Banaanbax lagu taageerayo ciidanka Kenya
Published

Xigashada Sawirka,
Magaalada Kismaayo, waxaa ka dhacay maanta banaanbaxyo lagu taageerayo joogista ciidamada Kenya ee ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika.
Dadkii banaanbaxayay waxaa la hadlay saraakiil ka tirsan maamul goboleedka Jubba.
Wariyaha BBC Maxamed Ibraahim Macalimmo, ayaa banaanbaxa ka waraystay Khalid Maxamed Xasan, oo ka mid ah dadkii soo qabanqaabiyay banaanbaxyada.