Austria oo soo jeedisay in lagu hayo muhaajiriinta badda ilaa laga hubinayo

Published

Wasiiradda arrimaha gudaha ee dalalka Austria iyo Talyaaniga ayaa ugu baaqay Midowga Yurub in lagu hayo muhaajiriinta lasoo badbaadiyo badda illaa iyo inta laga hubinayo codsiyadooda ay ku doonayaan magangalya doonimo.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Austria Herbert Kickl, ayaa kusoo bandhigay shirka arrimaha muhaajiriinta ee dalalka Midowga Yurub uga socoonaya caasimadda Vienna fikradaan, waxaana ku taageeray dhigiisa dalka Talyaaniga Matteo Salvini.

Boqolaal kun oo muhaajiriin ah ayaa isku daya sanad walba inay gaaraan dalalka Yurub iyaga oo ubareeray khatarta bad weynta Maditeraaniyanka.

Mr kickl ayaa sheegay in maraakiibta sida muhaajiriinta ay isticmaali doonaan "hanaan degdeg ah" si loo kala cadeeyo magangalya doonayaasha xaqa u leh in la aqbalo, balse faahfaahin dheeraad kama uusan bixinin.

Mr Salvini ayaa waxaa ku socda baaritaan ah inuu diiday inuu u ogolaado muhaajiriin lasoo samatabixiyay inay soo galaan dalkaasi bishii lasoo dhaafay.

Dacwad oogayaasha Jazeerada Sicily ayaa su'aalo ka waydiinaya suuragalnimada in si sharci darro ah loo xirxiray dad muhaajiriin ah iyo ku takri fal awoodeed.

Wasiirka arrimaha gudaha Austria oo qorshihiisa ka dhanka ah muhaajiriinta sharaxayay ayaa waxa uu ka sheegay shir jaraa'id oo si wada jir ah ay u wada qabteen Mr Salvini maalintii Jimcaha, in kaddib markii "si sax loo baaro " maraakiibta sida dadka magangalya doonk ah in kuwa xaqa u leh in la qaabilo la keeni doono dalalka Midowga Yurub halka kuwa kalena loo qaadi doono goobo aamin ah oo dalal saddexaada.

Mr Salvini ayaa sheegay in gabi ahaanba uu la dhacsan yahay qorshahaasi uu soo bandhigay dhigiisa arrimaha gudaha ee dalka Austria.

Talyaaniga ayaa ka mid ah meelaha ugu muhiimsan oo muhaajiriintu ay kasoo galaan Yurub, kuwaasi oo noloshooda galiya halis si ay u gaaraan halka dalaka Yurub, iyaga oo soo mara badda Mediterranean-ka xili ay ku rajo weyn yihiin inay nolol wanaagsan ka helaan Midowga Yurub.

Heseyeeshee, xafiiska hay'adda Dhaqaatiirta aan Xuduuda lahayn ee Austria ayaa cambaareysay fikrada uu soo jeediyay wasiirka arrimaha gudaha ee Austria.