Madaxweynayaasha Fransiiska iyo Mareykanka oo ku kulmay aqalka cad

Madaxweynaha dalka Fransiiska, Emmanuel Macron ayaa gaaray aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka, halkaasi oo ay uga bilaabmeyso booqasho saddex maalmood ah oo uu ku joogayo dalka Mareykanka.
Madaxweyne Macron ayaa halkaasi kula kulmay dhigiisa Mareykanka, Donald Trump , waxaana la filayaa in kullanka labada madaxweyne looga wada hadli doono arrimo ay kamid yihiin ganacsiga, heshiiskii Iran lala galay sannadkii 2015-ka ee dhanka Niyukleyrka, kaasi oo uu ka soo horjeestay madaxweyne Trump.
Macroon oo ka hadlay kullanka uu la yeeshay madaxweynaha Mareykanka ayaa waxaa uu sheegay inuu ka dhowrsugayo in safarkiisa uu noqdo mid mira dhal ah.
Dalalka Mareykanka, Fransiiska iyo Britain ayaa dhawaan iska kaashaday duqeymo ka dhan ah dowladda Suuriya oo lagu edeeyay inay hub kiimika ah u adeegsatay mucaaradka ka soo horjeeda.








