Puntland: Sababta nagu kaliftay inaan soo jeedinno hindise lagu mamnuucaya gudniinka gabdhaha
Maamul Puntland ayaa meel mariyey sharci dambi ka dhigaya gudniinka gabdhaha.
Sharcigan ayaa noqonaya kii ugu horreeeyey ee noociisa ah ee laga hirgaliyo Soomaaliya, kaas oo mamnuucaya nooc walba oo gudniinka gabdhaha ah, ayadoo ciddii ku xadgudubtana ay ciqaab mutaysan doonto.
Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Puntalnd, Cawil Sheekh Xaamid, oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in sababta ay ujoojiyeen ay tahay in dhibaato uu gabdhaha ku keenay gudniinka.
Wasiirka ayaa sheegay in Golaha Wasiiradda ay u codeeyeen sharciga oo uu sidaasi ku meel mararay.
"Ma ahan wax kaste oo lagu soo dhaqmay oo caada dhaqameed ah in aan la joojin karin, waad ogtahay in gudniinka uu dumarka ku keenay dhibaato badan, intaa waxaa dheer in diinteenuna na farayso in la suuliyo gudniinka fircooniga ah," ayuu yiri wasiir Cawil Sheekh.
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in sababta ay gudniinka u kala saariwaayeen - ee fircooni iyo kuwa kale - ay tahay inay adkaatay kala soociddooda.
Wasiirka oo ay BBC-da weydiisay in ka hor inta aysan gaarin go'aankan ay culimada kala tashadeen iyo inkale ayaa ku jawaabay in ay culimada kala talo-geliyeen, sido kalena waxa uu wasiirka yiri: "Anaga laftirkeena cid naga culumaysan ma jirto oo culamada ka mid nahay"
Xeer midkan la mid ah oo 2011-kii lagu joojiyay gudniinka ayay baarlamaanka Puntaland isku khilaafeen, haddaba markan suurogal matahay in baarlamaanka uu meel mariyo sharicigaan?
Wasiirka oo ka jawaabayaa ayaa yiri: "Waan rajaynayaa inshaallah inuu marayo, labada waqtina muddo ayaa u dhaxaysay waxaana rajaynayana in uusan buuq ka dhalan."

