You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Isbadalka ku yimid qaabka ay u shaqeyso warbaahinta Afqaanistaan
Tan iyo intii ay Taliban la wareegeen dalka Afqaanistaan waxaa isbadal waxayaabo badan.
Waxayabaha isbadalay waxaa ka mid ah qaabka ay warbaahinta u shaqeyso.
Waxaa si wayn isu badalay waxayaabaha ay telefishinada iyo raadiyayaasha ay ka dhageysan karaan dadka reer Afqaanistaan.
Kooxda Taalibaan ayaa dooneysa in ay dhisaan dowlad islamarka dalka lagu xukumo Shareecada Islaamka.
Toddobaadyadii u dambeeyay Taliban waxay la wareegeen qaar ka mid ah warbaahinta dalkaasi.
Waxaa sidoo kale jirta hanjabaad dil ah oo loo jeedinayo wariyayasha halkaasi ka howlgala.
32 shirkado warbaahineed ayaa joojiyay howlihii ay halkaasi ka wadeen, halka 6 warbaahin ay gacanta u galeen kooxda Taliban, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta.
Goobaha ay Taliban la wareegeen waxaa ka mid ah telefsihinka qaranka ee dalka Afqaanistaan.
Markii ay TV-ga la wareegeen ayaa waxaa joogsaday barnaamijyadii socday waxaana lagu badalay quraanka kariimka iyo barnaamijyo diini ah.
Shirkadaha warbaahinta ah ee sida gaarka ah loo leeyahay ayaa dhankooda badalay barnaamijyadoodii caadiga ahaa.
Saad Muhesin oo ah asaasaha shirkadda warbaahinta ee Tolo ayaa sheegaya in ay yareeyeen barnaamijyadi heesaha ahaa.
Telefishanada ayaa waxaa inta badan ka soo muuqda hogaamiyayaaah Taliban oo hadalo jeedinaya.
Waxaa dhanka kale sare u kacday hadalada ammaanta ah ee loo jeedinayo kooxda Taliban.
Tan iyo intii kooxda Taliban laga saaray dalka Afqaanistaan 2001-dii ayaa waxaa dalkaasi ka hana-qaaday telefishino iyo idaacado madaxbanaan.
Wariyayaasha ku sugan dalka afqaansitaan ayaa imika u baqaya naftooda.
Qaar ka mid ah wariyayaasha ayaa waxaa la sheegay in jir-dil lagula kacay dhawaan.
Hogaamiyayaasha Taliban ayaa dhankooda ballanqaadaya in warbaahinta ay noqon doonto mid madaxbanaan.
Dhawaan markii madaxda Talibaan ay gaareen aqalka madaxtooyada ayaa waxaa gudaha qasriga madaxtooyada ay wareysi gaar ah ku siiyeen telefishinka caalamiga ah ee Aljazeera.
wariyayaasha Dumarka ah ayaa ka mid ahaa dadkii joojiyay in ay Telefishinada ka soo muuqdaan markii ay Taliban dalka la wareegeen, balse markii dambe qaar ka mid ah ayaa shaqdooda dib u bilaabay.
Kooxda Talibaan ayaa waxaa ay imika wadaan wadahadalo ay ku soo dhisayaan dowlad dalkaasi ka arimisa.