta ugu jirto talada Sudan oo ay ka go'an tahay in ay joojiyaan isbedellada ballaadhan ee shacabka loogu ballan qaaday.

Isaga iyo labada siyaasi ee kale ee todobaadkii hore la xidhay, waxay ka mid ahaayeen guddi loo saanay in ay xididada u siibaan shabakadda siyaasadeed iyo ta dhaqaale ee uu dhisay madaxweynihii hore ee keligii taliyaha ahaa ee Cumar Al-Bashiir.

Waxa laga joogaa muddo saddex sano ku dhaw markii Al-Bashir xilka laga tuuray, laakiin saaxiibadiisii milatariga ahaa yaa weli jagooyin sarsare haya waxaanay doonayaan in ay weli awoodda sii haystaan. Waxaanay u muuqataa in ay marba marka ka dambaysa sii yaraanayso suurtogalnimada ay sannadihii mudaharaadada dimuqraadiyad doonka ahaa ee lagu doonayey isbedellada ay dadka reer Sudan dalbanayeen aan lagu gaadhi doonin.

Cabdifataax Al-Burahaan, hogaamiyaha Sudan ee milatariga ah

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Cabdifataax Al-Burahaan, hogaamiyaha Sudan ee milatariga ah

Khilaafka u dhaxeeya siyaasiyiinta rayidka ah iyo milatariga talada dalka wada haya ee ku midaysay golaha sare ee ku meel gaadhka ah, ayaa mar ba marka ka sii dambaysa soo if baxayey mudooyinkii u dambeeyey.

Waxaana ka mid ahaa arimhaasi in ra' isul wasaaraha Sudan, Cabdallah Xamdook, uu horaantii bishii Jeeneweri ee la soo dhaafay ku dhawaaqay inuu xilka iska casilayo xilli ay socdaan dibadbaxyo ballaadhan oo looga soo horjeedo xukunka milateriga.

Milateriga ayaa afgambi billaabay bishii Oktoobar waxayna Mr Hamdok sameeyeen xilligaas xabsi guri, laakiin dib ayaa loogu soo celiyay xukunka bishi xigtaya ka dib markii uu saxiixay heshiis cusub oo ku dhisan awood qeybsi ah.

Mudaaharaadayaashu diiddana sida xaal u socdo ayaa muddooyinkii u danbeeyey sii waday i ay waddooyinka gaaf wraeegaan xilli ay dalbanayaan hoggaan siyaasadeed oo rayid ah.

Khudbad uu ka jeediyay taleefishinka, ayuu Mr Hamdok ku sheegay in loo baahan yahay heshiis cusub oo Sudan ay ugu gudubto xaalad dimuqraadiyad.

"Waxaan go'aansaday in aan dib u celiyo mas'uuliyadda, oo aan ku dhawaaqo in aan iska casilayo xilka ra'iisul wasaaraha, oo aan fursad siiyo nin ama haweeney kale oo dalkan sharafta leh ... ka caawiaya sidii uu uga gudbi lahaa inta ka hadhsan xilliga ku meel gaadhka ah si uu u noqdo waddan rayid ah oo dimuqraadi ah." ayuu yidhi.

Ciidamada ammaanka ayaa dilay laba qof Axadii intii ay socdeen mudaaharaadyo looga soo horjeedo xukunka militariga, sida laga soo xigtay guddiga Dhakhaatiirta dhexe ee Suudaan ee taageera dimuqraadiyadda.

Laamaha ammaanka ayaan ka hadlin dhimashadaas.

Ugu yaraan 56 qof ayaa lagu dilay mudaaharaadyadaas tan iyo afgambigii dhacay 25kii Oktoobar 2021, sida ay guddidani baahiyeen