Hay'adda Caafimaadka Adduunka oo ka digtay in cudurka Covid-19 ku soo laba kaclayn karo Yurub

Qiyaastii 20,000 oo qof oo hor leh oo cudurku ku dhacay ayaa maalintiiba laga soo sheegayaa Yurub

Xigashada Sawirka, PA Media

Qoraalka sawirka, Qiyaastii 20,000 oo qof oo hor leh oo cudurku ku dhacay ayaa maalintiiba laga soo sheegayaa Yurub
Published

Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in ay korodhay tirada todobaadlaha ah ee dadka uu ku dhacayo cudurka Covid-19 ee qaaradda Yurub.

Kow iyo toban meelood oo ay ku jiraan Armenia, Sweden, Maldova iyo Woqooyiga Macedonia oo uu kordhay fiditaanka cudurku ayaa keentay in "uu aad u laba kacleeyo" cudurku, sida uu sheegay agaasime-goboleedka WHO Dr Hans Henri Kluge.

Wuxuu sheegay in digniintiisu tahay mid uu kaga dardaarwerinayo in laba kaclaynta cudurku noqon karto halis xaqiiqo ah.

Waxaanu intaa ku daray in hadii aan arinta laga hortagin adeegyada caafimaadka ee dalalkaa uu "ka tan badan doono".

Hay'adda WHO waxay sheegtay in Yurub tirada dadka uu ku dhacay Covid-19 ay tahay 2.6 milyan oo qof oo 195,000 u geeriyoodeen.

Ku dhawaad 20,000 xaaladood oo cusub oo dad uu ku dhacay ah iyo in ka badan 700 oo dhimasho hor leh ah yaa maalin walba la xaqiijinayaa.

"Muddo todobaaddo ah waxaan ka hadlayey halista soo laba kaclaynta cudurkaas maadaama oo dalalku ay debcinayaan xayiraadihii" ayuu yidhi Dr Kluge oo ka hadlayey shir jaraa'id oo uu internet-ka kaga hadlay Khamiistii.

"Dhawr dal oo Yurub ka mid ah, ayey haatan halistii noqotay xaqiiqo la taaban karo. 30 dal ayey haatan korodhay wadarta guud ee tirada dadka qaadaya cudurka labadii todobaad ee u dambeeyey". Ayuu yidhi.

Kow iyo tobanka dal ee la sheegay in cudurku ku kordhay ayey WHO magacowday oo kala ah Armenia, Sweden. Moldova, Woqooyia Macedonia, Azerbaijan, Kazakhstan, Albania, Bosnia-Herzogovina, Kyrgyzstan, Ukraine iyo Kosovo.

Dr Kluge waxa uu sheegay in wadamada ay ka midka yihiin Poland, Jarmalka, Spain iyo Israel ay si degdega uga hortageen halista ah inuu ka dilaaco cudurku iskuulada, goobaha macdanta laga qodo iyo warshadaha cuntada soo saara oo ay ku xakameeyeen talaabooyin degdeg ah oo ka hortag ah.

In kasta oo laga digayo in cudurku soo laba kacleeyo, hadana wuxu sheegay in WHO ay saadaalinayso in xaaladdu aad hoos ugu dhici doonto dalalkaa badankooda xagaagan.

"Laakiin waa inaan ka foojignaanaa oo u diyaar garownaa marka la gaadho dayrta, markaas oo Covid-19 uu la falgeli doono hargab xiliyeedka caadiga ah, oof wareenka iyo cudurrada kaleba sababta oo ah fayrasku weli wuu jiraa oo dadkeedna wuu dhex qaadayaa mana jirto daawo loo hayo iyo talaal toona ilaa haatan." Ayuu yidhi.

Jarmalka iyo Faransiiska oo taageero ballan qaaday

Dhanka kale waxa la ogaaday Khamiistii in wadaxaajood uu kula yeeshay agaasimaha guud ee WHO, Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus, magaalad Geneva wasiiro ka socday ay Jarmalka iyo Faransiisku ballan qaadeen taageero ay hadda siinayaan hay'adda.

Agaasimaha guud ee WHO oo ay hareero taaganyihiin wasiirrada caafimaadka Jarmalka iyo Faransiisku

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Agaasimaha guud ee WHO oo ay hareero taaganyihiin wasiirrada caafimaadka Jarmalka iyo Faransiisku

Wasiirka caafimaadka ee Jarmalka, Jens Spahn, ayaa sheegay in dalkiisu qorshaynayo inuu siiyo in ka badan 500 milyan oo Euro oo iskugu jirta qalab iyo lacag naqad ah sannadkan hay'adda.

Waxaanu ku nuuxnuuxsaday in safmarrada dunida ka dilaaca lagaga hortagi karo iskaashi waxaanu intaa kud aray "dal weliba inuu keligii isku oodo halkiisu xal u noqon mayso dhibaatooyinka dunida oo waa wax aan haboonayn".

Wasiirka caafimaadka Faransiiska, Olivier Veran, ayaa isna ballan qaaday 50 milyan oo Euro oo toos loo siinayo WHO iyo 90 milyan oo Euro oo kale oo lagu bixin doono xarumaha cilmi baadhista ee hay'addu ku leedahay magaalada Lyon.

"Waxaan si dhab ah u rumaysanahay in dunidu baahidii ay awal u qabtay mid ka sii badan haatan u qabto hay'addan dunida. Waxaan rumaysanahay in aanay haboonayn in ay dayacdo ururrada isku keena" ayuu yidhi.

Hogaamiyeyaasha Yurub ayey ka go'nayd in ay taageero muuqata u muujiyaan hay'adda WHO tan iyo markii Maraykanku ku tilmaamay hay'adda mid "Shiinaha gacanta u gashay" isla markaana sheegay in uu ka jarayo deeqdii uu siin jiray oo uu ka baxayo dalkiisu.