Japan: Duufaanta Typhoon Trami oo ku dhufatay Japan oo ay ku dhaawacmeen 84 qof

Saameynta dabeysha iyo roobka duufaanta
Qoraalka sawirka, Duufaanta oo ku dhufatay Koonfurta jasiiradda Okinawa waxaa ku dhaawacantay 40 qof
Published

Duufaanta Typhoon ee ku dhufatay Koonfurta galbeed ee dalka Japan ayaa la sheegay iney hakisay isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Duufaanta Typhoon Trami oo ka dhacday meel ku dhaw magaalada Osaka ee ku taalla galbeedka Japan waxay ku socotay xawaara dhan saacaddiba 216 km.

Duullimaadyo diyaaradeed iyo isu socodka tareen aadi lahaa galbeedka dalka ayaa la hakiyey. In ka badan 750,000 gurina waxaa koronta la'aan ayaa ku dhacday.

Ugu yaraan 84 qof ayaa ku dhaawacantay duufaantaasi. Duufaantan oo galbeedka Japan wax ka yar bil mar kale ku dhufatay haddana waxaa lagu tilmaamay iney tahay tii ugu adkeyd oo muddo 25 sana ah soo marta galbeedka Japan.

Bishii September daadad ka dhashay roobab duufaanno ka dhashay ayaa waxaa ku dhimatay ugu yaraan 7 qof.

In ka badan 1,000 duulimaad ayaa laga hakiyey dalka Japan
Qoraalka sawirka, In ka badan 1,000 duulimaad ayaa laga hakiyey dalka Japan
Xarumaha tareenka ee magaalada Osaka oo adeegyadooda hakiyey
Qoraalka sawirka, Xarumaha tareenka ee magaalada Osaka oo adeegyadooda hakiyey
Dad yar oo ku dhiirraday iney waddooyinka Tokyo ay ku socdaan iyada oo ay duufaanta dhaceyso
Qoraalka sawirka, Dad yar oo ku dhiirraday iney waddooyinka Tokyo ay ku socdaan iyada oo ay duufaanta dhaceyso
Haweeney la taacaleyso dabeysaha duufaanta
Qoraalka sawirka, Haweeney la taacaleyso dabeysaha duufaanta