Ciidamada Somaliland iyo koox jidka u gashay dhaawacyo laga qaaday Laascaanood oo is fara saaray

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. 50 sano oo ka soo wareegatay wicitaankii ugu horeeyay ee taleefanka gacanta.

    Waxaa wicitankii ugu horeeyay sameeyay Martin Scooper, 1973-dii.
    Qoraalka sawirka, Waxaa wicitankii ugu horeeyay sameeyay Martin Scooper, 1973-dii.

    Maanta waxay ku beegantahay 50 sano guuradii ka soo wareegtay wicitaankii ugu horeeyay ee taleefanka gacanta oo la sameeyo.

    Waxaa wicitaankii ugu horeeyay sameeyay, Martin Cooper, 3-dii bisha April 1973-dii.

    Markii ay wicitaankaasi ka soo wareegtay muddo11 sano, Motorolla ayaa waxay soo saartay taleefanka nooca Motorola Dynatec 8000X, sanadkii 1984-tii.

    Motorola oo ah taleefankii ugu horeeyay ee la soo saaro ayaa culeyskiisa ahaa 790 garam, wuxuuna ku shaqeynayay wicitaan oo keliya.

  2. Qiimaha shidaalka caalamka oo si lama filaan ah sare ugu kacay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Waxaa sare ugu kacay qiimaha Shidaalka aduunka, kaddib markii shirkadaha ugu waaweyn caalamka ee dhoofiya shidaalka ay ku dhawaaqeen inay hoos u dhigayaan wax soo saarkooda.

    Qiimaha saliida ceyriinka ah ee Brent, ayaa kor u kacay in ka badan boqolkiiba shan.

    Kororka ayaa yimid kaddib markii dalalka ku bahoobay ururka OPEC, oo ay ku jiraan dhowr waddan oo Khaliijka ah, Ciraaq iyo Ruushka ay ku dhawaaqeen, inay jarayaan wax soo saarka in ka badan hal milyan oo foosto maalintii.

    Qiimaha saliidda ayaa sare u kacay bishii Febraayo 2022--kii, ka dib markii Ruushku ku duulay Ukraine,

  3. Finland oo Talaadada ku biireysa gaashaanbuurta NATO

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Xoghayaha guud ee gaashaanbuurta NATO, Jens Stoltenberg, ayaa shaaciyay in Finland ay Talaadada ku biiri doonto isbahaysiga.

    Stoltenbarg ayaa sheegay, in tani ay Finland ka dhigi doonto dal xasiloon isla markaana ay xoojin doonto isbanahaysiga NATO.

    Waxaa uu intaa ku daray in sidookale ay Sweden ka dhigi doonto dal nabdoon.

    Finland ayaa bishii May ee la soo dhaafay go’aansatay inay ku biirto NATO, kaddib dullaankii Ruushka ee Ukraine, si ay u soo af-jarto tobanaanka sano ay ka maqnayd xulufada militari.

    Stoltenburg oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Brussels, ayaa sheegay in Finland lagu soo dhaweynayo isbahaysiga.

  4. Qarax khasaare dhaliyay oo ka dhacay Muqdisho

    Qarax

    Maanta abbaare duhurnimo, ayaa KM4 waddada aadda Tarabunka ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Xarunta CID-da ee ka soo horjeedka Hotel Giyajo, waxaa qarax ka dhashay gaari nuuciisu yahay Jamed oo xamuulka qaada, kaas oo ka mid ahaa kolonyo ciidanka AMTMIS qeybtooda Burundi.

    Qaraxa waxaa sababay dab gaariga qabsaday, isla markaana, dhaawacyo u badan gubasho gaarsiiyay ilaa saddex qofood oo shacab ahaa oo goobta ka ag dhawaa.

    Waxaa dadkii gurmad u fidiyay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed. Hadda, waxaa socota baaris la xariira sababta.

  5. Ciidamada Somaliland iyo koox jidka u gashay dhaawacyo laga qaaday Laascaanood oo is fara saaray

    Qori

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wararka ka imaanaya deegaanka Aricaddeeye ee gobolka Sool ayaa sheegaya in dadka deegaanka qaarkood ay halkaasi isaga carareen, kaddib xiisad ka dhalaty gaari ay leeyihiin ciidamada Somaliland oo la rasaaseeyay.

    Gaariga oo ah kan ciidamada Somaliland oo sida la sheegay siday dhaawac ayay fiidnimadii Sabtidii koox deegaanka ah dhexda u galeen oo xabbadeeyeen, ciidamada ayaa dhankooda la sheegay inay ku jawaabeen rasaas ay ku fureen magaalada, halkaasoo sida la sheegay khasaare uu ka dhashay, sida uu BBC-da u sheegay Cumar Axmed Dayib oo ka mid ah dadka deegaanka.

    Dadka ka qaxay deegaanka Aricaddeeye - oo 30km u jira magaalada Laascaanood - ayaa waxaa ka mid ah kuwo markoodii horeba ka qaxay dagaalka Laascaanood.

    Xaalka magaalada Laascaanood ayaa degganaa shalay iyo maanta, kaddib dagaal ka dhacay Sabtidii, oo dadku ay ku tilmaameen kii ugu cuslaa intii ay dagaalladu ka socdeen magaalada.

  6. Ugu yaraan 19 qof oo ku dhintay musiibo ka dhacday DR Congo

    Congo

    Saraakiisha maxalliga ah ee ku sugan bariga Jamhuuriyadda Congo ayaa sheegay in dhul go'ay ay ku dhinteen 19 qof, subaxnimadii Axadda.

    Mas'uul ka tirsan maamulka tuulada Bulwa ee Waqooyiga gobolka Kivu ayaa sheegay in tirada dhimashada ay sii kordhi karto.

    Waxa uu sheegay in xubno ka tirsanaa koox dumar iyo carruur ah oo dhar dhaqayay ay aasmeen ka dib markii uu ku dumay dhulka.

    Maanta oo Isniin ah ayaa lasii waday gurmadka lagu raadinayo dad weli ku hoos jira carrada.

    Gobolkan waxaa ciiddiisa jilciyay roobab mahiigaan ah oo socday dhowr bilood, kaasoo sababay fatahaado.

  7. Trump oo u duulaya New York si maxkamad loo soo taago

    Donald Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Donald Trump

    Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa "isku diyaarinaya dagaal dhinaca sharciga ah" xilli la filayo in maalinta Talaadada ah uu dhageysiga kiiskiisa ka bilowdo maxkamadda, sida uu sheegay qareenkiisa.

    Mr Trump oo hadda ku sugan gurigiisa ku yaalla Mar-a-Lago ayaa la filayaa in uu maanta oo Isniin ah u duulo magaalada New York, halkaas oo uu ku wajihi doono dacwado la xiriira lacago laaluush ah oo la siiyay haweeney ka shaqeysa filimada anshax xumada.

    Ka dib waxa uu qorsheynayaa in uu dib ugu laabto gobolka Florida marka uu dhammaado dhageysiga maxkamadda. Florida marka u uku noqdo waxa uu khudbad u jeedin doonaa taageerayaashiisa.

    Donald Trump waxa uu weli beeninayaa in uu wax dambi ah galay.

    Qareenka u doodaya oo lagu magacaabo Joe Tacopina ayaa ballan qaaday dacwad kasta oo ka dhan ah madaxweynihii hore loola dagaallami doono si adag.

  8. Assalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah.

    Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay ee dhulka Soomaalida iyo calaamka.