Doorashada Soomaaliya: Wax ka ogow dhaqaalaha ku baxaya doorashada Soomaaliya
Sida la saadaalinayo in ka badan labaatan milyan oo doolar ayaa ku bixi doonta doorashada qayb ahaan ka bilaabatay Soomaaliya ee lagu dooranayo Goleyaasha Barlamaanka Federaalka iyo tan Madaxweynaha.
Ku dhawaad toban milyan oo lacagtaasi kamid ah waxa la filayaa inay ka soo xarooto is diiwaangalinta murashaxiinta tartamaysa.
Deeq bixiyayaasha taageera Soomaaliya ayaa bixiyay qayb ahaan lacagta kaga soo aaday kharashaadka ku baxaya doorashada.
Dadka dhaqaalaha ka faalooda ayaa qaba in lacagta doorashada ku baxaysa ay aad u badan tahay xiligan oo uu dhaqaalaha Soomaaliya saameyn xun ku yeeshay cudurka COVID-19.
Haddaba lacagaha doorashada ku baxaya, halka ay ka imaanayaan iyo walaaca ku aadan in qayb ahaan aan wali gacanta lagu hayn, waxa warbixintan ku eegaya weriyaha BBC-da Ibraahim Maxamad Aadan.



