Najma Makena: "Dadka waxay u maleeyaan in qurxinta aan sameeyo ay tahay ‘wax laga argagaxo'”

Qoraalka Muuqaalka, Najma Makena: "Dadka waxay la tahay in shaqo shaydaan aan hayo"
Published

DIGNIIN: Waxaa suuragal ah in muuqaallada qaar ee warbixintan aad ka argagaxdo.

Najma Makena waa gabar Soomaali ah oo ku nool Nairobi, waxayna tan iyo 2018-kii sameyneysay qurxin weji oo cajiib ah.

Dadka qaar waxay aaminsan yihiin in waxa ay sameyso ay yihiin arrimo argagax.

Si kastaba, Najma arrintaas kuma aysan qasbin in ay shaqadeeda joojiso, waxayna ku hammineysaa in shirkadda aflaanta ee Hollywood ka shaqeyso.