Qalalaasaha Tigray: Maxay Dowlad Deegaanka ugu baahatay 15-kun oo askari oo dheeraad ah?
Published
Xukuumadda dawlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa shaacisay in ay qoranaysay shan kun oo askari oo ku biiri doona ciidamada Liyuu Boolsika ee deegaanka.
Go’aankan ayaa soo baxay todobaaddo uun ka dib markii cutubyo ka tirsan ciidanka Liyu loo diray waqooyiga Itoobiya si ay u taageeraan ciidamada federaalka ee la dagaalamaya falaagada Tigray.
Hadaba is weydiintu waxay tahay maxaa kallifay in haatan loo baahdo in ciidan intaa leeg la qoro?
Su’aashaas iyo kuwo kaleba waxa ka jawaabaya Eng Axmednaasir Cali Soofe oo ah ku xigeenka Hogaanka Nabadgelyada Dowlad-Deegaanka Soomaaliya, oo Jigjiga ugu waramay weriye Ismaaciil Buurgaabo.

