Daawo: Booliska Mareykanka oo si xoog ah u lagdaya nin madow ah ka hor inta uusan dhiman

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Unicef oo ka deyrisay dhibaatada biyaha ee ka jirta Soomaliya

    Unicef

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Dhibaatada biyaha Soomaaliya waa mid “ka fog” waxaana la saadaalinayaa in tobanaan kun oo kale ay abaar ugu dhintaan halkaas, Victor Chinyama oo ka tirsan Unicef ​​ayaa u sheegay BBC-DA.

    Warbixin cusub oo ay soo saareen dowladda Soomaaliya iyo QM ayaa lagu sheegay in 43,000 oo qof oo ku nool Soomaaliya ay u badan tahay inay u dhinteen abaarta sannadkii hore kala bar ay ahaayeen carruur.

    Waxa la qiyaasayaa in laga bilaabo Jannaayo ilaa June ee sanadkan 25,000 oo qof oo kale ay dhiman karaan, ayuu yirii Mr Chinyama.

    Si kastaba ha ahaatee, waxaa weli la helayaa waqti lagu badbaadiyo nolosha dad badan, ayuu yiri, isagoo ku taliyay in hay'adaha gargaarku ay sii wadaan bixinta biyo nadiif ah si ay u caawiyaan bulshooyinka walaacsan.

    Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in wax badan laga qabto sidii qoysaska Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen cunto u gaar ah, sidoo kalena loo heli lahaa daryeel caafimaad, waxbarasho iyo difaac adag oo dhanka carruurta ah.

  2. Macron oo difaacay Go'aankiisa da'da hawl-gabka

    Macron

    Xigashada Sawirka, AFP

    Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa difaacay go'aanka dowladdiisa ay ku kordhisay da'da hawlgabka oo ah lixdan iyo laba ilaa lixdan iyo afar.

    Mr Macron waxa uu sheegay in isbedelladani ay yihiin kuwo lama huraan ah, balse aysan ahayn wax lagu raaxaysto, uuna doonayo in la dhaqan geliyo dhamaadka sanadkan.

    Siyaasaddan ayaa keentay mudaharaadyo baahsan oo inta badan rabshado wata.

    Ra'yi ururintu waxay muujinayaan in dadweynaha ay ka soo horjeedaan tallaabadaas.

    Dowladda Faransiiska ayaa si dirqi ah kaga bad baaday cod kalsooni kala noqosho ah horaantii isbuucaan, kadib markii ay ku qasabtay sharcigan in loo maro aqalka hoose ee baarlamaanka codeyn la’aan , iyadoo adeegsaneysa hab gaar ah isla markaana dastuuri ah.

  3. Mesut Ozil oo ciyaaraha ka fariistay

    Mesut Ozil

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Mesut Ozil

    Laacibkii hore ee khadka dhexe uga dheeli jiray kooxaha Arsenal, Real Madrid iyo xulka qaranka Jarmalka Mesut Ozil ayaa ka fariistay ciyaaraha isagoo 34 jir ah.

    Ozil wuxuu horey ugu guuleystay sagaal koob intii uu dheelayay kooxaha, waxaana kamid ah koobka FA Cup iyo horyaalka Spain ee Laliga sanadkii 2012-kii.

    Wuxuu kamid ahaa ciyaartooydii xulka qaranka Jarmalka ee ku guuleystay Koobka Adduunka sanadkii 2014-kii kaasoo lagu qabtay Brazil.

    “Wuxuu ahaa safar cajiib ah oo aan kusoo maray xiliyo aan la hilmaami Karin” ayuu yiri Ozil oo bartiisa twitter-ka ku shaaciyay in uu ka fariistay ciyaaraha.

  4. Fadliga Soonka

  5. Daawo: Gantaallada Ruushka uu la beegsaday magaalo ku taalla Ukraine

    Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhaawacmay duqeymo uu Ruushka ka geystay dhismo ku yaalla magaalada Zaporizhzia.

    Kameerooyin ku xirnaa halkaas ayaa duubay muuqaalka xilli gantaalka Ruushka uu ku dhacay dhismaha.

    Ruushka ayaa maanta duqeeyay magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla Ukraine.

    Qoraalka Muuqaalka, Muuqaalka gantaalka ku dhacay dhismaha
  6. Dad ku dhintay duqeyn uu Ruushka ka geystay Ukraine

    Khasaaraha ka dhashay duqeymaha Ruushka

    Xigashada Sawirka, DSNS UKRAINE

    Qoraalka sawirka, Khasaaraha ka dhashay duqeymaha Ruushka

    Ciidamada Ruushka ayaa duqeeyay magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla dalka Ukraine, waxaana ku dhintay ugu yaraan afar qof kadib markii diyaaradaha Drones-ka ay duqeeyeen dhismooyin ay dad dagan yihiin oo ku yaalla caasimadda Kyiv.

    Sidoo kale goobaha ay duqeeyeen waxaa kamid ah iskuul gaar ahaan qeybta ay ardeyda jiiftaan.

    Qararxyo ayaa laga maqlayay magaalada dekedda leh ee Sevastopol.

    Dhinaca kale, mas'uuliyiinta ku sugan gobolka Crimea ee uu Ruushka heysto ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerar ay kusoo qaadeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Ukraine.

    Madaxa maamulka Ruushka , Mikhail Razvozhaev ayaa sheegay inay burburiyeen saddex kamid qalabkii lala damacsanaa in lala beegsado maraakiibtooda yaallay badda madow isla markaana aysan waxyeello soo gaarin maraakiibta dagaalka ee Ruushka.

    Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca militariga Ukraine, oo sheegay horaantii toddobaadkan in ay burburiyeen gantaalo la doonayay in lagu garaaco maraakiibtooda oo ku sugnaa xarunta tareenada ee Dzhankoi ee waqooyiga Crimea.

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in Ruushka uu soo diray in ka badan 20 "diyaaradaha dilaaga ah ee Drones-ka" iyo sidoo kale gantaalo iyo madaafiic.

  7. Daawo: Booliska Mareykanka oo si xoog ah u lagdaya nin madow ah ka hor inta uusan dhiman

    Qoraalka Muuqaalka, Muuqaalka muujinaya booliska oo si xoog ah u lagdaya ninka madowga ah

    Dacwad oogayaasha ku sugan gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa baahiyay muuqaal muujinaya daqiiqadihii ugu dambeeyay ee nolosha nin madow ah oo bukaan ah oo ku dhintay isbitaal lagu daweeyo dadka qaba xanuunada dhimirka.

    Waxaa la arkayay Irvo Otieno oo ay dhulka dhigeen koox boolis ah xilli uu katiinadeysnaa.

    Waxaa la xiray saraakiil ka tirsan booliska iyo saddex kamid ah shaqaalaha caafimaadka oo lagu eedeeyay dilka ninka madowga ah.

    Garsooraha wuxuu Talaadadii sheegay in 10 qof lagu eedeeyay kiiska.

    Irvo Otieno, wuxuu kasoo jeedaa Kenya, wuxuu Mareykanka tagay isagoo afar jir ah.

    Waxaana markii la xiray 3-da bishan March isagoo lagu eedeeyay falal dhac ah, sida lagu sheegay war saxaafadeed ay soo saareen booliska.

    Wuxuu ku jiray xaalad deg deg ah, waxaa la rumeysanaa in ninka uu waxyeelleyn u geysan karo dadka ama saraakiisha kadib markii lala xiriiriyay in uu qabo xanuunada dhimirka.

  8. Baarlamaanka Itoobiya oo liiska argagixisada ka saaray TPLF

    .

    Xigashada Sawirka, TPLF

    Baarlamaanka Itoobiya ayaa liiska argagixisada ka saaray kooxda TPLF ee dagaalka kula jirTay dowladda Itoobiya muddo laba sano ah.

    Tallaabadan ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii nabadeed ay labada dhinaca sanadkii hore ku kala saxeexdeen dalka Koonfur Afrika.

    Sidoo kale heshiiskaas, waxaa qeyb ka ahaa in dib loo soo celiyo adeegyadii muhiimka ahaa ee bulshada sida gargaarka banii’aadanimo in la gaarsiiyo shacabka iyo hub ka dhigis lagu sameeyo ciidamada Tigray si ay qeyb uga noqdaan ciidamada dowladda.

  9. Koox ka tirsan fallaago ka dagaallanta Chad oo loo xiray dilkii madaxweynihii hore

    Idriss Déby- waxaa la dilay xilli uu ku sugnaa jiidda hore ee dagaalka xilli ciidamadiisa ay dagaal kula jireen fallaagada

    Xigashada Sawirka, Idriss Deby Itno

    Qoraalka sawirka, Idriss Déby- waxaa la dilay xilli uu ku sugnaa jiidda hore ee dagaalka xilli ciidamadiisa ay dagaal kula jireen fallaagada

    Maxkamad ku taalla dalka Chad ayaa xabsi daa’in ku ridday in ka badan 400 oo fallaago ah oo lala xiriiriyay dilkii loo geystay madaxweynihii dalkaas Idiris Déby.

    Idiris Déby ayaa bsihii April 2021-kii u dhintay dhaawacii kasoo gaaray dagaal ka dhan ahaa fallaagada oo ka dhacay waqooyiga Chad, wuxuu kamid ahaa madaxdii ugu mudada dheereyd ee xilka heysay qaaradda inka badan 30 sano.

    Maxkamadeynta kooxda fallaagada (Fact) oo ka koobnaa 465 qof ayaa ka bilaabatay bishii February maxkamad ay alaabada u xirnaayeen oo ku taalla caasimadda N'Djamena.

    Waxaa lagu helay dambi la xiriira argagixiso, inay wiiqayeen amniga qaranka iyo inay halis galiyeen nolosha madaxweynaha iyo dambiyo kale.

    Kooxda fallaagada (Fact) waxay ku tilmaantay maxkamadeynta ragga mid been ah oo aan waxbo ka jirin.

    Mid kamid ah qareenada raggan ayaa sheegay in uu racfaan ka qaadan doono go’aanka maxkamadda.

  10. Cudur lagu jahwareersanaa oo ka jiray Tanzania oo hadda la ogaaday waxa uu yahay

    Feyraskan waxay is leeyihiin cudurka Ebola.

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Feyraskan waxay is leeyihiin cudurka Ebola.

    Wasaaradda caafimaadka ee Tanzania ayaa sheegtay in la ogaaday waxa uu yahay cudur lagu jahwareersanaa oo ka jiray dalkaas kaasoo lagu sheegay in uu yahay cudurka Marburg haemorrhagic.

    Cudurkan waxaa Tanzania ugu dhintay 5 qof.

    Feyraskan qofka uu ku dhaco wuxuu isku arkaa qandho daran, dhiig bax iyo inay shaqada gabaan qaar kamid ah xubnaha jirka.

    Feyraskan waxay is leeyihiin cudurka Ebola.

    Wasiirka caafimaadka ee Tanzania Ummy Mwalimu ayaa ugu baaqday shacabka inay is dejiyaan maadama dowladda ay xakameysay fiditaanka cudurka.

    Waxay intaa ku dartay in 3 qof oo ku dhacay cudurkan la daweynayo halka ay ku daba jiraan 161 qof oo la kulmay dad uu horey ugu dhacay feyraska.

    Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii koox gaar ah loo diray gobolka dhaca waqooy galbeed ee Kagera oo u dhaw xadka Uganda si ay baaritaan ugu soo sameeyaan cudurka.

    Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa bogaadisay sida deg dega ah ay Tanzania uga falcelisay cudurka.

  11. Baarlamaanka Uganda oo ansixiyay sharci ogolaanayo in la xiro dadka isku jinsiga ah

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Baarlamaanka dalka Uganda ayaa meelmariyay hindise-sharciyeed dambi loogu soo ogayo in dad isku jinsiga ah.

    Waxay dadkan wajahi karaan xabsi waa haddii sharcigan uu qalinka ku duugo madaxweyne Yoweri Museveni.

    Sida ku xusan sharciga, saaxibada, qoyska iyo bulshada waa in dowladda ay ku wargeliyaan dadka isku jinsiga ah.

    Dalka Uganda waxaa ka mamnuuc ah dadka isku jinsiga.

    Hindise-sharciyeedkan ayaa markii ugu horreysay horraantii Bishan waxaa la horgeeyay baarlamaanjka iyadoo si weyn ay u taageereen xildhibaanada.

  12. Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Laascaanood

    Ciidamada jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland iyo maleeshiyaadka deegaanka ayaa weli isku hor fadhiya aaggag u dhaw magaalada Laasacaanood oo ay ku dagaallamayeen tan iyo horraantii bishii hore.

    Dhanka kale, shacabka ka barakacay magaalada ayaa xaalad adag ku wajahaya deegaannada ay gaareen.

    Waxaa inta badan deegaannadaas ka curtay roobab, taasoo culayska ku kordhisay qoysaska aan haysan hooy wanaagsan.

    Jaamac Xasan Saalax oo kamid ah dadka u barakacay deegaanka Shululux ee ka tirsan Laasacaanood ayaa BBC-da uga warramay xaaladda ay wajahayaan.

    Qoraalka Codka, Xaaladda Laascaanood

    Wararka kale:

  13. Asalaamu Caleykum.

    Kulanti kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo Caalamka.