1. Ra’isul Wasaaraha oo weerar
qaaday
Rishi Sunak wuxuu xafiiska
joogey muddo sannad iyo bar, xisbigiisuna wuxuu talada ahayey14 sano. Haddana waxaad
moodeysey in uu isagu yahay ninka mucaaradka ah, isagoo si isdabajoog ah u
weerarayey siyaasadaha dhiggiisa xisbiga Shaqaalaha.
Siyaasadaha uu duray waxaa ka
mid ahayd su’aal la xiriirtey sida Sir Keir uu u maareyn lahaa shaqo-joojinta
ay dhakhaatiira caymiska da’da yar ee ka shaqeeya nidaamka NHS iyo dhimista
soogalootiga sharci darrad ah.
Mararka qaarkood doodda ayaa
ku laalaaneysey heer Ra’isul Wasaaruhu uu hadalka ka boobo Julie Etchingham doodad
qaybineysey.
2. Starmer oo tusaale u soo
qaatay Liz Truss si uu weerar celis u sameeyo
Hoggaamiyaha xisbiga
Shaqaalaha ayaa ka jawaabayey dhaliilaha uga yimid Sunak ayaa weeraray siyaasadaha
xukuumadda Muxaaafidka ah oo uu siyaasadaheeda 14sano jirsadey ku tilmaamay wax
“laga xishodo”. Wuxuunba tusaale u soo qaatay qof aan istudiyaha ku jirin oo ah
Ra’isul Wasaarihii Sunak xliga uga horreeyey oo ah Liz Truss oo uu dhowr jeer ku soo halqabsaday .
3. Labada dhinac oo faraha isku taagtaagey
Labada hoggaamiye ayaa isweydaarsadey dhaliilo ku saabsan qof walba
iyo wixii uu qaban jirey intii aysan siyaasadda soo galin. Taas oo ay uga
gollahaayeen in ay daawadeyaasha xasuusiyaaan taariikhda taban ee mid walba
noloshiisa ku lifaaqada.
4. Waxay ku kala aragti duwanaayeen daryeelka
caafimaad
Labada dhinac ayaa kula tagey markii
la weydiiyey su’aal la xiriirtey
In ay adeegsan lahaayeen daryeel
caafimaad oo gaar ah, lacalla haddii qof ehelkooda ah uu saf dheer ugu jiro
qalliin.
Mr Sunak ayaa yir haa, laakiin
dhiggiisa Xisbiga Shaqaalaha uu ku jawaabay maya, isagoo intaasnku daray in isaga
iyo qoyskiisu ay ku xiran yihiin.
5. Waxay ku kala qaybsameen
qorshaha Rwanda
Ra’isul Wasaaraha ayaa mar la
weydiiyey haddii uu ka bixi lahaa Xeerka Reer Yurub ee Xaquuqda Aadanaha haddii
uu caqabad ku noqonayo qorshaha dadka magangelyada waayey loogu rarayo Rwanda,
wuxuu ku jaawaabay in amaniga dalku uu wax walba kala muhiimsan yahay. Halka Sir Keir uu hoosta ka xarriiqay difaaca xeerk