Kuleylka Canada: Sidee loogu dhintaa kuleylka xad dhaafka ah?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Heerkulka Canada iyo qeybo kale oo ka mid ah waqooyi-bari Mareykanka ayaa haatan gaaray 50 °C.
Xaaladdan waxaa sababay heerkul aad u sarreeya oo ka jira California illaa badda Arctic.
Ilaa 130 dhimasho ayaa laga soo sheegay gobolka Vancouver keliya tan iyo bishii February, halkaas oo kuleylku gaaray heer aad u sarreeya.
Balse sidee ayaad u yareyn kartaa kuleylka, maxayse yihiin tallaabooyinka aad qaadi karto si aay ula tacaasho xaaladdan?
James Gallagher, oo BBC-da ka tirsan soona tebiya arrimaha la xiriira sayniska iyo caafimaadka, ayaa ka jawaabay su'aalaha soo socda.
Saameyn noocee ah ayuu heerkulka sare ku leeyahay jirka?
Haddii ay tahay qabow amaba kuleyl, jirkeennu wuuxu la daalaa dhacaa inuu ku sugnaado heerkul ku habboon oo ah ilaa 37.5 digrii Celsius.
Heerka kuleylka waa waxa uu jirkeennu awoodo inuu u adkeysto. Kaddib, waxaa furma xididdada dhiigga ee ku hareereysan maqaarka si ay u sii daayaan kuleyl iyo dhidid.
Marka uu dhididku bato, kuleylka jirka ayaa si degdeg ah hoos ugu dhaca.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xaggee ayay dhibaatadu ka jirtaa?
Kuleylka ayaa cadaadis saara jirka. Inay furmaan xididdada dhiigga waxay hoos u dhigtaa dhiigkarka waxayna wadnaha ka dhigtaa mid aad u shaqeeya si uu dhiig u siiyo jirka oo dhan.
Tani waxay sababtaa calaamadaha sida qandho iyo cun-cun amaba barar lugta ah marka ay xididdada dhiiggu soo daadiyaan dhiig.
Balse haddii uu cadaadisku hooseeyo, dhiigga ma gaarayo xubnaha u baahan waxayna taasi kordhin kartaa khatarta wadno istaagga.
Isla mar ahaantaas, dhididka ayaa sababa in qofku uu lumiyo biyo iyo cusbo badan.
Arrintan, iyo cadaadiska dhiigga oo hooseeya, ayaa sababi kara daalka uu kuleylku keenay oo leh calaamadaha soo socda:
- Inaad dareentid suuxdin oo kale
- maqnaansho
- qalqal
- inaad xanuunsato
- murqo xanuun
- madax xanuun
- inaad aad u dhididdo
- daal aad u daran

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxaan sameeyaa haddii aan la kulmo qof la dhibtoonaya heerkulka sare?
Haddii ay heli karaan meelo ay ku nastaan muddo saacad iyo bar ah gudaheed ah, daalka uu kuleylku sababay wuu yaraan karaa.
Wasaaradda caafimaadka UK ayaa ku talineysa:
In qofka la geeyo meelaha qabow.
Qofku dhulka ha dhabbacsado cagahana kor u yara qaado.
In la siiyo biyo badan oo uu cabo; cabitaannada fuuq-baxa ayaa sidoo kale la isticmaali karaa.
Isku day inaad dejiso jirka: ku buufi amaba isku shub biyo qabow si aad hawo u hesho.
In qalabka wax qaboojiya la saaro kilkilaha amaba qoorta agteeda ayaa qofka caawin kara.
Si kastaba, haddii qofku uusan 30 daqiiqo gudaheed caadi ku soo noqon, waxa xiga ee ku dhici kara waa inuu kuleyl dartiis la suuxo.
Kaddib qofku wuxuu u baahan yahay inuu helo daaweyn degdeg ah.
Dadka la suuxa kuleylka aadka ah waxaa laga yaabaa inaysan dhididin haddii uu hayo kuleyl daran. Heerkulka jirkooda wuxuu xitaa ka sare mari karaa 40 digrii Celsius.

Xigashada Sawirka, Reuters
Yaa khatarta ugu jira?
Dadka caafimaadka qaba way u adkeysna karaan inay la tacaalaan kuleylka daran balse waxaa jira kuwo halis ugu jira kuleylkaas.
Dadka da'da ah amaba kuwa qaba xanuunnada raaga, sida cudurrada wadnaha, ayaa laga yaabaa inay ku adkaato la tacaalidda kuleylka daran.
Xanuunka macaanka heerka 1 iyo 2, ayaa sababi kara fuuq-bax degdeg ah, cudurrada kale ayaana sababi kara inay saameyn ku yeeshaan oo ay la fal galaan xididdada dhiigga iyo dhididka.
Sidoo kale waa muhiim in laga war qabo in heerkulka jirkaagu uu sarreeyo si aad tallaabo u qaaddo.
Tani waa wax aan dhayalsanno. Si kastaba, carruurta iyo dhallaanka, kuwa aan awoodin inay socod dheer galaan ayaa laga yaabaa inay halis u galaan kuleylka.
Sidoo kale, xanuunnada maskaxda sida qofka oo ay xusuustu ka tagto ayaa sababi kara inuusan ka war qabin in dhibaatadan ay heysato amaba aysan awoodin inay wax ka qabtaan.
Dadka derbijiifka ah ayaa sidoo kale u nugul cadceedda, iyo dadka ku nool dhismooyinka dhulka hoose amaba dabaqyada aadka u sarreeya ayaa laga yaabaa inay la kulmaan heerkul aad u sarreeya.

Xigashada Sawirka, NATHAN HOWARD / GETTY IMAGES
Ma loo dhintaa heerkulka sare?
Haa.
Sanad kasta kumannaan dhimasho ah ayaa la soo sheegaa oo uu sababo heerkulka sare. Badankood waxay la kulmaan wadno xanuun iyo maskaxda oo uu dhiig ku furmo, kuwaas oo ka dhasha jirka oo la daalaa dhaca inuu joogteeyo heerkulka caadiga ah.
Maxaad sameyn kartaa marka uu heerkulku aad u sarreeyo?
Taladu way fududdahay: Hubi inaad ku sugan tahay meel qabow
Hubi inaad cabto biyo kugu filan amaba caano. Shaah iyo qaxwaha sidoo kale ma xuma.










