50 sano oo ka soo wareegatay wicitaankii ugu horeeyay ee taleefanka gacanta.
Maanta waxay ku beegantahay 50 sano guuradii ka soo wareegtay wicitaankii ugu horeeyay ee taleefanka gacanta oo la sameeyo.
Waxaa wicitaankii ugu horeeyay sameeyay, Martin Cooper, 3-dii bisha April 1973-dii.
Markii ay wicitaankaasi ka soo wareegtay muddo11 sano, Motorolla ayaa waxay soo saartay taleefanka nooca Motorola Dynatec 8000X, sanadkii 1984-tii.
Motorola oo ah taleefankii ugu horeeyay ee la soo saaro ayaa culeyskiisa ahaa 790 garam, wuxuuna ku shaqeynayay wicitaan oo keliya.