You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Joe Biden: Waxaa na horyaalla caqabadihii ugu adkaa ee soo mara Mareykanka
Joe Biden ayaa Arbacadii wuxuu si rasmi ah u noqday madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka. Wuu sii ogaa sida ay u culus tahay howsha u taalla isaga iyo xukuumaddiisa.
Mareykanka wuxuu wajahayaa xaalad uu jiro xanuun safmar ah kaas oo sababay shaqo la'aan baahsan iyo ganacsiyada oo la xiray, deegaan qalqal la geliyay, caddaalad dhanka isirka ah oo la dalbanayo iyo soo noqoshada "xagjirnimada siyaasadeed, u doodidda sarreynta caddaannimada iyo argagixsada gudaha".
Khudbadii uu ka jeediyay xafladda caleema saarka kuma saabsaneyn liis soo jeedinno iyo xal ah. Waxay ahaayeen dokumentiyo isbeddel lagu sameeyay oo la soo saaray aroortii hore ee Arbacada ee qeexayay 17 amar madaxweyne oo laga doonayo inuu saxiixo - oo khuseeyaan socdaalka, isbeddelka cimilada, xuquuqda dadka labeebka ah, caafimaadka bulshada, iyo kuwo kale.
Taa beddelkeed, Biden wuxuu khudbadiisa ku soo qaatay muujinta rajo - iyo isagoo ku dooday, inay qasab tahay in dalku u midoobo wajihidda caqabadaha horyaalla.
"Midnimo la'aan, ma jireyso nabad, keliya waxaa jiraya cuqdad iyo caro," ayuu yiri. "Horumar ma jirayo, keliya waxaa jireysa caro. Qaran ma jirayo, keliya xaalad qas ah ayaa la galayaa."
"Tani waa xilligeenna taariikhiga ah ee xasaradaha iyo caqabadaha," ayuu yiri. "Midnimaduna waa waddada hore u socoshada".
Mararka qaar, khudbada Biden waxay u muuqatay mid toos ugu socotay maamulka ninkii ka horreeyay, inkastoo uusan carrabaabin magaca Donald Trump.
Halka uu Trump dhowr jeer ka hadli jiray xoojinta awoodda Mareykanka uuna u mahad celin jiray dadkii aasaasay, Biden wuxuu sheegay in taariikhda qaranka ay wajahaysay caqabado badan.
Halka la talyihii Trump Kellyanne Conway ay ka hadashay "xaqiiqooyin la tilmaami karo" ku dhowaad afar sano kahor, Biden wuxuu yiri: "Waxaa jirta run waxaana jira been loo sheegaa kasbashada awood iyo in lagu faa'iido."
Biden ayaa khudbadiisa caleema saarka ku soo koobay digniin ku aaddan inay tahay in Mareykanku uusan dhexdiisa isku soo jeesan.
"Dib baan u hagaajin doonnaa xulafadeenna, dunidana mar kale ayaan la macaamili doonnaa," ayuu yiri.
Biden wuxuu geddiyay bogga maalmihii Trump ee "Mareykanka ayaa mudnaanta leh".
Boqolka maalmood ee ugu horreeya maamul walba waa u muhiim madaxweynaha cusub. Muxuu muhiimadda koowaad siin doonaa? Muxuu doonayaa inuu ku guuleysto?
Khudbada Biden waxaa ka muuqatay inuu xilka qabanayo isagoo niyadda ku haya waxyaabaha ugu waaweyn ee uu mudnaanta siin doono.
Dowladdiisa ayaa mas'uul ka noqon doonta in tallaalka coronavirus ay u qeybiso si hufan oo caddaalad ay ku dheehan tahay. Intaas kaddib, wuxuu diiradda saari doonaa dhaqaale burburka uu sababay xanuunka safmarka ah.
Fayraska ayaa sababay sinnaan la'aan dhanka dhaqaalaha ah, wuxuuna qoysas badan ku qasbay inay qarka u fuulaan dhaqaale burbur. Wuxuu saameyn ba'an ku yeeshay shirkadaha socdaalka iyo hoteellada, isagoo sidoo kale ciriiri geliyay dhaqaalaha dowlad goboleedyada.
Codsigiisa midnimada waxaa la tijaabin doonaa goor hore, isagoo ku riixaya Kongareeska kala qeybsan inay meel mariyaan barnaamij kale oo gargaar oo Fayraska Korona loogu talo galay. Haddii uu doonayo in si degdeg ah loo meel mariyo, wuxuu u baahnaan doonaa taageerada xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Sare, waxaana haatanba muuqata in qaarkood ay ka soo horjeedaan in lacag kale la kharash gareeyo.
Haddana waxaa Aqalka Sare taalla dacwadda xil ka qaadista Trump, taas oo caqabad kale ku ah midnimada qaran. Waxay sababi doontaa in magaca Trump uu toddobaadyada soo socda sii heysto warbaahinta.
Intaas kaddib, waddada siyaasadeed ee Biden ayaa noqon doonta mid ka duwan tan maamulkii ka horreeyay. Wuxuu sheegay inuu doonayo inuu horumariyo daryeelka caafimaadka ee Mareykanka, uu ka hadlo deymaha badan ee lagu leeyahay ardayda jaamacadaha, uu maalgashiyo cusub ku sameeyo dhismaha waddooyinka uuna wax ka qabto isbeddelka cimilada.
Wuxuu codsaday in la dedejiyo sharciga isbeddelka loogu sameynayo socdaalka oo ay ku jiraan in dhalasho la siiyo muhaajiriinta aan diwaangashaneyn, taas oo ahayd siyaasaddii caawisay madaxtinnimadii Trump markii ugu horreysay ee uu xilka qabtay.
Waxa uu muhiimadda siinayo, iyo sida ay u guuleystaan dadaalladiisa ugu horreeya, ayaa go'aan ka gaari doona guusha guud ee maamulkiisa.
Xafladdii caleema saarka way dhammaatay. Balse sida uu Biden ku sheegay khudbadiisa, dadka Mareykanka waxay wajaheen xilliyadii ugu adkaa ee soo mara taariikhda dalkaas.
"Waxaa nalagu xukmin doonaa sida aan u xallinno xasaradahan ba'an ee jira xilligeenna," ayuu yiri.
Biden wuxuu olole ka dhan ah Trump u galay in fursad loo siiyo wajihidda xasaradahaas. Hadda wuu heystaa fursad.