You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Iibinta xashiishka ee Uruguay oo la fasaxay
Wixii ka billowda bisha Luulyo ee sannadkan, ayaa sharci laga dhigi doonaa in dadka dalka Uruguay ay xashiishadda ka iibsan karaan farmashiyeyaal gaar ah oo ruqsad haysta.
2013 ayey Uruguay noqotay waddankii ugu horreeyey ee sharciyeeya beeridda, iibinta iyo isticmaalka daroogadaas, laakinse waxaa hakad ku jiray in farmashiyeyaasha laga iibsado.
Farmashiyeyaal badan ayaa ka shakisan faa'iidada dhaqaale ee ugu jirta badeecad qiimaheeda la koontaroolayo.
Dad reer Uruguay ee doonaya in ay iibsadaan xashiishadda ayaa ka caga jiidaya inay saxiixaan diiwaan loogu talay, ayagoo ka cabanaya in sirtooda ay dibadda imaan doonto. Waxay kaloo ka cabanayaan xadaynta xashiishadda ay bishiiba gadan karaan oo la cayimay.
Waxaa la qorsheeyey in halkii gram oo xashiish ah uu farmashigu gado $1.30.