Jaaliayadda Soomaalida oo ka hadashay dhibaatada Koonfur Afrika

Qoraalka Codka, Jaaliayadda Soomaalida oo ka hadashay dhibaatada Koonfur Afrika
Published

Ugu yaraan 30 qof oo ay ku jiraan 4 Soomaali ah ayaa ku dhimatay rabshadaha ka taagan qeyba ka mid ah Koonfur Afrika ee bilowday markii la xiray madaxweynihii hore Jacob Zuma.

Ugu yaraan 800 oo qof ayaa loo xiray xiisaddaas daba socdaydibadbaxyadii Khamiistii bilowday kaddib xariga Zuma.

Hasayeeshee dibadbaxyada ayaa qalalaase isu badalay Sabtidii, iyadoo kooxo caraysan ay xireen waddooyinka ganacsiyadana ay boobeen.

Milateriga ayaa haatan la geeyo degmooyinka qaar si ay gacan uga gaystaan xakamaynta rabshadaha, sidaas oo ay tahayna weli waddooyinka qaar ayaa xiran, oo waxaanan weli la aasin maydka dhalinyaro 4 ah oo Soomaali ah oo aagga magaalada Durban shalay lagu dilay.

Khadka taleefanka ee Johannesburg waxaan kula xiriirnay Caamir Sheekh Xuseen, guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalida Koonfur Afrika, oo aan ka waraystay xaaladaha soo kordhay iyo waxa ay illaa hadda qabteen?