You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Angela Merkel oo soo dhiseyso xukuumad cusub oo isbaheysi ah
Hoggaamiyaha waddanka Jarmalka, Angela Merkel, ayaa sameyneysa wax lagu tilmaamay tallaabadii ugu damebysay ee ay maanta kusoo dhiseyso xukumaad cusub oo isbaheysi ah.
Tallaabadan ayaa imaaneysa kaddib markii 8 toddobaad xisbigeeda ay la kulmayeen guuldaro xooggan oo dhanka doorashada ah.
Kutlada muxaafidka ee ay hoggaamiso Angela Merkel, ayaa u baahan inay heshiis la gasho labada xisbi ee kala ah the centrist Free Democrats iyo the Greens, si looga fogaado xasardo siyaasadeed iyo halis ah in la qabto doorashooyin ku celis ah.
Waqtiga kama dambeysta ah ee heshiiska oo ay saddexda xisbiba isku waafaqeen ayaa laga soo hormariyay horraanta toddobaadka iyadoo laga dhigay maanta.
Waxaa la rumeysan yahay in arrimaha muhaajiriinta soo gala Jarmalka iyo qiica wasaqda ee warshadaha ay yihiin caqabadaha ugu waaweyn ee horyaalla in saddexda xisbi ay gaaraan heshiis.