Is dhexgalka aroosyada Gaalkacyo labadeeda qeybood
Published
Magaalada Gaalkacyo oo sanado badan ay ka taagneyd colaad u dhexeysa qabaa'il halkaa wada dega ayaa hadda waxaa ka socda dedaallo ay hormuud u yihiin dhalinayaro taas oo ay ku doonayaan in nabad waarta ay halkaa kaga dhalato.
Dhalinyarada oo sheegay inay dedaalladan soo wadeen dhowr sano ayaa hadda billaabay inay aroosyada habeenkii ku dhigtaan labada qeybood ee ay u kala go'an tahay Gaalkacyo.
Waxa ay sheegeen inay tallaabadaas uga gol leeyihiin inay horseedo kalsooni iyo isdhaxgal bulshada ka dhex abuuranta.


