Hiiraan: Dad loo xirxiray xaallufin

Qoraalka Codka, Hiiraan: Dad loo xirxiray xaalufin
Published

Maamulka gobolka hiiraan ayaa dhawaan burburiyey godad 50 ka badan oo dhuxusha lagu shidi jiray, kuwaasoo dhamaantood ku yaalla deegaanno u dhow degmada Matabaan.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo BBC la hadlay ayaa intaa ku daray in gacanta lagu soo dhigay dad 20 qof ka badan oo loo haysto inay jareen dhir qoyan.

Faarax lamaane ayuu uga warramay sababta ay godadka dhuxusha u burburiyeen.