You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Suuriya: Duqayn maalintii labaad ku socota Duuma
Wararka Suuriya ka imanaya ayaa sheegaya in goob ay gacanta ku hayaan fallaagadu oo u dhaw magaalada Dimishiq lagu weeraray hub kiimiko ah.
Urur gargaarka ka shaqeeya oo la yidhaa Syrian American Medical Society ayaa sheegay in dakhaatiirta jooga magaalada Duuma ay daweynayeen bukaan la il daran dhibaatooyin caafimaad oo ay ka qaadeen sunta Chlorine oo ay neefsadeen. Hase yeeshee dawladda Suuriya way beenisay in ay geysatay weerar noocaas ah.
Wararku waxa kale oo ay tibaaxayaan in maalintii labaad ay duqaymo cirka ahi mar kale ku bilaabmeen magaalada Duuma.
Waxaana la sheegayaa in lagu dilay tobanaan qof oo rayid ah. Dhanka kalena ugu yaraan todoba qof ayaa sida la sheegay ku dhintay duqayn ay fallaagadu la beegsadeen goobo rayid ku nool yihiin oo ku dhaw Dimishiq.