Malyuun Maanka: Sheekada Fannaanadda go'aansatay inay fannaan dambe guursanin

Qoraalka Codka, Wareysiga Malyuun Maanka ee BBC-da oo dhameystiran
Published

BBC-da ayaa wareysi gaar ah la yeelatay Malyuun Maanka, oo ka mid ah fannaaninta Soomaalida ee da'da yar.

Waxay sheegtay in fanka ay soo billowday sanadkii 2018, balse ay ilaa yaraanteedii jeclayd inay ku biirto.

Fannaanad Malyuun ayaa sidoo sheegtay in marka laga soo tago fanka ay sidoo kale jeceshahay inay ganacsato noqoto, ayna ku hamineyso inay gabi ahaanba isaga baxdo fanka.

Ma jiraan heesaheeda kuwa iyada gaar u quseeya?

Fannaanadda oo ka jawaabeysa su'aashaas oo ay BBC-da weydiisay ayaa tiri: "Aniga markii hore ma jirin heeso gaar ii khuseeya oo aan qaaday, balse waxaa jiray kuwo markii dambe igu soo noqday oo aad moodday inay aniga si gaar ah iiga hadlayaan markaan gaar u dhageystay."

Mid ka mid ah heesahaas ay qaaddo ee dib nolosheeda ka saameeyay waa heesta "Xiddiggii Sanaag".

Malyuun inkastoo ay fannaanad tahay haddana waxay sheegtay in aysan dooneyn inay nolosha la wadaagto qof fannaan ah. Waxay intaa ku dartay in xitaa haddii ay dhacdo inay nolol la wadaagto qof fannaan ah ay iyada fanka ka baxayso.

Waxay xustay in aysan arrintaas toos ula xiriirin guurkeedii hore.

Maalyuun Maanka ayaa waxay horay u ahayd xaaska fannaanka caanka ku ah heesaha raabka ah ee Sharmaake Cabdinaasir (Sharma Boy).