Boqor Charles III: Sawirro noolashiisa ku saabsan

Qoyska Boqortooyada
Qoraalka sawirka, Carruurta uu awoowga u yahay ee amiir George iyo amiirad Charlotte ayaa kala dhashay 2013 iyo 2015
Published

Dhaxal sugihii ugu mudada dheeraa taariikhda Britain ayaa noqday Boqor. Sawirradan waxa ay muujinayaan marxalado muhiim ah oo uu soo maray Boqorkan 73 jirka ah.

1px transparent line
Boqor Charles III iyo hooyadii.
Qoraalka sawirka, Charles Philip Arthur George waxa uu dhashay 14-kii November 1948. Saddex jir ah ayuu ahaa markii ay hooyadii noqotay Boqoradda.
1px transparent line
Charles iyo waalidkii.
Qoraalka sawirka, Charles oo ay la joogaan hooyadii Boqorad Elizabeth (oo xilligaa amiirad ahayd) iyo aabihii amiir Philip. Waxaa sawirkan la qaaday 1949.
Boqor Charles III iyo hooyadii.
Qoraalka sawirka, Charles oo carruur kale la ciyaaraya kubad sanadkii 1957
1px transparent line
Boqor Charles III iyo hooyadii.
Qoraalka sawirka, Waxa uu qeyb kamid ah sanadihiisa waxbarashada ku qaatay Gordonstoun, Scotland.
1px transparent line
Boqor Charles III
Qoraalka sawirka, Charles waxa uu koleejka Trinity ee Cambridge ka bartay maadooyinka taariikhda, Archaeology iyo Anthropology. Sawirkan waxaa la qaaday May 1969.
Boqor Charles III
Qoraalka sawirka, Waxa uu kamid noqday Ciidamada Badda Britain, isagoo taliye u ahaa markabka dagaal ee HMS Bronington
1px transparent line
Charles iyo Diana
Qoraalka sawirka, Sanadkii 1981, Amiir Charles ayaa shaaciyay inuu guursan doono Diana Spencer
1px transparent line
Charles iyo Diana
Qoraalka sawirka, Shan bilood kadib, waxa uu arooskooda ka dhacay kaniisadda St Paul's Cathedral.
Charles iyo Diana
Qoraalka sawirka, Charles iyo Diana ayaa isu dhalay amiir William 1982, iyo amiir Harry 1984. Waxaa se ay kala tageen July 1996.
Aaskii Diana
Qoraalka sawirka, Diana ayaa shil gaari oo ka dhacay Paris ku dhimatay 1997. Charles ayaa ku adkeystay in loo sameeyo aas boqortooyo.
1px transparent line
Boqor Charles iyo Camila.
Qoraalka sawirka, Amiir Charles oo sanado badan xiriir la lahaa Camilla Parker Bowles, ayaa inuu guursan doono shaaciyay 2005.
Amiir Charles iyo Camila
Qoraalka sawirka, Arooskii Charles iyo Camila
Qoyska Boqortooyada
Qoraalka sawirka, Carruurta uu awoowga u yahay ee amiir George iyo amiirad Charlotte ayaa kala dhashay 2013 iyo 2015