Indonesia: in ka badan 800 oo qof oo ku dhimatay duufaanta Tsunami ee ku dhufatay jasiiradda Sulawesi

Published

Howlaha gurmadka lagu baadi goobaya dadka ku hoos jira dhismayaasha burburay ayaa ka socda jasiiradda Sulawesi oo ay jimcihi ku dhufteen Dhulgariir iyo Duufaan wada socda, oo ay ku dhinteen boqollaal qof.

Sawir muujinaya haweeney meyd ah oo dhisma hoostii laga soo saaraya
Qoraalka sawirka, Sawir muujinaya haweeney meyd ah oo dhisma hoostii laga soo saaraya
Ugu yaraan 832 qof ayaa ku dhimatay masiibada Sulawesi ku habsatay
Qoraalka sawirka, Ugu yaraan 832 qof ayaa ku dhimatay masiibada Sulawesi ku habsatay
Tirada dhimashada ayaa laga cabsi qabaa iney aad u sii korodho
Qoraalka sawirka, Tirada dhimashada ayaa laga cabsi qabaa iney aad u sii korodho
Qaar ka mid ah meydadka dadki ku dhintay masiibada duufaanta Tsunami ee Palu ku dhufatay
Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah meydadka dadki ku dhintay masiibada duufaanta Tsunami ee Palu ku dhufatay
Palu - oo ah magaala ay ku noolaayeen 335,000 qof waxay hadda u ekaatay magaala uu dagaal ka dhacay
Qoraalka sawirka, Palu - oo ah magaala ay ku noolaayeen 335,000 qof waxay hadda u ekaatay magaala uu dagaal ka dhacay
Raadka hirka ee ku dhuftay Palu
Qoraalka sawirka, Raadka hirka ee ku dhuftay Palu
10 huteel oo ugu weyneyd magaalada oo laga cabsi qabo iney dad badan burburka dhismaha ku hoos jiraan
Qoraalka sawirka, 10 huteel oo ugu weyneyd magaalada oo laga cabsi qabo iney dad badan burburka dhismaha ku hoos jiraan
Howlaha gurmadka oo u socda
Qoraalka sawirka, Howlaha gurmadka oo u socda
Masaajid ku burburay dhulgariirka
Qoraalka sawirka, Dulgariirka oo dhacay xilli habeen ah oo masaajidda ay dadka ku jireen