Qalalaasaha Gobolka Tigrayga Itoobiya: Afar arrimood oo aad u baahan tahay in aad ka ogaato

Qoraalka Muuqaalka, Qalalaasaha Gobolka Tigrayga: Afar arrimood oo aad u baahan tahay in aad ka ogaato
Published

Xiisad colaadeed u dhexeysa maamulka Tigreega iyo dowladda Itoobiya ayaa sii xoogeysaneysa.

Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed wuxuu ciidamada daacadda u ah maamulka Jabhadda Xoreynta Tigreega ee TPLF, ku eedeeyay in ay weerar ku qaadeen militariga dowladda Itoobiya.

Xiisaddan sare u sii keceysa waxay astaan u noqon kartaa qalalaase gudaha ah oo ku baahi kara meelo ka baxsan xuduudda Itoobiya.

TPLF waxay militariga iyo dowladda ku eedeynayaan in ay ciqaabayaan, sababtoo ah waxay qabsadeen doorashadooda u gaarka ah ee baarlamaanka Tigrayga, bishii September ee sannadkan.

Tallaabadaas waxay diidmo qayaxan ku ahayd amarkii dowladda ee lagu mamnuucay doorashada, sababo la xiriira xanuunka faafa ee coronavirus.

Emmanuel Igunza ayaa sharaxaya arrimaha la xiriira qalalaasahan.