Iyadoo ku dhawaad dhammaan codadkii la tiriyay doorashada
guud ee muhiimka ah ee Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan iyo ninka ay sida weyn ula
loolamayaan ayaa sheegay inay aqbali doonaan in wareeg labaad loo codeeyo.
Tirokoobyada rasmiga ah ayaa siinaya madaxweyne Erdogan in
ka yar boqolkiiba konton codadka la tiriyay.
Kamal Kılıçdaroğlu, oo ah ninka ay iska soo horjeedaan ee
cilmaaniga ah, ayaa ku dhow boqolkiiba afartan iyo shan.
Haddii la xaqiijiyo, waxay noqon doontaa markii ugu
horreysay oo qof la tartamaya uu Mr Erdogan u gudbiyo wareegga labaad ee
tartanka madaxtinimada.
Shir jaraa’id oo uu qabtay subaxnimadii hore ee ayuu Mr
Kılıçdaroğlu ku eedeeyay xisbiga madaxweynaha ee AK Party inay faragelin ku
hayaan tirinta iyo ka warbixinta natiijada.
Madaxweynaha muxaafidka ah, oo siyaasadda Turkiga gacanta ku
hayay labaatan sano, ayaa taageerayaashiisa ugu sheegay Ankara inuu ku kalsoon
yahay inuu weli madaxweyne sii ahaan doono.
Xalay saqdii dhexe madaxa guddiga doorashada Turkiga ee YSK
ayaa saxaafadda u sheegay in 87.13% la furay sanaadiiqda cod bixinta, kuwaasoo
laga keenay gudaha iyo dibadda dalkaasi.
Ma uusan gelin codbixintii ugu dambeysay balse wararka aan
ka heleyno guddiga doorashada ayaa sheegaya in madaxweyne Recep Tayyip Erdogan
uu hoos uga dhacay 50%.