Maxaad fali lahayd haddii aad la kulanto ninkii aabahaa qarax ku dilay?
Published
Wiilkan oo lagu magacaabo Garil wuxuu aabihiis ku waayay qarax ka dhacay magaalada Bali, markaasoo uu dhiganayay dugsiga hoose.
Qaraxa uu aabihiis ku geeriyooday wuxuu ahaa weerarkii argagixiso ee ugu khasaaraha badnaa waddanka Indonesia, waxaana lagu dilay in ka badan 200 oo ruux.
Ugu dambeyn Garil wuxuu fursad u yeeshay inuu la kulmo ninkii fuliyay qaraxii aabihiis dilay, kaasoo hadda qaadanaya xabsi daa'in.
Muuqaalkan uga bogo sheekadii dhex martay.