Wiilka
uu dhalay Boqorka UK, Amiir Harry ayaa sheegay inuu hayo dhacdooyin laga qori
karo laba buug, ayna kamid yihiin waxyaabo haddii uu shaaca ka qaado aanay
cafin doonin qoyskiisa.
Amiirka
uu qaba gabar Maraykan ah oo lagu magacaabo Meghan Markel ayaa xiriir aan
wanaagsaneyn waxa uu kala dhexeeyaa qoyskiis Boqortooyada, taasoo keentay inuu
ka guuro Britain.
Buug
uu ugu magacdaray Spare oo uu uga hadlay xaaladda qabsatay ayaa waxa uu noqday
mid si aan horay loo arag ay u iibsadaan dadka UK.
Buugga ayaa waxaa lagu xusay liis
dheer oo cabashooyin ah oo ka dhan ah qoyska Boqortooyada, iyo sidoo kale tiiraanyo
aan la dhayin oo geerida hooyadiis ah, sidii uu ula dalaa dhacayay caafimaadka
maskaxda, nolosha go’doonsan ee u uku jiray ka hor inta uusan la kulmin Meghan,
iyo xiriirka xumaaday ee xubno ka tirsan qoyska.
Aqalka Kensington Palace iyo
Buckingham Palace ayaa labaduba sheegay inaysan waxba ka oran doonin waxyaabaha
buugga ku qoran.
Wareysi uu la yeeshay Bryony Gordon
oo ka tirsan wargeyska Telegraph, kaasoo tegay California si uu ula hadlo, ayaa
wuxuu amiir Harry sheegay in uusan isku dayeynin inuu dumiyo boqortooyada,
balse inuu isku dayayayo inuu iyaga badbaadiyo.
Wuxuu amiirku sheegay inay jirtay
warbixin uu la wadaagay ninka aan la aqoon ee wax u qora, JP Moehringer, si uu
faham guud uga qaato, balse aan marnaba warbixintaasi lagu dareynin buugga.
Wuxuu sheegay in sheekadiisan ay ka
koobnaan lahayd labo buug, balse macluumaad laga jaray ayna haatan tahay hal
buug oo 400 oo bog ka kooban.
Wuxuu intaa raaciyay inaysan
suurtogal ahayn inuu sheego sheekadiisa isagoo aan soo qaadin xubno ka tirsan qoyskiisa,
maaddaama uu sheegay inay door muhiim ah ku leeyihiin, iyo in sidoo kale loo
baahan yahya in la fahmo qof walba oo ku jira buugga.
Wuxuu Amiir Harry xusay inay jiraan
waxyaabo dhex maray isaga iyo walaalkii, iyo sidoo kale isaga iyo aabbihii, balse
uusan dooneyn inay dunidu ogaato.
Wuxuu sababta ku sheegay inuu
aaminsan yahay in haddii uu sidaa sameeyo aysan wleigood cafin doonin.
Wuxuu sheegay inuu cafiyay wax walbo
ay ku sameeyeen, wuxuuna xubnaha qoyskiisa ugu baaqay inta ay dhaleeceyn lahaayeen
inay si hagaagsan ula fadhiistaan kalana xaalaan tabashooyinkiisa, isla
markaana ay raalligelin siiyaan xaaskiisa.
Qaar ka mid ah waxyaabaha buugga ku
xusay, wuxuu Amiir Harry sheegay in walaalkiis uu Meghan ku tilmaamay inay
tahay qof "qallafsan", oo "xaasid" ah. Amiir Harry ayaa
sidoo kale walaalkiis ku eedeeyay inuu jir ahaan weerar u geystay.